HomeQulqulka Qaxoontiga Suuriya Oo Wali Yurub Beegsanaya iyo Barakac Hor Leh Oo...

Qulqulka Qaxoontiga Suuriya Oo Wali Yurub Beegsanaya iyo Barakac Hor Leh Oo uu UN Ka Digeen

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

EU(SLpost)-Tiradii ugu badnayd ee dadka muhaajiriinta iyo qaxooti aha ayaa sabtigii u tallaabay dhanka dalka Hungary.

In ka badan afar kun oo qof oo lugeynaya ayaa galay dalkaasi Hungary iyaga oo ka tallaabay xudduuda uu dalkaasi la leeyahay dalka ay jaarka yihiin ee Serbia, xilli mas’uuliyiinta Hungary ay dhameystirayeen xaydaab ay dhigayaan xuduudda.

Dhanka kale, muran ku aadan sida loola dhaqmayo dadka muhaajiriinta ah ayaa hadheeyay xidhiidhka diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya waddamada Hangary iyo Austraia.

Dowladda Hangary ayaa u yeedhtay safiirka Austria u fadhiya dalkeeda, waxaana wasiirka arrimaha dibadda Hungary uu cambaareeyay hadal ka soo yeeray hoggaamiyaha Austria Werner Faymann, oo is barbardhigay ku sameeyay sida xukumadda Budapest ay ula dhaqmeyso dadka qaxootiga ah iyo sidii Naaziga Jarmalka uu ula dhaqmay Yuhuudda.

Arrintani ayaa ku soo beegmayso xilli isu soo baxyo dhowr ah oo is diidan ay ka dheceen guud ahaan qaaradda Yurub. Isu soo baxyadani ayaa intooda badan lagu taageerayay dadka qaxootiga ah basle isu soo baxyo kale oo dhowr ah oo iyagana ka dhacay bartamaha Yurub ayaa waxaa looga soo hor jeesaday qaxootiga qaaradda Yuurb ku sii qulqulaya.

 

dhanka kale Qaramada Midoobay ayaa qiyaastay in in ka badan hal milyan oo qof ay ku barakici doonaan gudaha waddanka Suuriya dhammaadka sanadkan haddii uu sii xumaado dagaalka halkaasi ka socda.

Xidhiidhiyaha arrimaha bini’aadamnimada ee Qaramada Midoobay ee halkaasi, Yacquub El-xuluw, ayaa waxa uu ka digay in muwaadiniinta Suuriya ee qaxaysa ay suuragal tahay in ay sii wadaan in ay isku dayaan in ay gaadhaan Yurub bilaha soo socda.

Mr El-xuluw, waxa uu sheegay in dagaalka ka soconaya gudaha waddanka Suuriya uu mar horaba sanadkan barakiciyay in ka badan hal milyan oo qof. Waxa uuna rumeysan yahay in haddii ay collaadu cirka isku sii shareerto ay milyan qof oo kale ay khasab ku noqon doonto in ay guryahooda ka qaxaan dhammaadka sanadka.

Wax uu sheegay haddii aanan la joojin dhiigga ku qubanaya dalkaasi in qulqulka Suuriyaiinta uu sii socon doono, Yurubna ay wajihi doonto xaalad qaxooti oo la mid ah middii ka dhalatay Dagaalkii Labaad ee Adduunka.

Yacqub El-xuluw, ayaa sidoo kale ku baaqay in gacan la siiyo dhowr barnaamij oo gargaar ah oo ay soo wajahday gabaabsi dhanka maaliyadda ah, barnaamijyadaasi oo la isku dayayo in Suuriyiinta lagu sii hayo dalkooda meelkasta oo ay suuragal tahay.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories