HomeQurbejoogga Beesha Gobolka Saaxil oo markii ugu horeysay Mawqif Mideysan iska taagtay...

Qurbejoogga Beesha Gobolka Saaxil oo markii ugu horeysay Mawqif Mideysan iska taagtay Khatarta ay bulshada ku hayso Wershadda Hargaha iyo Saamaha ee Dacar-budhuq

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Berbera (SLpost)- Guddi ka kooban Qurbejoogga Beelaha Ciise Muuse, ayaa shaaca ka qaaday natiijada uga soo baxday cilmi-baadhis iyo daraasado lagu sameeyey khatarta ay dadka iyo deegaanka ku hayso warshadda Haamaha iyo Saamaha iyo degmada Dacar-budhuq oo ay sheegeen inay halis ku tahay nolosha shacabka ku dhaqan iyo deegaanka ay ku taallo wershadaas oo warbixinno caalami ah oo laga qoray dhibaatadeeda lagu daabacay warbaabinta caalamka.

Warshadda Hargaha iyo Saamaha ee ku taala Agagaarka Dooxa Caloola oo ku dhow degmada Dacar-budhuq ee gobolka Saaxil, waxa maal-gashaday ganacsato u dhalatay dalka Shiinaha, waxaana maamulkeeda iyo qaybo badan oo ka mid ah maal-gashigeeda saami ku leh ganacsato deegaanka u dhalatay, waxaana lagu hoodhiyaa saamaha Xoolaha nool ee dalka, taas oo marka dambe loo dhoofiyo dalka dibaddiisa.

Sunta loo isticmaalo hoodhinta Hargeysa, ayaa saamayn taban ku haysa dadka deegaanka, iyada oo inta badan wakhtiyada roobka ay suntaasi gaadho isla markaana ku dhex-darsanto biyaha Dooxa oo ay ku yaallaan ceelal ay dadka deegaanka biyaha ka dhaansadaan.

Guddiga Qurbejoogga reer Saaxil, waxa ay sidaas ku sheegeen Warqad Furan oo ay Qurbejoggu ku kala socodsiiyeen Madaxweynaha Iyo M.Ku.Xigeenka Jamhuuriyada Somaliland, Wasaarada Deegaanka Iyo Reer Miyiga Somaliland, Wasaarada Beeraha Somaliland, Wasaarada Macdanta Iyo Biyaha Somaliland, Wasaarada Caafimaadka Somaliland, Golaha Deegaanka Ee Maroodi Jeex Iyo Berbera, Golayaasha Guurtida Iyo Wakiilada, isla markaana ay ogeysiin ku siiyeen Gudoomiyaha Degmada Laasgeel, Guddida Dan Iyo Duco, Salaadiinka Iyo Cuqaasha Beesha Ciise Muuse Ee Gudaha.

Qoraalkan oo ay ku saxeexan yahay guddiga Qurbejoogga Beesha Ciise Muuse, ayaa u dhignaa sidan: “Anagoo ku hadlayna oo kaga wakiil ah dhamaan qurbajoogta beesha Ciise Muuse  ee kukala nool daafaha aduunyada, waxaanu si xishmad iyo qadarinmudan idiin lasocodsiinaynaa in aanu muddodheer isha ku haynay islamarkaana kawadnay daraasad  iyo sidii aanu warbixno dhab ah uga helilahayn warshada hargaha ee kutaala dooxa Caloola ee degmada Dacarbudhuq. Warshaddaas oo dhibaatadeeda iyo waxyeeladeedu ay marba marka ka dambaysa xadhkaha siigoosanayso.

U kuur-gal dheer oo aanu ku bixinay wakhti iyo dadaal badan, waxaa noo caddaatay oo aanu ku guulaysanay in ay aakhirkii wiiggan u danbeeyey gacantayada soo gasho warbixin ka kooban dhawr iyo afartan bog oo si cilmiyaysan loogaga hadlayo dhibaatada warshadaha Hargaha, ha ugu sii darnaato taa dooxa Dacarbudhuq dhakada ka saaran.  Waxa kale oo aanu hore u helnay warbixino cadcad oo dhab ah oo muujinaya dhibaatada wayn ee taala halkaasi ee aan indhaha laga qarsan karin oo ay xubno aqoon leh oo qurbajooga ka tirsan iyo kuwa gudaha joogaaba noo soo gudbiyeen. Waxa kale oo aanu la xidhiidhnay masuuliyiin waawayn ee ka tirsan xukuumadda oo noo xaqiijiyay dhibta halkaasi taala.

Haddii aanu ka soo qaadano dhawr qodob oo ka mid ah dhibaatooyinka ugu waawayn ee la soo darsay dad, duunyo, dalag  iyo  xoolo waxaka mid ah kuwan:
1. Dhimasho, dhaawacyo, xannuunada kansarka, iyodumarkii oo dhiciyey.
2. Biyo la aan aan laga cabin durdurkii  ilaahay meesha kumanaystay.
3. Hawo xumo  (suntii oo hawada raacaysa oo dad, dalag, iyo xoolaba sumaynaysa)
4.  Barakac  iyo magaaladii camirnayd oo laga guuro, in ay la tartanto qayrkeednadaa.
5.  Caafimaad xumo iyo saxo xumo (saamaysay dad iyo xoolaba)oo joogto ah.
6.  Xaaladuwaxay maraysaa in wixii awoodikaraa ay biyahadegaano kale u doontaan,  kuwaaan karikarayni se ay ku kalifto in ay biyahaas suntaleh ka cabaan.

Haddaba haddaanu nahay gudida guud ee dhamaan wadamada caalamka ee beel waynta Ciise Muuse, anaga oo matalayna dhamaan qurbajooga beesha oo afkooda iyo magacoodaba ku hadlayna, waxaanu taariikhdu markay ahayd 06.07.2014 shir aanu ku yeelanay Telconference, ka dib dood dheer iyo falanqayn kugaadhnay in aanu ka hawl galno oo aanu wax kasta oo ay ku kacayso u hurno naf iyo maalba sidiiaanu u joojinlahayn ee aanay u sii socon lahayn dhibaatada baaxada leh ee kuhabsatay dadkayagii jilicsanaa, xoolahayagii, deegaankayagii iyo beerahayagii. Sidaadarteed waxaanu go aansanay in aanu u magacwano gudi gaar ah oo kakooban 8 (siddeed) xubnood ah, in ay masuuliyadaa sigaar ah uga shaqeeyaan iyagoo ku hadlaaya afka ururka kulan ee qurbajooga ciise muuse.
Guntii iyo gabagabadii waxaanu aad u doorbidnayaa intaaanaan qaadin wax talaabo ah oo kusaabsan warshadaas anaga oo kaashanayna hormuudka , waxgaradka, aqoonyahanka, dhalinyarada iyo haweenka beesha ciise muuse ee kun nool gudaha jamhuuriyada somaliland iyo sigaar ah kuwa kunool degmada dacarbudhuq iyo nawaaxigeeda,  in aanu u soogudbino baaqan ah qaylo dhaanta dhamaan cidda ay khusayso warqadani ee ku magacaaban kor ee uu ugu horeeyo madaxweynaha jamhuuriyada somaliland (mudane axmed maxamed maxamu dsiilaanyo) iyo madaweyne ku xigeenka jamhuuriyada somaliland (mudane cabdrixmaan saylici).

Baaqan qaylodhaanta ah oo uu nuxurkeeduyahay in aadsida ugu dhakhsaha badan ee uguna suurtagalsan uga joojisaan warshadan aafada qaran ah deegaankanmuhiimka iyo halbwalaha u ah jamhuuriyada somaliland.waxaanu si xishmadleh idiinkarajaynaynaa in aydaan dhayalsandoonin baaqayagan isaga ah ee aad iskasaaridoontaan xil iyo masuuliyad aad u wayn oo taariikhda idiingali doonta, halka lagu xasuusto kuwiiidinka horeeyay in ay deegaankan u keeneen dhibtaasi taala ee dad, xoolo, beero iyo duunyaba lagu madhay cid kawarhaysaana aanay jirin. Waxaanu aad u jeclaanlahayn in idinkana (ka madaweyne iyo madaxweyne ku xigeen iyo wasiiradiinana) laydinku xasuusto in aad ka dul qaadaan dhibaatadan ku baahday deegaankan isaga ah.

Fiiro gaara:
Waxaanu si dhakhsa ah saxaafada ugu soo dayndoonaa warbixntan 43-ka bog kakoobanaa oo aanu soo tarjunay insha alaa si aad noola wadaagtaan dhibaatada meesha taala hadii aydaan hore war ugahayn.  Waxa kale oo aanu  markay dhamaanto maalmaha ciida  sitoos ah uga hadlidoonaa dhamaan tv-yada somaliland anagoo si anshax iyo edaab iyo asluubi ku  dheehantay ug hadlidoona dhibtaas aanu idiin soo dirnay qaylodhaanteeda.
Waxaanu idinka rajaynaynaa jawaab dhakhso ah oo aanu  ku faraxno bi’idnilaahi tacaalaa.

Guddida sida gaarka ah loogu xilsaaray hawshan.

1. Xildh. Axmedmaxamed Cali Beegsi  (Hogaamiyaha gudidda): Norway

2. Aniis Cabdilaahi Ciise  :  USA

3. Zaynab Axmed Sheekh :  UK

4. Cabdiraxmaan Maxamuud Faarax:  Canada

5. Maxamed X. Ismaaciil:  Sweden

6.  Axmed Maxamed Saleebaan :  Canada

7.  Sahra Waraabe:  Holland

8.  Maxamuud Xaaji Aadan (Gud. Xig. Dan & Duco): UK

Wa Bilaahi Tawfiiq
Ilaahbaa Mahad Oo Dhan Leh
Somaliland Ha Noolaato

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories