HomeQurbe-jooge Shaaciyey inay Jaaliyaddoodu isu-diyaarisay Ka Qayb-qaadashada Qaadhaanka Dhismaha Jidka Ceerigaabo

Qurbe-jooge Shaaciyey inay Jaaliyaddoodu isu-diyaarisay Ka Qayb-qaadashada Qaadhaanka Dhismaha Jidka Ceerigaabo

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

qurbeHargeysa (SLpost)- Aqoon-yahan Mustafe Haykal Cabdi Maxamed Jaamac oo ka mid ah Qurba-jooga reer Somaliland ee ku dhaqan dalka jarmal-ka, ayaa shaaca ka qaaday inay isu-abaabuleen ka qayb-qaadashada dhismaha waddada Ceerigaabo, wax laga xumaado-na ku tilmaamay ragga dhalliila waxyaabaha horumarka u ah Ummadda iyo dalka Somaliland.

Mustafe Haykal oo shalay warbaahinta kula hadlay Magaladda Hargeysa, ayaa sidoo kale ka warbixiyey dareenka ku dhalisay dhismaha Xukuumadda Madaxweyne siilaanyo ka bilawday waddada isku xidha Gobalka Sannaag iyo Gobalka Togdheer,

waxaanu yidhi,“Anigu waxaan ka mid ahay Qurba-joogta reer Somliland ee aqoon-yahanada dalka dibaddiisa ku nool. Waxaanu isu-abaabulnay haddii aanu nahay qurba-jooga innaanu ka qayb qaatadano waddada Ceerigaabo. Muddo 50 sannadood ah waxa la odhan jiray waddada Ceerigaabo waa la dhisayaa, waana la gu guul-daraystay. Madaxweyne Siilaanyo waa Madaxweynihii ugu horeeyay ee hirgaliyey dhismaha waddada Ceerigaabo, isagoo markaas ku niyad wannaagsanaa hirgalintaas. Dhalinyarada u dhashay Magaaladda Ceerigaabo, Gar’adag iyo Magaaladda Burco waxay isu-abaabuleen dhamaan inay ka qayb-qaataan waddada Ceerigaabo, waanay dhamaynaysaa. Guddiga gacanta kuhayana waa guddi wannaagsan. Anaga Wasiirka Madaxtooyada ayaa hawsha nagu goobaabiyey sidii aanu uga qaybqaadan lahayn waddadaas.”

Mustafe waxa kale oo uu wax laga xumaado ku tilmaamay dadka dhalliilaya waxqabadka ummadda loo qabanaayo. “Dadka dhaliilaya, sida Ninka sheegtay Mujaahidka ee Ina Qulube halkan uu leeyahay Dumarkii iyo Ciyaalkii Iskuulka ayaa lacag bixiyay, waxaan odhan lahaa Dumarka iyo Ciyaalka lacagta bixiyay Mujaahidka way ka wannaagsan yihiin oo waxay garteen muwaadinimadu waxay tahay oo waxay dhisanayaan waddadii Ubadkoodu marilahaa. Waxay ahayd waddo aad u dhib badan oo marka Hooyadu ay ku xannuusato Magaaladda Ceerigaabo ee la soo qaadaayo waxay u soo dhixi-jirtay laba cesho Magaaladda Burco, haddana haddii la sameeyo waddada Ceerigaabo waxay noqonysaa laba saac iyo badh inta ay u soo soconayso, markaa waddadaas aad iyo aad ayaa loogu hanwayn yahay oo alaabtiina dalka chinaha ayaa laga soo Iibiyey oo way soo socotaa. Mujaahidka ina-qulube ee leh waddadu ma dhismi-karto waxaan leeyahay marka la dhiso waddada bal naxdin ha u dhimanina. Madaarka Hargeysana waa la dhisay oo sida laga dhigay waad arragtaan oo nin aan dhaafin Bariijka Hargeysa maaha inuu wax iska sheego, waana ayaan-darada haysata ummadda,”ayuu yidhi Mustafe oo ka mid ah Qurba-jooga reer Somaliland.

Sidoo kale waxa uu sharaxaad ka bixiyay sida ay is-kugu diyaariyeen qurba-joogu ka qayb qaadashada waddada Ceerigaabo, waxaanu yidhi,“Haddaanu nahay aqoon-yahanka iyo Qurba-jooga reer Somaliland laba qaybood ayaanu isu-abaabulnay oo ah innaanu ka qayb-qaadano saddexda wajiba, markaa haddaanu nahay Qurba-jooga dhamaatayo waxaanu isu-abaabulnay hawshaas innaanu isu-diyaarino dhismaha waddada Ceeriaabo. Anigu waqti xaadirka waxaan hoggaaminayaa Cadaan ka socda deeq-bixiyaasha oo ka qayb-qaadanaaya waddada Ceerigaabo oo way nagarab taagan yihiin, waxaanu tagaynaa tobanka bishan haddii Alle ka dhigo. Runtii Mujaahidka oo kale may ahayn inuu waddada dhaliilo ee waxay ahayd inuu Ummaddiisa u heelan inay dhisto waddadaas inuu ku taageero.”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories