HomeRa’iisal-wasaaraha Ethiopia oo Shacabka ugu baaqay inay Hubka Qaataan iyo Wararkii u...

Ra’iisal-wasaaraha Ethiopia oo Shacabka ugu baaqay inay Hubka Qaataan iyo Wararkii u dambeeyey ee Dagaalka TPLF

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Addis Ababa (SLpost)- Laba Jabhadood oo dagaal kula jira Dowladda Dhexe ee Ethiopia, ayaa Axadda maanta guulo ka sheegtay dagaallo ay kula jiraan milatariga dalkaas iyagoo sheegay inay la wareegeen magaalooyin cusub, xilli raysal-wasaare Abiy shacabka ugu baaqay inay hubka qaataan.

Dagaalka sii fidaya ayaa qarka u saaran inuu sii kordhiyo xasilooni-darrada ka jirta waddanka labaad ee ugu dadka badan qaaradda Afrika oo xilliyada qaar lagu tiring jiray inuu yahay waddan xasiloon oo ku dhex-yaalla gobol qul-qulatooyin ka jiraan.

blankRaysal-wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Axmed, ayaa ku boorriyey muwaadiniinta dalkaas inay ku biiraan dagaalka lagula jiro jabhadda TPLF, kaddib markii ay ciidammada Tigray-gu maanta sheegeen inay la wareegeen magaalo kale oo ku taalla Jidka Laamiga ah ee isku xidha Addis Ababa iyo Jabuuti.

“Dadkeenu waa inay kaga hortagaan nooc kasta oo hub ay isku difaaci karaan, ku joojin karaan kuna jabin karaan argagixisada TPLF,” Sidaa waxa yidhi Raysal-wasaare Abiy oo caawa bartiisa Facebook ku baahiyey qoraal uu ku dhiirri-gelinayo Shacabka isla markaana kaga hadlay xaaladda dagaalka iyo halka xaalku marayo.

 

Maxay yihiin Guulaha ay Jabhaduhu sheegteen?

Afhayeenka Jabhadda TPLF Getachew Reda oo khadka telefonka Satelite-ka kula hadlay wakaaladda wararka ee Reuters, ayaa sheegay in xoogagga Tigray la wareegeen magaalada Kombolcha iyo Madaarka diyaaradaha, taas oo ku taalla Koonfurta gobolka Amxaarada.

blankDhinaca kale, war caawa ka soo baxay jabhad mucaarad ah oo ka soo jeedda gobolka ugu weyn uguna shacbiyadda badan Ethiopia ee Oromiya, ayaa iyaguna sheegtay inay qabsadeen magaalada Kemis oo 53km dhinaca Koonfureed ka xigta magaalada Kombolcha, waxaana labada magaalo mara jidka laamiga ah ee isku xidha Addis Ababa iyo Djibouti.

Odaa Tarbii oo ah Afhayeenka Xoogagga Xoreynta Oromada ee OLA, ayaa Reuters u sheegay in kooxdoodu la wareegtay gacan-ku-haynta magaalada Kemise oo 325km u jirta magaalada Addis Ababa, waxaanu sheegay inay isku-horfadhiyaan Ciidammada Dowladda.

Kooxdan ayaa ah farac ka fallaagoobay OLF oo ahayd Jabhad mucaarad ah oo markii dambe heshiis la gashay xukuumadda Raysal-wasaare Abiy Axmed markii uu talada dalka qabtay sannadkii 2018-kii.

Bishii August ee sannadkan ayay labada Jabhadood ee OLA iyo TPLF ku dhawaaqeen xulaysi milatari, taas oo cadaadiska ku sii kordhisay dowladda Dhexe ee Federaalka.

Afhayeenka dowladda Federaalka Ethiopia, afhayeenka Milatariga iyo afhayeenka Ismaamulka Xabashida oo Reuters kala xidhiidhay sheegashada guulaha labada jab-hadood, ayaan wax jawaab ah ka bixin haddii ay jirto in Kooxda TPLF mar kale qabsadeen magaalo kale oo ku taalla ismaamulka Amxaarada.

Wakaaladda wararka ee Reuters uma suurto-galin inay xaqiijiso qabsashada TPLF ee magaalada Kombolcha iyo la wareegista magaalada Kemise ee kooxda OLA sababo la xidhiidha khadka isgaadhsiinta oo ka go’an labada magaalo.

Muddo sannad ah ayaa laga joogaa markii uu bilaabmay dagaalka u dhexeeya Milatariga Federaalka iyo TPLF oo muddo 30 sanno gacanta ku hayay siyaasadda dalka Ethiopia, ka hor intii aanu xukunka laga wareegin Raysal-wasaare Abiy Ahmed oo Kursiga fuulay sannadkii 2018-kii.  Kumanaan shacab ah ayaa ku dhintay dagaalka, waxaanu barakiciyey in ka badan laba Milyan oo guryahooga ka qaxay.

Xoogagga Tigrayga ayaa bilowgii dagaalka lagu jabiyey, haseyeeshee bishii July ayay dib u qabsadeen gobolka Tigray, iyagoo markii dambe ku soo siqay Ismaamullada Amxaarada iyo Canfarta oo ay qabsadeen, waxaanu weerarkaasi sababay inay barakacaan boqolaal kun oo ah shacabkii ku noolaa gobollada Amxaarada iyo Tigrayga.

Badhtihii bishan October, xoogagga Tigray ayaa sheegay in Milatariga Federaalku weerarro ku soo qaaday si looga saaro gobolka Amxaarada

Milatariga Federaalka ayaa Xoogagga Tigrayga ku eedeeyey inay weerarradii u dambeeyey ee sababay dagaalka socda ay iyagu soo qaadeen.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories