HomeRag iyo Rayi: CIMRI-DHEER

Rag iyo Rayi: CIMRI-DHEER

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

ceelaabeWarbaahinta kala Duwan ee Adduunyada ayeynu marar badan ku Aragnaa iyada oo lagaga Hadlaayo Qof Cimrigiisu uu maraayo 110 ama 114 Sanno,in lagu Faaqido Da,da Qofkaasi Saxaafadu waa Mucjiso naadir ah oo Dadka loo soo gudbinaayo,Kuweena ugu cumriga dheer ayaa intaasi ah,weli Qarniyadii ugu danbeeyey iyo Wakhtigan ummadeenu ay nooshahay lama maqal qof 200 oo sanno Jira ama 150 sanno gaadhey,Cimrigaasi oo ah mid aad inoola badan laakiin haddana aad uga yar marka la barbar dhigo Dadyowgii wakhtiyo hore noolaa.Wuxuu u dhashey Wadankaasi Qofka ugu cimriga weyn Adduunyaduna waxa laga dhigey wax ummadaasi oo dhani ay ku faani karto.

Waxaad Maqashaa waxaaan u soo Joogey “Waxaan u soo joogey Dhulgariiro badan oo aan tiro laheyn oo Adduunyada ku dhuftey,Waxaan u soo joogey Duufaano iyo daadad halakeeyey dhul iyo dad badan,waxaan u soo joogey oo aan arkaayey Xannuuno waddamo ka dilaaca oo sahayanaaya tiradii ugu badneyd abid,waxaan u soo Joogey Adduunyada oo marna dhaqaalaheedu Cirkaa maraayo marna Ceydh iyo Abaaro noqotey,Waxaan u soo Joogey Abaaro dad iyo duunyaba la tagey,Waxaan u soo Joogey Dagaalo ba,an iyo Sunta hubka oo ummadaha adduunyadu isla dhaceyso,Waxaan arkaayey sida looga qaxey waddankan iyo dagaaladii ka dhacey,Waxaan u joogey Rasaastii dagaalkii sokeeye dhaceysey,Waxaan Cimrigeyga ku arkey iyada oo dad Xabaal wadareed lagu duugey la soo faqaayo,Waxaan Maqal iyo muuqaal kula socdey Sida suuriya iyo wadamo badan oo carabtii ahi u galeen dagaal aan ka soo noqosho laheyn,waxaan markasta arki Jirey dagaalka Gaza lagu hayo,Guggii Carabta ayaan ku bartey Da,da aan Jiro.

Intaan Joogey waxaan Ku arkey Wakhtiga aan noolahay waddamo duqeyn iyo dagaal kula kacaaya kuwo kale sabab la,aan awgeed,waxaan arkey Dooraashooyin iyo dimuquraadiyad wax loogu yeedho oo Adduunka maanta calanka u sida,Waxaan arkey Kelitalisnimadu waxa ay tahay,waxaan bartey Shaqada dhabta ah ee urrurada Qaramada midoobey iyo Adduunkani waxa ay ku hayaan,Waxaan arkey Dadyow caan ah oo la dilaayo,la xidhaayo iyo mararka qaar Masaajido la duminaayo oo xoog iyo dulmi loo sheeganaayo,Waxaan arkey fadeexado iyo Dadyow dhacay oo hanti lunsi ku sameeyey lacago iyo ganacsiyo ay masuul ka ahaayeen,Waxaan arkey dad hore oo caan ah iyo ururo in badan adduunyada ka talin jirey oo saqiirey,halka wejiyo iyo xarumo cusub ay madaxa la soo kacaan markasta,Horumarka China Ayaa sidoo kale ka mid ah,Qaraxyada iyo is biimeynta dad badan adduunyada ka yaabiyey ayaa yaab aan ka korodhsadey,Kooxaha kala Afkaarta iyo fikradaha ah ee si diimeed u hubeysan iyo dagaalada ay huriyeeen ayaan Maqlayaa,arkayaa.Dhimashadii oo noqotey mid aan laga warwarin iyo mid si fudud loo socdo ayaan u joogaa,Mar Qudha ayaa 700 oo Qof ama in ka badan ay naftu ka wada baxeysaa,Adduunyada socdaashey ee tahriibtey iyo Tirada dhimashada isku lamaan ayaan dhageysanayaa.

Waxa la wareystey nin jira in ka badan 100 wuxuu aad uga walaacsanaa xaalada nololeed ee uu ku sugan yahay iyo in uu dhaafey intii dadku ku dhiman jireen oo nolol silic ah uu ku noolyahay,Ayaamuhu ma farxadd geliyaan,ehelka,asxaabta iyo qaraabada iyo ubadkiisuna wax xiiso ah uma laha ,Waxa la weydiiyaa Ma khudaarta cagaaran ayaad cuntaa, mise waxa Duxda leh,ma Sigaarka ayaanad cabi Jirin,Orodka,Jimicsiga iyo dabaasha sideed ku aheyd yaraantii,Cabitaanka tubaakada iyo khamriga ma iska ilaalin Jirtey,Bal noo sheeg waxa sababey in cimrigaagu sii dheeraado,Cibaadada sidee ayaad ku aheyd,Jaahilnimadu ma sababtaa in qofka cimrigiisu uu gaabto,Aqoontuse ma ka qeyb qaadataa in qofku naftiisa ilaaliyo oo da,diisu ay dheeraato,sadaqada iyo xidhiidhinta Ehelka sidee ayaad ku aheyd.

Wuxuu ku Jawaabey “berrigaan ahaan  20 waxaan jeclaan jirey in aan sii noolaado in badan oo kale,marka haddana laguugu daro in ku dhow 20 ,waxaad sii jeclaaneysaa in aad noolaato in ka badan intii aad soo nooleyd.bal haddaba ka waran marka aad 100 soo gaadho xaalku muxuu noqonayaa.caqabada iyo dhibaatada ku jirta in aad in badan sii noolaato ayaa dad badani ay kaba Fikirayaan.Cimri-Dheer

Abdifatah Elabe

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories