HomeRAMADAANTA IYO RAMADKEEDA – Qalinka: Guuleed Cumar Madar (Qaybta 1aad)

RAMADAANTA IYO RAMADKEEDA – Qalinka: Guuleed Cumar Madar (Qaybta 1aad)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

guuleed MadarMacnaha bisha barakaysan ee Ramadaan marka aynu ku qeexayno luuqadda uu ka soo jeedo erayga “Ramadaan” ee luuqadda af-carabiga waa: in aad ka joogsato dhamaan wixii aad fali jirtay af iyo adinba .

Diinteena islaamka waxa ay aad uuga warantay bisha barakaysan ee Ramadaan, waxa ayna sharci ahaan tahay ” in aad joojiso cunnada , cabitaanka , laga bilaabo saqda dhexe marka uu cirku caddaado adiga oo aaminsan niyaddana ku haya inaad dar ilaahay(S.W.T) u soomantahay, ilaa laga gaarayo waqtiga ay godka gasho cadceeddu”.  Kaliyaata maaha Ramadaan in aad ka soonto cunnada amaba cabitaanka ee waa in aad ka soonto xataa hadalka aan khayrka ahay , dheeldheelka , kaftanka, fiirsashada cayaaraha ,dhagaysiga heesaha,siyaasadda,xanta ,u raxlaynta bini-aadmiga , waxa uu ilaahay (S.W.T) qur’aankiisa kaga waramay  “فَكُلِي وَاشْرَبِي وَقَرِّي عَيْنًا فَإِمَّا تَرَيِنَّ مِنَ الْبَشَرِ أَحَدًا فَقُولِي إِنِّي نَذَرْتُ لِلرَّحْمَنِ صَوْمًا فَلَنْ أُكَلِّمَ الْيَوْمَ إِنْسِيًّا Aya-26.” isaga oo ku tilmaamay ilaahay (S.W.T) soonka xataa hadalka in laga soomo, saan hore u soo sheegnay.

Waa tiirka afarraad ee tiirarka islaamka  , waxa laynagu faral yeelay bishii “shacbaan” sanaddii labbaad ee “hijrada” rasuulku (N.N.K.H) ka hijrooday makkah uuna hijrooday madiina .Waxa uu rasuulku (N.N.K.H) aad inoogu booriyay in aynu u guntanno bisha Ramadaan ka faa’iidaysigeeda .

Bisha Ramadaan waxa ay dheertahay bilaha kale astaamo fara badan , ku waas oo uu rasuulku (N.N.K.H) sheegay من صام رمضان ايمانا واحتسابا، غفر له ما تقدم من ذنبه، ومن قام ليلة القدر إيمانا واحتسابا، غفر له ما تقدم من ذنبه. رواه أبو هريرة” Qofka sooma iimaan leh una diyaar garoobay, waxa uu alle (S.W.T) ka dhaafaa wixii damdi uu hore u soo falay, qofka u kaca habeenka qadriga iimaan leh una diyaar garoobay, waxa uu ka dhaafa alle (S.W.T) wixii dambi uu hore u soo falay.

Waxa uu waliba ka warramay markale rasuulku (N.N.K.H)isagoo yiri:”أتاكم رمضان شهر مبارك فرض الله عز وجل عليكم صيامه، تفتح فيه أبواب السماء، وتغلق فيه أبواب الجحيم، وتغل فيه مردة الشياطين، لله فيه ليلة خير من ألف شهر” Waxa idiin bilatay bil barakaysan , oo alle (S.W.T) idinku waajib yeelay inaad soontaan,waxa la ballaqayaa albaabada samada , waxa la xidhayaa albaabada naarta, waxaa la xidhayaa shayaadiinta, walaahi baan ku dhaartee :”waxaa ku jira habeen ka khayr badan kun(1000) bilood” rasuulka (N.N.K.H) ayaa dhaartaa ku dhartay.

Soonka waxa uu leeyahy labo(2) tiir oo kala ah: af-xidhananta aad ka af-xidhantahay cunnada iyo cabitaanka iyo niyada.

Cidda uu ku waajibayo soonku waa ; Qofkasta oo caqli leh ,qaan-gaadh ah,oo islaama.

Waxana uu ku ansaxayaa soonku qofka wax kala garanaya , caqliga u saaxiibka ah, aan waalnayn macnaha,haweenayda aan lahayn caaddada ama dhiiga dhalmada . …..La soco qaybaha dambe.

Qalinkii: Guuleed Cumar Madar.

Guuleed_madar@hotmail.com

Frankfurt, Germany

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories