Home"Qurbejoogow, u tudha Qolqol-joogga dalkooda Kabkabtay oo Fidno ha gelin" La-taliyaha M/weynaha...

“Qurbejoogow, u tudha Qolqol-joogga dalkooda Kabkabtay oo Fidno ha gelin” La-taliyaha M/weynaha ee Nabadeynta Gobollada Bari

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- La-taliyaha Mafaxweynaha Somaliland ee Arrimaha Bariga, Eng Cabdinasir Garaad Abshir, ayaa Qurbejoogga dalka ku sugan ku eedeeyey inay hormood ka yihiin hab-dhaqanno bulshada kala fogeynaya oo inta badan lagu baahiyo. Baraha Bulshada iyo warbaahinta qaybaheeda kala duwan xilligan xaasaasiga ah ee Doorashada lagu jiro.

Garaad NaasxirEng Cabdinasir waxa uu ugu baaqay Qurbejoogga dalka ku sugan inay u tudhaan oo aanay ku dheelin tacabka muwaadiniinta gudaha ku sugani dalkooda gashadeen maadaama ay iyagu ubadkoodii iyo xaasaskoodii Qurbaha kaga yimaaddeen. Waxa uu Bulshada ku booriyey inay dhinac uga soo wada jeestaan hab-dhaqannadaas foosha xun ee layskaga horkeenayo oo uu sheegay in dano gaar ah laga leeyahay.

Eng Cabdinasir Garaad Abshir oo arrintan ka hadlayay waxa uu yidhi;

“Waddanka waxa yimi ilaa 20Kun oo qurbejoog ah oo labada dhinac
Waxaan leeyahay Qurbejoogow qolqol-joogga fidno ha gelin. Labada dhinacba (mucaarad iyo muxaafad) waxay intaa u ordayaan xilal ay raadsanayaan.
Anigu qurbejoog baan ahoo Raggaas waan wada garanayaa. Nin carruurtiisii iyo xaaskiisii London kaga yimi, inuu halkan qalalaase ka abuuro maaha wax laga yeelayo.”
“Qoladaas waxaan leeyahay ka daaya dhibaatada Qoqol-joogga, in doora ayaad ka maqnayde, dhibaatadii ay hore isaga hagaajiyeen ee ay ka soo gudbeen, dib ha ugu celinina. Qolada halkani (Qolqol-joog) waxan (Doorashada) waxba uma arkaan oo way iska yaqaanaan, laakiin qolada Qurbejoogga ahi waa ka dhab oo waxay moodayaan wixii Yurub lagu samaynayay.” Sidaas ayuu yidhi La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Nabadeynta Gobollada Bari.
Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Edeb-darrada jirtaa waxay tahay iyagoon codeynayn oo aan kaadhadh haysan, ayay telefishannada ka hadlayaan, oo Social Media-ha (Baraha Bulshadu ku xidhiidho) ku qorayaan wax akhlaaqadda iyo dhaqanka ka fog oo bulshada wada-dhalatay isku diraya.”

“Markaa waxaan leeyahay, waar qurbejoogow joojiya hadallada xanafta leh eed waddaan oo dalka u tudha. Waayo dhalinyaradan yaryar ee qolqol joogga ah way saamaynaysaa, marka nin weyn oo Qurbejoog ahi uu u hadlo sidii 90maadkii.” Sidaas ayuu Yidhi Eng Cabdinasir Garaad Abshir.

Ugu Dambayntii, Eng Cabdinasir Garaad waxa uu bulshada iyo taageerayaasha xisbiyadaba ugu baaqay inaan laga hordhicin oo la sugo go’aanka Guddiga Doorashooyinka.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories