HomeRAMADAANTA IYO RAMADKEEDA! (3) - DIYAARINTII: Guuleed Cumar Madar

RAMADAANTA IYO RAMADKEEDA! (3) – DIYAARINTII: Guuleed Cumar Madar

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

guuleed cumar MadarBilatay Ramadaane maxaa aynu ku soo dhawaynaynaa? Sidee ayaynu u soo dhawaynaynaa? Qaab noocee ah ayaynu ku soo dhawaynaynaa? Ma inaynu soo iibsano cabitaanno kala gaddisanbaa? Ma inaynu diyaarsanno cunnooyin kala duwanbaa? Ma inaynu hagaajisanno qolal iyo madbakhyo kala jiidan oo aynu ku soo diyaarsanno kadibna ku cunno baa ? Ma inaynu fasax ka soo qaadanno goobaha shaqada iyo waxbarashada , oo aynu hurdo u diyaar garawnaa? Su’aasha uugu mudan inaynu is waydiinaa waa : Sidee uugu habboon ee aynu u soo dhawaynaa bishan aadka u qiimaha badan?.

Waxa inala gudboon in aynu u kala baratanno khayraatka faraha badan ee ay bishani wadato , uuna kala dheerayno , oo aynan ka gaabin.

1- Waa in aad ducada alle (S.W.T) barido in uu iimaan iyo wanaag kuugu dhamaystiro bishan barakaysan , oo aanad ka caajisin , kana daalin , dadkii wanaagsanaa ,waa ay baryi jireen alle(S.W.T) mudo(6) lix bil ah oo ka horreeya bisha barakaysan in uu gaadhsiiyo , lix bil (6) oo ka dambaysana waxa ay alle (S.W.T) ka baryi j ireen oo ay ku ducaysan jireen : inuu ka aqballo oo uu miisaanka xasanaadka uugu daro dhammaan khayrkii ay faleen bishii ramadaan.

Siyaabahan aynu hoos ku qornay ayay asxaabtii rasuulku (N.N.K.H) iyagana alle(S.W.T) haka raali ahaadee u soo dhawayn jireen bishan barakaysan.

2- Mahad naqa alle (S.W.T) inaad badiso, Imisaa qof kugu ag tukanaayay sanadkii tagey , maantana ka hooseeya dhoobada, oo sugaya in uu alle (S.W.T) u aqbalo duco wanaagsan oo loo soo duceeyo, hadii la idhaahdo waa la idinku celinayaa adduunyadiina codsan lahaa , hal saacad oo ramadaan ah.

3- Waa in aad farxadaada kor u qaadaa oo aad kordhisaa waji furfuranna aad ku soo dhawaysaa bishan barakaysan, waayo? ma jirto farxad ka wayn in laguu sheego in ay bilatay bishii barakaysnayd.

4- Yeelo go’aan aad ka dhabaynayso , oo ah in aad waqtigaaga gabi ahaanba ku qaadato in aad cibaadaysato bisha barakaysan.

5- Baro cilmiga bishan barakaysan iyo axkaamteeda , waxana waajib ama faral kugu ah in aad alle (S.W.T) ku cabuddo aqoon , Cudur-daar kuu noqon mayso in aad alle (S.W.T) wixii uu ina faray uuga gaabiso aqoon la’aan .Si soonka iyo cibaadada bishan aad qabanaysaa u noqoto mid sax ah oo alle (S.W.T) kaaga aqabalo, hadii aanad wax garanayna alle (S.W.T) waxa uu qur’aankiisa ku yidhi” waydiiya dadka aqoonta diinta u saaxiibka ah , haddii aydaan garanayn”.

6- Yeelo go’aan in aad ka tagto ood ka dheeraato macaasida iyo xumaanta noocyadeeda kala duwan, si dhab ahna uga toobad keen dhamaan falalkii aad fashay ee xumaan ahaa alle (S.W.T) u toobad keen , hadii aanad bishan toobad keenin ! goorma ayaad toobad keenaysaa ?.

7- Isku diyaari in aad dadka wacyi galiso oo aad diyaariso casharo ka waramaya bishan barakaysan , ka jeedi goobaha khayrka lagu wadaago , masaajida, shaqadaadu ha noqot bishan qof dadka diinta uugu yeedha aqoona u leh , maaha in aad aqoon la’aan dadka ku hoddo. haddii aanad aqoon u lahayd axkaamta bishan waxa aad samayn kartaa A. Usoo daabac warside ama jaraa’ido yaryar oo ka hadlaya bisha barakaysan, B. Soo duub cajalado ka hadlay bisha ramadaan oo u hadyadee walaalaha muslimiinta ah ee aad wada nooshihiin .

8- Furo bog cusub oo alle (S.W.T) aad uugu toobad keento ,Qur’aankiisa baro diinta aqoonteeda inaad barato isku taxaluji, Furo bog cusb oo aad rasuulka (N.N.K.H) la yeelato , si aad wixii uu rasuulku(N.N.K.H) ina farayna ugu hogaansanaato wixii uu inooga digayna uuga dheeraato. Furo bog cusub oo aad la yeelato waalidka , qaraabada , ehelka , jaarka , xaaskaaga ama saygaaga, bulshada aad la nooshahay, xidhiidhi oo wanaag kula dhaqan, wajibka kaa saaranna gudo.

9- Ilaahay u gaar yeel soonkaaga , yaanu istus kaa noqon,adiga oo naawilaya rajaynaya inaad alle (S.W.T) la kulmi doonto samee cibaado wanaagsan ood ilaahay kula kulanto.

10- U’laab fur-naw umadda muslimiinta ah ee aad meel ku wada nooshihiin, una calool fayoobaw ,hal qofna ha ahaadee yaanu kuu calool xumaan , cafis iyo musaamax ka dalbo.

11-Muhimad gaar ah sii waxyaabaha waajibka kugu ah sida: salaadaha faralka ah ilaa salaada subax , si aanad u seegin ajarka kii uugu waynaa , jamaacadana ku dadaal inaad la gudato salaadaha waajibka ah.

12- La xisaabtan naftaada maalin walba , si aad u ogaato wixii aad ka gaabisay.

13- Qalbigaagu waa inuu ka fayoobaadaa shirkiga, gaalnimada , bidcada iyo jeclaysiga ehelkooda .

14- Quudi dadka sooman ee kaa liita , waxa uu alle (S.W.T) uugu jecelyahay wax la falo in la gargaaro dadka masaakiinta ah……. La soco qaybaha dambe.

 

Qalinkii; Guuleed Cumar Madar.

Guuleed_madar@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories