HomeRaage Oomaar oo Ka tagay Al-Jazeera, kuna Biiray Telefishan kale oo Caan...

Raage Oomaar oo Ka tagay Al-Jazeera, kuna Biiray Telefishan kale oo Caan ah

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

London (SLpost)- Wariyaha Caalamiga ah ee Raage Oomaar, ayaa si rasmi ah ugu biiray Telefishanka ITV ee xaruntiisu tahay dalka Ingiriiska, ka dib markii uu ka tagay Telefishanka Aljazeera oo ka hawlayey Lixidii sanno ee u dambeeyey.

Raage Oomaar oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland haseyeeshee haysta dhalashada waddanka UK, waxa uu telefishanka ITV ku  biiray todobaadkan ka dib markii uu ka tagay telefishanka Xaruntiisu tahay Dalka Qadar ee Al-Jazeera oo uu ku biiray sannadkii 2006-kii.

Rageh Oomar waxa  magaciisa iyo xirfaddiisa wariye-nimo soo shaac-baxday isla markaana uu sumcad ballaadhan ku helay Duullaankii Maraykanka iyo Xulafadiisu ku qaadeen dalka Ciraaq sannadkii 2003-kii oo isaga oo ka hawl-gala Telefishanka BBC uu wararka ka soo gudbin jiray saqafka sare ee Hoteel ku yaala badhtamaha magaalada Baqdaad.

Raage OomaarMaaha markii u horreysay ee maamulka telefishanka ITV u iska dayo inuu soo jiito Raage Oomaar, haseyeeshee waxa ay hore isugu dayeen inay soo xero-galiyaan sannadkii 2004 wakhtigaas oo u laba sanno oo kaliya ka shaqaynayay Al-Jazeera.

Raage Oomaar oo ka hadlayey dareenkiisa ku aaddan ku biiritaanka Telefishanka ITVNews, waxa uu yidhi, “Inaan ku biiro ITV waxa ay iiga dhigan tahay inaan ku soo laabtay tebinta wararka oo ah halka aan ka bilaabay Xiisahayga Suxufinimo,” waxaanu intaas ku daray, “Waxaan aad ugu xiiso qabaa inaan ku biiro hay’ad warbaahineed oo sideeda oo kale sumcad iyo taariikh cajiib ah u leh.”

Maamulka Telefishanka ITVNews oo ka hadlayey hawsha suxufinimo ee Raage Oomar ka dabooli doono warbaahintooda, ayaa sheegay inuu qaabilsanaan doono tebinta Warar kala duwan oo baaxad leh iyo soo saarista Warbixinno gaar ah oo si qoto dheer uga hadla dalka Boqortooyada Ingiriiska iyo haddii loo baahdo, warar ku saabsan dunida inteeda kale.

Raage Oomaar oo ku guulaystay abaalmarin caalami ah isla markaana sumcad ku helay wararkii Telefishanka BBC-du ka tebin jirtay Duullaankii lagu qaaday dalka Afghanistan, ayaa ka shaqaynayey barnaamijyada dabo-galka iyo kuwa musal-salka ah intii uu ka shaqaynayay telefishanka Al-Jazeera, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen taxane uu ka sameeyey Addoonsiga Qarnida 21aad.

Agaasimaha wararka ee ITV Michael Jermey oo ka hadlay mihanadda suxufinimo ee Raage Oomaar, waxa uu sheegay inuu ka mid yahay wariyeyaasha faro-ku-tiriska ah ee wakhtigan ka hawl-gala telefishannada wararka ee Caalamka, “Oomar wuxuu ka mid yahay wariyeyaasha telefishannada wararka ugu wanaagsan ee wakhtigan,” ayuu yidhi Mr Jermey.

Raage Oomaar oo ka soo shaqeeyay idaacadda iyo telefishanka BBC, waxa uu sidoo kale hore ugu warrami jiray telefishannada Channel 4, Sky News iyo ITV. Raage Oomaar waxa uu sidoo kale Qoray laba buug oo lagu kala magacaabo Revolution Day: the Real Story of the Battle for Ciraaq (Oo xambaarsan Sheekada dhabta ah ee dagaalkii Ciraaq) iyo Only Half of Me: Being a Muslim in Birtian (oo ka warramaya xaaladda Qofka Muslimka ah ee ku nool Dalka Ingiriiska).

Somalilandpost.net/Hargeysa

kaariye[at]somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories