HomeQudbadii Madaxweynaha –War weyn baa ku qarsoonaa! – W/Q: Mingiste

Qudbadii Madaxweynaha –War weyn baa ku qarsoonaa! – W/Q: Mingiste

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Abdi-M.SaleimanMingiste(Qudbada Madaxweynuhu waxay igu dhalisay runtii wel wel iyo walaac  aad u weyn,waxaa ii muuqada arimo aad u culus,xalintooduna ay dhib badnaandoonto waa  “wax ka bedelka Dastuurka iyo Xulista Golaha Guurtida oo gacanta Xukuumada gala)

Waan akhriyey qudbad  sanadeedkii  Madaxweynuhu ka horjeediyey labada Gole maanta oo taariikhdu tahay   30 Jan 2013.Qudbadan waxaa qoray shaqsi  xidhan Muraayado Green ah ,oo aan filaayo in aanu war badan  hayn xaalada dalku marayo.Waxaad moodaa in Qudbada laga soo dheegtay Qudbad aan laga jeedin  wadan kale aan hayn Somaliland.

Haddii aan si kooban u dul maro Qudbadii Madaxweynuhu jeediyey waxaan ku soo koobi karaa qodobadan hoos ku qoran:-

  1. Madaxweynuhu wuxuu sheegay  wax ka   bedel iyo kaabis uu ku samayn doono  Dastuurka dalka. Runtii waa arin aad iyo aad u xasaasi ah, Xisbiyada Mucaaridka ah iyo Shacabka reer Somaliland ,aad uma fahmin.Haddii ay taasi dhacdana waxaa qabaa in Somaliland qas iyo qalaase hor lahi u bilaaban doono,waxaanan  aaminsanahay in ay aynu dib ugu noqon doono  keli TALISNIMO IYO DASTUURKA OO LOO BEDELO SIDII LA DOONOYO,Waxaa Tusaalle fiicaan inoogu filan Xeer No.14. welwel weyn baan anigu ka qabaa. Madaxweynuhu wuxuu sheegay in uu  magacaabi doono Guddi ,waxay u egtahay Guddidaasi Guddi u shaqayn doonta Xukuumada sida ay doontana wax ugu soo diyaarin doontabal.

eeg hadalkan. .

(11. Wax ka-beddelka iyo Kaabista Dastuurka

Waxaan labada gole usoo jeedinayaa in Dastuurka lagu sameeyo wax ka beddel iyo kaabis, si arintan loo dhamaystiro waxaan idiin soo gudbin doonaa qoraal rasmi ah oo xambaarsan qaabka ugu sahlan ee dastuurka loo qabyo tiri-karo aniga oo u cuskanaya arintan qodobada dastuurka ee 126-aad iyo 127-aad.)

Madaxweynuhu wuxuu kaloo sheegay in Golaha Guurtida xulus uu ku yimaado aan la Dooran,Madaxweynuhu ma sheegin ,mana faahfaahin sida iyo cida soo xulaysa midna,runtiina  waa arin welwel weyn leh,sababtoo ah weynu soo aragnay CADAALADA XUKUUMADA MAANTA JIRTA,waxaana fiican in Xisbiyada iyo Shacabka reer Somaliland si fiican u fahmaan.

“Sidoo kale in doorashada golaha guurtida laga dhigo, Xulis ee aanu doorasho ku iman si aanay meesha uga bixin tayadiisa iyo ka qayb qaadashada beelaha yaryari.”
Madaxweynuhu kama hadal tamar darada iyo tayo xumaanta Golihiisa Wasiirada.

  1. Madaxweynuhu kama hadal XADHIGA IYO CABUDHINTA SAXAAFADA,inta la xidhay,inta la jidh dilay,inta maalin walba loo hanjebo.
  2. Madaxweynu kama hadal TAHRIIBTA SII LABA JIBAARANTAY.
  3. Madaxweynuhu kama hadal, qaladaadkii Doorashadii dhibta badneyd,ee Somaliland ka qabsoontay 28 Nov.2012,ee lagu dhintay,lagu dhaawacmay, Waraaqihii Dooxa Hargeysa laga soo guray,Sanaadiiq dii Dhirta hoosteeda lagu qaybsanayey, ku shubashadii, boobkii dhacay.
  4. Madaxweynuhu kama garaabin,mana tacsiyey dadkii dadkoodu ku dhinteen Doorashadii dalka ka dhacday.
  5. Madaxweynuhu uma ducayn,mana soo hadal qaadin dadka dhaawaca ah ee Dhaqtarada  Hargeysa iyo Jabuuti yalaa.
  6. Madaxweynuhu ma soo hadal qaadin wixii ka dhacay Xaafada AXMED DHAGAX—SAYLAC IYO HARGEYSA ee ay sabab u ahaayeen Doorashooyinkii.
  7. Madaxweynuhu ma soo hadal qaadin Ururka XAQSOOR iyo   Mj. XASAN CIISE cadaalad darada ay tirsanayaa midna.
  8. Madaxweynuhu ma soo hadal qaadin qaladaadkii ay galeen  GUDDIGA DOORASHOOYINKA SOMALILAND.
  9. Madaxweynuhu  kama hadal Xildhibaanadii, iyo tirooyinkii ay isdaba mariyeen Guddiga Doorashooyinka Somaliland,ee ilaa maanta murankoodu taagan yahay.
  10. Madaxweynu kama hadal cida ka masuul ah guud ahaan,qaladaadkii ka dhacay Doorashooyinka iyo talaabooyinka laga qaadayo.
  11. Madaxweynu kama hadal Diiwaan gelinta uu sheegay ,goorta ay dhacayso, meesha qarash ku filan looga helayo,hore ayey inoo soo martay oo waynu ogayn wixii inaga qabsaday iyo halkii ay ku dambaysay,waaynu ognahay inta xilliga ka hadhay Doorashadii Madaxweyna, iyo mudo dhaafka Golaha Wakiilada.
  12. Madaxweynuhu miyaanu ogeyn in Hargeysa gudaheeda aanay haysan BIYO KU FILAN oo haraad loogu bakhtiyey,dadna ugu dhinteen.
  13. Madaxweynuhu miyaanu ogeyn in BUUHOODLE  aanay weli inaga tirsanayn oo calankii Soomaaliya weli kataagan yahay,maxay tahay Mashaariicda faraha badan ee Madaxweynu sheegay in Buuhoodle laga fulinayo .
  14. Madaxweynuhu miyaanu ogeyn in labadii Gole WAKIILADA IYO GUURTIDA burbur qarka u saran yihiin,oo ay gabeen howlihii ay Ummadda u hayeen,mise wuxuu ku amaanayaa SACABKA BEENTA  iyo Sida ay ugu heelan yihiin DHAAMEELKA Xukuumada.
  15. Madaxweynuhu kama uu hadal MUSUQ MAASUQA,BOOBKA hantida Ummadda ee ay Xukuumadiisu ku kacday 2 sanadood ee ugu dambeeyey.
  16. Madaxweynu kama hadal  83 GURI ee ay Golaha Wasiiradu ka iibsadeen magaalooyinka Hargeysa—Burco—Boorama-Dubia iyo  wadamada Kenya—Uk iyo USA.
  17. Madaxweynu kama hadal QABYAALADA—EEXDA soo noolaatay ee ka jirta Somaliland xilligan.
  18. Madaxweynu miyaanu ogeyn lacagtii Garoonad Diyaaradaha ee ay Dowlada Kuwaid bixisay in la layahay meel ay martay,Garoonadiina qaarna xidhan yihiin qaarna qaadhaan loo ururinayo.
  19. Madaxweynu miyaanu ogeyn in 6 Jaamacadood oo Itoopiyaan ahi ay ka furan yihiin Hargeysa ,kuwaas oo lagu dhigo Manhajka Dalka Itoopiya,ma wax lagu faanaa mise waa wax laga naxo.
  20. Madaxweynuhu miyaanu ogeyn tayadii waxbarashada dalku ay marayso halkii ugu hoosaysay  weligeed,oo aanu jirin MANHAJ dalku leeyahay.
  21. Madaxweynu miyaanu ogeyn in dalka lagu dhigo in ka badan  20 MANHAJ oo ay leeyihiin wadama Carabta—Yurub—Africa iyo qaar kale oo aan la garanayn meel laga keenay.
  22. Madaxweynu miyaanu ogeyn SHARCIGA  CAAFIMAADKA in aanu ka jirin Somaliland ilaa hadda,oo Itoobiyaan iyo Ummado kale ka shaqaystaan dalka Somaliland,dadkana ay ka iibiyaan Dawooyin dhacay .
  23. Madaxweynu miyaanu ogeyn in MIISAANIYADU korodho marka WAX SOORKU  KORDHO ,xagee xagee laga keenayaa Miisaaniyada  uu soo qoray Wasiirka Maaliyada ?
  24.  Madaxweynu  miyuu ilaaway in WASARADA ARIMAHA DIBADA EE SOMALILAND ay ku dhowdahay in Albaabada loo xidho,Safaaradihii oo la soo wada xidhay,Aduunkii aynu godoon ka noqonay iyo intii aynu hore u gaadhanay oo inaga soo hor jeestay.
  25. Madaxweynu miyaanu ogeyn in AQOONSIGA SOOMAALIYA uu si toos ah iyo si dadbanba inoo  saamaynayo.
  26. Madaxweynu muxuu uga hadli waayey waxa aynu ka yeelayno hadalka dhowaan ka soo yeedhay dalka Uk ee uu dadkiisa uga digayo Somaliland in ay booqdaan.
  27. Hadal iyo dhamaan Madaxweynu miyaanu ogeyn in laynagu sheegay in ARGAGIXISO wadankeena  joogto,talaabooyinka aynu ka qaadayno iwm.

Hadal Iyo Dhamaan, Wadooyinka Shacabkaa Dhistay— Jaamacadaha Shacabkaa Dhistay-Iskuulada Shacabkaa Dhistay-Daaraha Shacabkaa Dhistay,Ee Maxay Xukuumadu Qabatay Bal I Tus Oo I Taabsiiya,Wax Badan Oo U Baahnaa In Maanta Laga Hadlana Madaxweynu Moo Soo Hadal Qaadinba

ALLAA      MAHAD    LEH

Abdi M.Saleiman(Mingiste)

abdi_saleiman@hotmail.com

Xog.Ar.Gudaha ee UCID

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories