HomeQurbejoogta Somaliland ee haysta Dhalashada Dalalka Ingiriiska iyo Maraykanka oo Si Adag...

Qurbejoogta Somaliland ee haysta Dhalashada Dalalka Ingiriiska iyo Maraykanka oo Si Adag u Naqdiyey Dhawaaqyada lagu Cambaareeyey Amniga Dalka

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Qaar ka mid ah qurbo-joogta Somaliland ee haysta dhalashada dalalka  Ingiriiska iyo Maraykanka, ayaa ganafka ku dhuftay inay jirto xaalad nabadgelyo-darro oo dalka ka jirta, iyaga oo tixraacaya dhawaaqyada dawladaha Ingiriiska iyo Maraykanku kaga deyriyeen xaaladda amni ee Somaliland.

Qurje-joogta haysata dhalashada dalalka Ingiriiska iyo Maraykanka oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa, ayaa sheegeay inay Somaliland ka jirto nabadgalyo buuxda oo cid walba isku halayn karto, iyagga oo sidoo kalena hoosta ka xariiqay muhiimada ku jirta in dawladda Somaliland samayso baadhitaano la xidhiidha cabsida dalalka Ingiriiska iyo Maraykanku sheegeen inay Somaliland taalo.

UKSLUSShirkan jaraa’id oo xubnaha Qurbejoogga ah ay kala qayb-galeen Guddoomiyaha ururka Qurbjoogta Somaliland iyo Maayar ku-xigeenka caasimadda Hargeysa, ayaa waxay gabi ahaanba meesha ka saareen nabadgalyo xumida iyo xumaanta cadowgu ka faafinayo Somaliland, iyagga oo shacabka reer Somaliland guddo iyo dibadba ugu baaqay inay gacmaha isku qabsadaan inay meel uga soo wada jeedsadaan dalkooda.

Ku-xigeenka Duqa Caasimadda Cabdicasiis Caga-weyne oo halkaasi hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay sida qurba-joogto ay dalkooda u jecel yihiin wanaagiisa isla-markaana uga dhiidhiyayaan xumaanta iyo nabadgalyo darada laga faafinayo, isaga oo xubnaha qurba-joogta ahna ku bogaadiyey shirka jaraa’id ee ay ku difaaceen amaanka dalkooda.

Guddoomiyaha Hay’adda qurba-joogta Somaliland Maxamuud Cabdiraxmaan oo isna halkaasi ka hadlay ayaa wax ka tilmaamay marxaladihii kala duwanaa ee Somaliland u soo martay nabada ay ku caano maashay.

Dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska, ayaa si isku mid ah uga hadlay isla markaana muwaadiniintooda uga digay inay u safraan Somaliland iyaga tallaabadaas u nisbeeyey xaalad-nabadgelyo darro oo ay sheegeen inay ku soo fool-leedahay Somaliland.

Haseyeeshee, xukuumadda iyo Shacbiga Somaliland, ayaa ka biyo-diiday dhawaaqyadaas oo ay ku tilmaameen mid aan ka tarjumayn xaqiiqada dhabta ah ee ammaanka Somaliland.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories