HomeQurxinta Madaxa iyo Jaridda Timaha - W/Q:Ceelaabe

Qurxinta Madaxa iyo Jaridda Timaha – W/Q:Ceelaabe

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Markaad Madaxa u xiirato ama Timaha u Jarato Hab iyo Qaab ku cusub Bulshada,Hab iyo Qaab aan Diinta islaamku Jecleyn,Dhaqankaasi la iskaga Dayanaayo ee Bulshada ku dhex faafaya Yaa Masuuliyadeeda qaadaya,Ma qofkii u xiirtey sidaasi Timihiisana sida uu doono isagu u Jartaa,Mise waxa Dembi ku Yeelanaya Rayiislaha qofka u xiirey sidana ugu Jarey ama ku dhiirigeliyey Sawirada kala duwana Tusey.

Maaha markii ugu Horeysey ee aan Mawduucan wax ka qoro,Wakhtiyo hore Ayaan Aragtiyo badan oo la xidhiidha sida wanaagsan ee Rayiislaha loogu Shaqeysto ama Timaha loo Jaro u soo Qorey.”TimoJaris”,Talo ku socota Rayiislayaasha Somaliland”.”Ramadaanta iyo TimoJarista”.Qoraaladaasi oo dhan Ayaan hore idinku soo Bandhigey.Fikradaha qoraaladaasi ku duugnaa Ayaana ah sida ay u foolxun tahay ama aad uga Naxeyso markaad aragto Qof madaxihiisii Timaha Qaab Foolxun laakin isaga la qurux badan ugu Jarey ama goostey.Marka aynu ka hadleyno TimoJaristanu inta badan waxa ay saameyn weyn ku leedahay Dhalinyarta wiilasha ah ama raga Qaarkood.Xaga hablaha marka laga Hadlaayo Waa Dhinaca Koofeerka,Waxaase Jira mid mid Hablaha ka mid ah oo iyada oo Timaha Wejigeeda soo Dhigtey soona Qaawisey suuqa u soo baxda Xaragana ka Baadheysa Timaha banaanka ka Muuqda.

Hadaad hore isku weydiisey Dib isku su,aal,Haddaanad hore uga Fikirina wakhtigan is weydii,Sidee ayey kuula Muuqataa Habka xiirista ama timoJarista wakhtigan ee Dhalinyarta aad aragto ama adigu u Xiirataa.Ma og tahayse in uu Jiro Nidaam iyo Hab qurux badan oo la rabo in qofka islaamka ahi iskaga basriyo una Xiirto Timaha dheeraadka ah ee ku baxa.Ma ogtahayse in ay Jiraan Axaadiis ku soo Aroortey Arimaha timaha iyo Madaxa oo ku Jira Riyaadu saalixiinka.Wakhtiganse Markaad eegto Somaliland Dhalinyarta  Xiirashada Khaldan Timaha u goosta Ma yihiin kuwo la dareemay oo soo Tiro badanaya.Qofku in uu sida uu doono Timihiisa u Jarto,Wuxuu doonana xidho sow Xor uma ah,oo kuma Tilmaano Dimuquraadiyad,Mise waxaad tahay dadka ay Dhibeyso kana Murugeysan sida Dhalinyar badan Televisionku Macalinka ugu Noqdey ee waxey ka Arkaanba ku Dhaqaaqayaan.

Qaar badan oo ka mid ah Dhalinyarta Hargeisa Ayaa madaxa u Xiiranaya ama ka dhigtay Mid la mid ah Habka timo Jarista Ciyaaryahano Yurubta ka ciyaara,Qaar kale waxa ay isha ku Hayaan Fanaan ama Heesaa iyo Ciyaaryahano ciyaara Wax ka duwan Kubadaha.Habka TimoJarista Wiilal African ah oo Dabeecad xumo iyo Foolxumada isku Darsadey Tartanada Ciyaaraha ku soo galaan ayey timaha u Goostaan.Quruxdu ma in Timaha badh la jaro qeybta kalena la reebaa Mise waa in si siman oo isku Mid ah loo xiirto.Dadkeena Caqliga u saaxibka  ah ayaa Rumeysan in Tvgu yahay Macalin wax u dhiga Caruurteena,Hablaha iyo Dumarka intaba.

Waalidka Ayaa ay tahay in ay la socdaan Ubadkooda yaryar sida loogu soo Xiiro ama ay u xiiranayaan,Marar badan waxa Dhacda in Dhalinyarta qaarkood lagu celiyo Timojaraha  ka dib markii ay kaga soo Baxeen si aan loo ogoleyn.In ilmahaagu Guriga Joogo isaga oo si Khariban timaha u xiirtey waxa ay Muujineysaa in aad adigu Raali kaga tahay.

Dhinaca kale waxa wakhtigan dib u soo Noqotey Habkii berigii hore la odhan Jirey Timaha waa lala bixi Jirey.Dad badan ayaa Timaha aan iskaba Xiirin oo ay ku baxeen ilaa ay Noqdeen Timoweyne,Shanlo weyn u baahan.New Stylish,X-Style.Marka ay Madaxa dul tuulmaan Raamo ayey kugu Noqon doonaan.Meheradaha Rayiislayaasha Dadka ajahanibka ah Ayaana wakhtigan Melo kala duwan ka furan sida kuwa Xabashida oo Dhalinyarta u horseedi doona Jarida Boqol nooc ah oo Xiirashada.Hadaanan Khaldaneyna waaban Maqley in ay ku kaceen Qaarkood Meherada laga xidhey Arin lala Yaabo.Isku soo wada Duub,Inkasta oo Dadkeena wanaagsan markasta ka badan yihiin inta Hawada dhalinyarnimo ay Sidato,haddana in Dadkaasi wax loo sheego Ayey u baahan yihiin.Nin garan waayey Timaha si fiican iskaga Xiirna ma Istaahilo in uu Dadka wax u sheego.

Abdifataah Mahamed Ahmed

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories