HomeQudhaanjada Iyo Noocyo Shimbiraha Ka Mid Ah Ayaa Leh Hab Abuur Ah...

Qudhaanjada Iyo Noocyo Shimbiraha Ka Mid Ah Ayaa Leh Hab Abuur Ah Oo Ay Cudurrada Iskaga Daweeyaan

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

London (SLpost)- Dhammaan noolaha duniga guudkeeda Alle ku uumay waxa ay leeyihiin hab iyo farsamo ay iskaga difaacaan cadowga, cudurrada iyo wax kasta oo noloshooda khatar ku ah, laakiin qaarkood ayaa haddana si gaar ah mucjiso u noqda oo lagu arkaa wax yaabo ay kuwa la midka ah kaga duwan yihiin. Waxaa ka mid ah nooc qudhaanjada ka mid ah oo awood dabiici ah u leh in marka jeermis ay dareentay ay si dhaqso ah u cabto sun ay og tahay in aanay nolosheeda wax yeelayn si ay jeermiskaas isaga disho.

Marka ay qudhaanjadani dareento caabuqa waxa ay raadsataa qudhunka iyo hadhaadiga qashinka xayawaanka, dhareerkiisa ama suntan xayawaanka iyo xasharaadka qaarkii sii daayaan kadibna waxa ay ka cuntaa xaddi ay og tahay in aanay nolosheeda wax yeelayn.

Qudhaanjadan oo afka cilmiga lagu magacaabo Formica waxa ay aalaaba ku nooshahay ciidda hoosteeda, meelaha kudaafadaha ah iyo dhagxaanta dhexdooda, isla marka jeermis yar oo jidhkeeda galay ay dareento gaar ahaan jeermiska Beauveria Bassina oo qudhaanjada dila waxa ay dhaso u raadsataa walxaha aynu kor ku soo xusnay.

Picture97-150x150

Sida lagu sheegay warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay idaacadda BBC qaybteeda dibadda la hadasha, arrinta mucjisada ahi waxa ay tahay sida xirfaddu ka muuqato ee qudhaanjadani ay iskaga ilaaliso in suntaas ay ka qaadato xaddi ka badan inta uu dhib ahaan jidhkeedu qaadi karo, si aanay iyada qudheeduna ugu waxyeelloobin.

Sida lagu caddeeyey daraasaddan ay sameeyeen xeeldheerayaal ka tirsan jaamacadda Helsinki ee dalka Finlad, qudhaanjadan oo leh dareen abuur ah oo ay si sahal ah ugu urin karto cunto kasta oo leh maaddooyinka suntan ah ee ay dawo ahaan ugu baahan tahay, awooddan is daweyntana waxaa la wadaaga xayawaanno kale oo ay ka mid yihiin noocyo shimbiraha ka mid ah, shinnida iyo xamaaratada qaarkood.

Xeeldheerayaashu waxa ay sheegeen in suntan ay qudhaanjadu qaadanaysaa haddii ay jidhkeeda ku badato ama ay jidhka gasho iyada oo aanu jeermis ku jirin ay u halis u tahay in ay qudhaanjada disho. Waxaa iyaduna xusid mudan in qudhaanjadu ay leedahay awood dabiici ah oo ay ku garan karto marka ugu horreysa ee uu jeermis ama caabuq jidhkeeda soo galo.

 

Xigasho Geeska Afrika

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories