HomeRamadaanta iyo Cimriga

Ramadaanta iyo Cimriga

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

blankAssalaamu Calaykum,

Ramadaan Wacan Walaalayaal.

Waqtigu wa nimco tan ugu weyn ee Ilaahay SWT ina siiyey,waqtigu wuxuu jaanis inoo siinayaa inaynu qabsano hawleheenna adduun iyo tan aakhiroba.

Waqtigu waa cimrigaagii oo maalinkasta wax ku kordhayaan,maalin hadday ku dhaafto maalin cimrigaagii ah ayaa tagtay runtiina waxaad u sii dhowaanaysaa markasta dhanka qabriga.

Nebigu wuxuu yidhi SCW”Laba nimco oo dadka badankiisu halmaansanyhiin ayaa jira waana Haleelka iyo Caafimaadka”.

Qunaym Ibnu Qays wuxuu yidhi” Markii ugu horaysay ee islaamka waxaanu dadka ku wacdiyi jirnay”ina aadamow ka faa’idayso intaanad mashquulin,dhalinyaranimadana ka faa’idayso intaanad duqoobin,cafiimkana ka faa’idayso intaanad xanuunsanm,adduunka ka faa’idayso intaanad aakhiro tegin,nolosha ka faa’idayso intaanad dhiman”.

Ibnu Cabbaas na wuxuu yidhi”Haddii midkiin dirham ka lumo maalinkii odhan ayuu haynayaa manta dirhama ayaa iga lumay waqtigiisii lumayna odhan maayo maalinkaygii ayaa iga lumay,waxaa jiro addoomo ilaahay oo waqtigoodii ka faa’idaystay,kuwaasoo ilaashaday waqtigoodii cibaado iyo daacona ku camirtay”

 

Cimirigu waa shayga kaliya ee qofkstaa jeclaysanaayo in loo dheereeyo ama loo soo celiyo markuu dhaafo,quraanka markaad akhrido waxaad arkaysaa siday u jeclasanayaa kuwii waqtigooda lumiyey in loo soo celiyo Ilaahay wuxu yidhi”Markay midkood geeridu u timaado wuxuu odhanayaa rabiyow i celi,waxaa lagayaaba inaan markan camal wanaagsan soo sameeyee”.Ilaahay wuu ka diidayaa wuxuuna ku odhanayaa”Majirto dib u soo celin waana kelmed layska yidhi”

 

Qofkastaa wuxuu raadinayaa in cimrigiisu dheeraado,waana sababta keentay in shaydaanku nebi aadan nabadgalyo korkiisa ha ahaatee uu ugu baaqo waaritaan,waayo bani aadamka ayaa jicel inuu jiroo joogo,Alle wuxuu yidhi isagoo inooga waramayaa warkii shaydaanka “Maku tusiyaa geedka waaritaanka iyo boqortooyo aan dhamaan”.

 

In aaddamuhu nolol dheer iyo nolol waanagsan helo waa asaasiyaadka nolosha ee maanta,dhamaan cilmiyada maanta ee cafimaadku waxay doorwayn ka qaataan siday dadka ugu sheegi lahaayeen sida nolol fiican iyo tu dheer lagu helo.

 

Baddanaa sadex shay ayuu ku dulwareegaan sidaan ka akhriyey qoraal nin sheekh ahi soo turjumay.

  1. In la dheeli tiri cuntada, in aan layska cunin waxkasta balse loo meeldayo oo cunto miisaaman lacuno,oo dhamaan laga hanqabtiro faytamiinadii kala duwanaa.mahaa hadh iyo habeen inaad isku gurto cunto aan laysu qiyaasin.

Taasi waxay dabaqaysaa aayadda alle ku yidhi”Cuna oo cabba laakiin ha xad dhaafinnina”.

  1. Samaynta jimicsi joogto ah,waan in qofku isku dayaa in uu ordo waqti kamid ah waqtiyadiisa ama sameeyaa noocyada kala duwan ee jimicsiyada ah ee aan waxba naftiisa yeelayn,Laakiin haddii aanad soconba gaadhi uun saarantahay ogsoonow cudur kaama fogee.
  2. In aan layska ilaasho wixii balwad ah,balwaddu waxay riqiisisaa cimriga qofka.

QoFka balwadaystaha ahi wuu is bedelaa jidh ahaaN iyo dhaqan ahaanba wuxuuna markasta kusii socdaa jidkii lagu jabay.

Islaamku wuxuu inoo sheegay in ay jiraan waxyaalo badan oo kordhiya cimriga, sida

 

A. Qaraabada oo laxidhiidhsho.

dadku maanta qaraabo goys miidhan ubadanyihiin,waqtigii hore qaraabado waa wada degi jireen isu safri jireen,hadda iyadoo xitaa qalabka casriga ah la haysto ayey adagtahay in layska war hayo.

si cimrigeenu u kordho aan badsano qaraabo salaanka iyo booqashooyinka ehelka.

Nebigu wuxuu yidhi SCW”Qofka jecel in cimrigiisa loo fidiyo camalkiisana la wanaajiyo ha xidhiidhiyo qaraabadiisa”.

B. Bisha Ramadaanta,

Culimadda arinkaa wax ka qoray waxay leeyihiin ramadaantu way kordhisaa cimriga, waxayna daliilo u soo qaateen habeenka laylatulqatriga,  waayo qofka la kulmaa wuxuu helayaa wax ka khayr baddan kun bilood.

Nebigu SCW, wuxuu inoo sheegay in cimriga ummadiisu u dhexeeyo lixdan ilaa todoobaatan.

Haddaba bal qofka ilaahay waafajiyey inuu noolaado lixdan sano lixdankaa sanona cibaado iyo khayr ku camirto ,Ilaahayna waafajiyey in uu la kulmo habeenka khayrka baddan ee laylatul qatriga oo u dhigma 83 sano iyo dheeraad,miyaanu noqonayn qof alle cimrigiisa u dheereeyey.waxaynu ka warqabnaa in ilaahayn inoo sheegay in wanaag kastaa uu lamid yahay toban .Bal ka waran qofka toban sano alle waafajiyey in uu laylatul qadriga la kulmo 10*83=830 sano.marka lagu darro lixdankii sano ee uu noolaa qofku  waa tusaale uun ee alla og qofkastaa amintu noolaanayee.

830sano+60sano=890sano. Waxay ka dhigantahay qof noolaa 890 sano oo intaasna khayr waday.

Si cimrigu inoogu kordho aynu ramadaanta ka faa’idaysano,habeenka khayrka bandana ku dadaalno,Ilaahay ha ina waafajiyo habeenka laylatulqatriga ,aamiin aamiin.

Cabdinaasir Xasan Macallin

zudaizi2020@gmail.com

+252634136953

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories