HomeRabshadaha Ardeyda, Dagaallada Dugsiga iyo Macalimiinta – W/QP: - Ceelaabe

Rabshadaha Ardeyda, Dagaallada Dugsiga iyo Macalimiinta – W/QP: – Ceelaabe

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Dugsiyada Maraykan Ayaad Qaarkood ka maqashaa qof hubeysan oo soo gala Isla markaasina xabado nool ku fura Ardey ama Macalimiin.Ujeededa Qof ardey ahi Falkaasi ugu kici karana waxa loo kala qaada arimo badan oo xitaa mararka qaar ka baxsan Rabshadaha ama Dhaqan xumada ardeyda laga filan karo.Markaad Fasalkiina adiga oo hubeysan oo Raadinaya Ardeydiini ama Macalinkii ku soo dhex dhacdo Maxaad ka Xanaaqdey ee sababay in aad Qorigaasi u soo qaadato.Ma ciyaarbaa,Ma filimaanta aad daawataa,Mise Qoriga Ayaad ku baraneysaa.

Africa Ayaa ugu badan Aduunyada meelaha weli danbeeya isla markaasina Ardeydoodu ay ku kacdo rabshadaha ama dagaalada ku dhex mara wakhtiga dugsiga la joogo ama marka laga baxaba.Dagaaladaasi mararka qaar la isku faro saaro Ayaa ah kuwo u dhaxeeya Ardeyda isku fasalka ah,kuwo kala fasalo duwan ama sidoo kale mararka qaarkood kala dugsi duwan oo siyaabo kala duwan isku gaadhey sida Ciyaar ay wada yeeshaan,Tartan aqooneed ama Ardey Koox dugsi kale ka tirsani ay waxyeelo u geystaan.Inamada Ayuu Dagaalku dhex maraa,Hablaha Ayu dhex maraa,Inamada iyo Hablaha Ayuu ka dhex qarxi Jirey.Waxaan garanayaa iyada oo kuwa dagaalamaya ay dagaalka ka jecel yihiin kuwa daawanaya oo dabka isku sii huriya.Waxaan arki Jirey dad ku heshiiyey in aan la kala qaban ama cid kala qabata aaney Jirin laakiin dad daawanayaa ay Jiraan haddana.

Asia gaar ahaan India waxa bari dhaweyd ka dhacdey in Ardey uu macalimadiisii ku dhex Dilay dugsiga,Wuxuu ahaa ardey u arkayey in Macalimadu ay Faquuqeyso ama isaga gaar u takoorto,Dhinaca kalena wuxuu saluugey Dhibcaha imtixaan ay laheyd,in muddo ahna wuxuu ka fekiri Jirey xaalad ay macalimadiisu ku beertay oo ugu danbeyntii dhaxalsiisey in uu toorey iyada oo fasalka joogto ku weeraro.Waa naxdi Ardey macalimadiisii diley oo ka takhalusey,Waana murugo kale marka laga soo sheego arintani dugsi ay ka baxeen dad badan oo caan ah isla markaasina wadanka u taliya oo ku faana Dugsigii ay yaraantii wax ka soo barteen.

Dugsiyada Dawlada somaliland Ayaan ku arki jirey mararka qaarkood Qaar macalimiinta ka tirsan oo ku dhex dagaalama.Todobaadkii mararka qaar laba ama hal dagaal oo weyn Ayaa dhici jirey inta badana u badnaa dhinaca ardeyda,Dad yaacaya,Buuq iyo Qeylo Ayaa lagu dareeri jirey,Mararna fasaxaada Ayaa la sugi Jirey.Rabashadaha dagaalkuna ilaa wakhtigan waxa ay u badan yihiin Ardeyda dugsiyada Dawlada dhigta.Macalimiintii Ardeyda hortooda isku faro saarteyna sida ay Fasalka u soo geli ama ardeyda dagaalka uga waanin doonaan lama garanaayo.

Dadka Qaraabada isku ah ama walaalaha Ayaa tiro badan mararka qaarkood dagaalada ku sii kiciya ama iskugu taga qof qudha.Hablo  badan Ayaa dhaawacyo halis ah wejiga iska gaadhsiiyey.Qaar badan oo ardeyda ka mid ah Ayaan kala hadhin muddo oo dagaalkoodu sii jiitamaa.Go,aan  ganaax ah,eryid,badal,dhaawac muujin iwm Ayey ardey badani ku muteysataa falalkani oo kale.Waxaanan weli sii xasuusanahay maalin aan Maqley ardey macalinkiisii u soo qaatey Toorey oo dibada ku sugaya.Bakoorad,Gacanta,Toorey,Qalinka,Xagasho,Makiinad iyo Basbaas  ayaa la sheegi jirey oo qaarkoodna hablaha lagu sii sheegi jirey marka dagaal dhaco.

Weligey  hal maalin Ayaa dugsiga waalidkey la ii direy aan ku Jirey dembi Ardey badani siyaabo kala duwan ugu kaceen.Waanse Maqli jirey dad xitaa marka ay wax sameeyaan aan xitaa waalidka u yeedhin.Cadaalad darada iyo Eexashada macalinka ee dhinaca imtixaanada ayaana ardey badan ku keeni  jirtey in ay ku nacaan ama erayo qalafsan ku dhahaan.rag badan Ayaana maanta garanaya inta Jeer ee ay la dagaal galeen koox ay isku asxaab ahaayeen oo dhaawacyo ka soo gaadheen.Aduunyadana waxa laga soo sheegaa Ardey sidii macalinku u qaraacayey  kuba suuxey ama miyir beelay.deg,deg la isku af dhaafo,isla markaasina dagaal ku xigo ayaa badan wakhtiga dhalinyarnimada ama marka ardeyda la yahayba.dad badan ayaana caan ku noqdey kuna dhiiranaa dhinaca dagaaalka sida ardey badani ugu caan ahaayeen Kaalinta koowaad ama waxbarashada derajada laga keeno imtixaanada.

Taxanahan Cusub waxaan kaga hadli doonaa,Rabashadaha iyo Heerarka dugsiyada ay ka soo mareen,Xalintooda iyo wakhtigan aynu ku Jirno halka ay marayaan waana inoo Qoraalka midkan xiga.To be continued………………

 

La soco………………….

 

Abdifataah Mahamed Ahmed

Ceelaabe_10@Hotmail.Com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories