HomeRamadaan: Sababta Aan Afar Uga Soomay Toddoba Cisho - W/Q: Siciid M...

Ramadaan: Sababta Aan Afar Uga Soomay Toddoba Cisho – W/Q: Siciid M Gahayr‏

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Waxan ahaa afar iyo toban jir dhigta fasalka siddeedaad ee dusgiga dhexe markii kowaad ee aan si buuxda u soomay faralka Ramadaanta. Halkii ayaan ka sii waday sannadihii ku xigay oo dhan. Haddii la i weydiiyo maalmaha i dhaafay, waxa i seegay soonka saddex dharaarood oo salkoodu ahaa safar iyo xanuun, iyaga waan qalleeyay.

Ta iigu darani waxay ila kowsatay sannadkii 2012ka oo aanu igu cusbaa xanuunka macaanku. Maalintii kowaad ee Ramadaan aniga oo niyadsan ayaan suxuurtay, waan ogaa in jidhku awood daran yahay oo aanan qaadi karin cunto-la’aanta. Laakiin waxa aan garan waayay meel aan kaga hadho dadka Islaamka ah, sidaas ayaan ugu adkaystay in aan soomo. Illaa salaaddii duhur wax dhib ah ma dareemin. Markii ay goor-sheegtu dul-taagnayd 02:00PM ayaa caloosha la igaga qabtay wax aad fallaadh mooddo. Ma maqli jirteen “way igu da’aysaa”. Aniga malaayiin goor ayay igu da’day. Waxa igu ururay tii gaajo la odhan jiray oo dhan, illaa aan gaadhay heer uu hadalku igu adkaado. Erey-bixinta dambe ee calool-madhnaanta lagu cabbirana “guluubkii ayaa igu baxay. Way igu qiiqday”

Intaan istaagay ayaan qoyska ku wargeliyay in aanan sii soommanaan karin wax intaa ka badan, iyagu ishayda ayay ka garteen xaaladda aan ku jiro. Waxa la ii keenay waxoogaa hadhimo ah, markii aan liqay ayaan nafisay. Sida aan uga xumaa in aan dadka muslimiinta ah ka hadho iyo tiiraanyada aan muquurtay awgeed waxa iga soo daatay ilmo. Waxan arkay walaalkayga ugu yar oo 11 ahaa maalmahaa oo soomay laba iyo saddex cisho. Naftu waxay is-weydiisay “maanta ma Cismaan ayaa ka tamar badnaaday? Ma wuxuu sameeyay ayaad kari weyday”. Walaalkaygii noogu yaraa caawa ayuu qaangaadh noqday oo aan suxuuta u toosiyay. Eebbe ha u dhib-yareeyo gudashada waajibka diiniga ah ee fuulay. Wuxuu u haystay in uu weli ka yar yahay 15 gu’, laakiin waan u xisaabiyay sannadaha uu jiro, marka laga bilaabo dhalashadiisa oo badhtamihii 2001da ku beegnayd.

Ramadaantaas iyo laba ka-dambeeyayba iima bilan. Marka aan u hollado soonkana waxa aan miliilicaa dhimbilihii bogga iyo beerka iga fuulay ee kululaa.  Halka ay dadku ka farxaan markay Ramadaan soo gelayso anigu waan naxaa. Waa loo riyaaqaa marka ay Galbeed ka soo baxdo, aniga se bilaha kale ayaa iiga wacnaada. Mar haddii aanan sida dadka u soomayn, maxaa iiga gidhiish ah?. Waxan ku mashquuli jiray xasuusta xaaladda goonida iga dhigtay.

Maankayga waxa ku furma dareenno ku aaddan waxa aan gaabiska u noqday, waajibkana aan u gudan waayay. Dadka qaar ayaa odhan jiray “miyaad nafta ku dhibtid?”. “Allaw yaa macaan ku rida ha ila arkaane” ayaan hoosta ka odhan jiray. Soonka oo qudha ma aha, waxa caloolyowga igu seegay khayr badan oo kale sida taraawiix, salaadda saq-badhka (tahajudka) iyo qaar kale. Marar badan ayay nafta iyo shaydaanku ku odhanayaan “miyaa Ramadaanta dib loo dhigo? Miyaad joogtid dhul ay gaalo ku nooshahay si aad dharaarta wax u cuni kartid”. Waxay ugu daran tahay marka qof aan xaaladdaada ogeyni ku arko adiga oo wax raamsanaya maalin Ramadaan ah, ee ku yidhaahdo “bal eega ninkan weyn ee aan soommanayn. Hayaay! Waar kani muxuu ahaa. Alla cuntuu sitaa”. Maxaad ugu war-celin lahayd.

Nasiib-wanaag gu’gii hore waxa aan awooday in aan soomo maalmo toddoba ah. Laakiin ma soon-baa? Bal ka warrama ninka waagu u beryayo isaga oo hurda, illaa gabbalku u dhacayo?. Haddaan u tooso salaadaha maalin-badhka iyo galabnimada waxa aan ka baqaa in ay gaajo iyo harraad igu kacaan, sidaas ayaan fiidnimada ugu toosay eedaanka afurka. Si kasta oo ay tahayna Ramadaantii kal hore way iiga xiiso badnayd saddex ka horreeyay. Gu’gan waxa aan Alle ka baryayaa in uu ii dhib-yareeyo af-xidhka loogu dhawaanayo.

Xaaladdan murugada ah waxa igula jira dad kale oo xanuunno dartood u soomi kari waayay. Waxan ummadda muslimiinta ah ka codsanayaa in ay u duceeyaan dadka duruuftu ku adagtahay ee aan jidh ahaan awoodin in ay soomaan. Ilaahay waxaan ka baryayaa in uu khayrkeeda ina siiyo dhammaanteen….

 

Siciid Maxamuud Gahayr

saedmgahair@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories