HomeRadio Hargeysa oo lagu Lammaaneeyey Idaacad FM oo Lagu sheegay IDAACADDA QUR’AANKA...

Radio Hargeysa oo lagu Lammaaneeyey Idaacad FM oo Lagu sheegay IDAACADDA QUR’AANKA KARIIM AH EE JAMHUURIYADDA SOMALILAND

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigalinta iyo Dhaqanka Cabdilaahi Maxamed Daaahir (Cukuse), ayaa shaaciyay in lagu soo kordhiyay Radio Hargeysa Idaacad cusub oo ku lammaan, taas oo baahin doonta Quraanka Kariimka iyo Axaadiista Nabiga NNKH.

Wasiirka oo shalay ka hadlayay xafladda furitaanka Barnaamijka Kasmaal oo Bisha Ramadaan ka baxa Telefishanka Qaranka, ayaa sheegay in ay ku soo kordhiyeen Idaacada Radio Hargeysa. Idaacad FM ah oo baahinaysa Quraanka Kariimka ah iyo Axaadiista Nabiga (NNKHA).

Radio Hargeysa

Wasiirku waxa uu ugu bushaareeyay ummada muslimiinta gaar ahaan bulsho-weynta Somaliland ee Sooman bisha Ramadaan ee bakaraysan inay u soo kordhiyeen Idaacaddan ku baxaysa Qur’aanka Kariimka ah oo ku lamaan Idaacada Radio Hargeysa.

 “Idaacadaasi waanu fureynaa Idaacada Quraanka Kariimka Radio Hargeysa codka Jamhuuriyada Somaliland, dawladdaa leh Idaacadaasi waana qayb ka mid ah Radio Hargeysa, sidaas ayaan ugu bushaareynayaa ummadda muslimiinta ah ee sooman bisha Ramadaan ee bakaraysan.” ayuu yidhi Wasiirka Warfafinta, Wacyigalinat iyo Dhaqanka Cabdilaahi Maxamed Daaahir (Cukuse).

Idaacadan ayaa dhagaystayaasha Radio Hargeysa kaga faa’iidaysan doonaan Culuunta Diinta, iyada oo hirgalinteedu ku soo beegantay bisha barakaysan ee Ramadaan, Isla markaana hirgalinteedu tahay Mid nooceedu ku cusub tahay dalka.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories