HomeRamadaanta iyo Ramadkeeda (10) - Diyaarintii: Guuleed Cumar Madar

Ramadaanta iyo Ramadkeeda (10) – Diyaarintii: Guuleed Cumar Madar

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

guuleed MadarWaxa aynu qoraalkan ku soo ururin doonnaa ,qeexi doonnaa cibaadadda loo yaqaanno “Ictikaafka” ee ka sugnaatay rasuulkeennii(N.N.K.H).
Ictkaafku luuqada af-carabiga waa:Ku sugnaansho iyo joogtayn.
Macnaha loola jeedaana waa :Inaad joogtayso ood ku xasisho masjid ka mida masaajidda Alle (S.W.T).Adigga oo niyaysanaya , Ujeedaddaaduna ay tahay in aad ilaahay uugu dhawaato  , xusitaankiisana aad baddiso .
Waxa innoo jiddeeyay cibaadaddan rasuulkeenni Maxamed (N.N.K.H) . Qur’aanka kariimka ahna ilaahay(S.W.T) waa uu ku xusay dhawr jeer.
Waxa lagu xidhay qofka cibaadaddan samaynaya, in aanu dayacayn mas’uuliyad saarnayd , sida : qofka waalidkii oo xanuunsanaya haya , Ehelkiis oo aan isaga mooyee cid kaloo hawlaha u qabataa aanay jirin. Oo wax kugu waajib ahaa ugaga dhuuman maysid cibaadaddan .
Way u bannaan tahay qofka ictikaafsan in uu ka baxo masjidka  oo uu joojiyo , oo maaha sida soonka, faralna maaha , laakiin waxa haboon haddii aanay qofka hawl aad u mihiimii ka baaqanayn in uu sii wato oo uu dhamaystiro.
Waxa ay ka bilaabmaysaa cibaadaddani marka ay cadceedda habeenka 21 aad ay dhacdo ilaa laga gaadhayo habeenka ciidda, dhamaadka bishan barakaysan ee Ramadaan , Waayo habeenku waxa uu la socodaa maalinta oo maalinka 20 habeennimada 21aad ayuu bilaabmayaa .
Waxa loo shardiyaa cibaadaddan ictikaafka si ay mid saxa u noqoto shuruudahan hoos ku xusan.
1- In meesha ama goobta aad ku ictikaafaysaa ay tahay :goob masjid ah , oo kuma ansaxayo meel aan masjid ahayn,
2- In aad niyaysato in aad ictikaafkan u samaynayso in aad Alle (S.W.T) aad uugu dhawaanayso sugnaanshahan iyo joogtayntan aad masjidka ku sugantahay, Haddii aad raaxo u gashay ama aad iska caadaysatay uun oo aanad aqoontiisa iyo niyad toona u galin , kuuma ansaxayo ,oo ictikaaf kuu noqon maayo.
3- In aanad masjidka ka bixin illaa wax muhiim ah mooyee sida: inaad soo xaajo gudanayso kaadida ,saxarada ,dawo inaad doonato .
4-Inaad ka nadiifsato daahirsato : jinaabada (galmada), dhiiga caadada iyo ka dhalmadaba.
Culimada aqoonta u leh cilmiga fiqhiga waxa ay ku dareen saddex shardi oo aan suganayn sharci ahaan , muhiim aan ahayn qaarkood haddii la awoodi waayo oo kala ah.
1-In goobta aad ku ictikaafaysaa ay tahay masjid jamaacada lagu oogo.
2- Goobta aad ku ictikaafaysa ina ay tahay saddexdan masaajid mid kamid ah.B- masjidla xaramka . T- Masjidka nabiga . J- masjidka al- aqsa.
3- In aad soomantahay sida ay ka soo daliisahadeen xadiiska ay nabiga ka soo gudbisay Hooyadeen “Caa’isha”.
    Waxa burrinaya cibaadaddan marka aad ku gudo jirto wax yaabahan hoos ku xusan.
1-Haddii aad niyada ka saarto in aad cibaadadan wadayso , waa uu kaa burrayaa .
2- Haddii aad u baxdo : Ganacsi ,Booqasho ,Oo aanay jirin wax ku kallifayaa waa uu kaa burrayaa ictikaafku.
3-Galmada in aad u galmooto xaaskaaga markaana waa uu kaa burrayaa ictikaafku.
4- Gabadha ictikaafsan haddii uu ku bilaabmo dhiiga caadadu , waa uu ka burrayaa iyadana.
5- Qofku isaga oo baahi muhiim ah u tagey gurigiisa haddii uu seexdo gurigiisa haba yaraatee waa uu ka burrayaa .
Waxa wanaagsan oo haboon in qofku marka uu ku suganyahay ee uu ku gudo jiro ictikaafka in uu waqtigiisa oo dhan ama intiisa uugu badan in uu ku qaato xuska  Alle (S.W.T) iyo cibaadaddiisa .
Qofka xaaska leh dhib maaha dambi kuma jiro in uu waqti yar soo booqdo reerkiisa si uu xaalkooda u soo ogaado. waayo? Mas’uuliyad wayn ayaa ka saaran iyagga , xaaskiisan in ay isasoo waraystaan.
Gabadha muslimada ah waa ay u bannaantahay cibaadaddani in ay  Alle (S.W.T) dartii u xabisto nafteeda oo ay ku sugnaato masaajidda  Alle (S.W.T)  , Hooyooyinkeen Xaasaskii Rasuulka (N.N.K.H) waa ay ictikaafeen , Laakiin Shuruud ayay leedahay sida hoos ku xusan.
1- In ay goobta ay ku ictikaafaysaa tahay goob gaar u ah dumarka  oo ka madhan inay is arkaan ragga.
2- In ay nafteeda ku kalsoon tahay in aanay xummaan ku dhacayn , Haddii ay xumaan ka baqayso , goobta ay ku ictikaafaysaana ay tahay goob aan aamin ahayn , ma bannaana in ay ictikaaftaa.
3-In aanay hawl wayn u ahay qoyskooda oo aanay dayacayn dhaqitaanka caruur , xannaanayn waalid iyo u sama falkooda.
4- In ay ka fasax qaadato wiilka ay oorida u tahay , saygeeda. Haddii ay iska gasho uun ictikaaf oo ay dayacdo inay u dhibirsanaato saygeeda iyo hawlihii shaqo ee gurigeeda , waxba uuma ansaxayaan , saygeeduna waa uu ka soo kaxayn karaa masjidka.
Waxana uugu haboon in ay gabadha muslimada ahi gurigeeda ilaahay ku caabuddo , waayo? halkaa ayay uugu asturnaan badantahay, oo ka madhantahay shubuhaatka.. Balse cibaadada ictikaafku waxa ay isku raaceen culimadu in ay ku ansaxaysa uun masaajida Alle (S.W.T).
Guud ahaa walaalka/walaasha muslinka ah ee cibaadaddan ictikaafka awoodaya in uu sameeyo , waxa wanaagsan in aad sii barato aqoonta uu leeyahy ictikaafku , waqtigaaga inta aad ku sugantahay masaajidka Alle (S.W.T) in aanu kaa lumin , oo aad uuga faa’iidaysto xusitaanka Alle (S.W.T) iyo inaad dambi dhaaf ka dalbato , waqtigagana aanad ku lumin muranka asxaabta aad jaaniska isku helaysaan , iyo ka sheekaysiga waayo waayo, iyo noloshii laga soo gudbay.. Ilaahay sida uu khayku ku jiro hayna waa fajiyo.
Lasoco qaybaha dambe.
Qalinkii :Guuleed Cumar Madar.
Guuleed_madar@hotmail.com
Frank Furt , Germany.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories