HomeQoys Wada Naafoobay Oo Caawimo Kaaga Baahan

Qoys Wada Naafoobay Oo Caawimo Kaaga Baahan

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

If-ka inta la nool-yahay  ayaa wax la is-taraa, Aabo Yuusuf Jamaac Cismaan waa Aabo da’a ah oo cuur-yaana oo fara madhan, oo aan shaqeysan Karin,isla markaana dhalay todoba Caruura oo naafa,kuwaas oo u baahan gurmad bini’aadanimo iyo mid dhakhtarnima-ba si loola tacaalo cudurka haleelay qaan-gaadhnimadoodii oo aanay ku dhalan.

blankTodobadan walaalaha ah ee Naafada ayaa waxay dhakhaatiirta Somaliland cadeeyeen inaan wax-ba dalka lagaga qaban kareyn cudurka Naafeeyey,isla markaana ay u baahan yihiin dhakhtar dibadeed oo loo qaado,sidaa daradeed aabaha dhalay walaalahan Naafada ah ayaa ah aabo Sabool ah, oo aan awoodin inuu dhakhtar dibadeed u diro caruurtiisa uu dhalay.

Caruurtan oo magacyadoodu kala yihiin:

1.      Maxamed Yuusuf Jaamac

2.      Hinda Yuusuf Jaamac

3.      Axmed Yuusuf Jaamac

4.      Suleekha Yuusuf Jaamac

5.      Saynab Yuusuf Jaamac

6.      Muuna Yuusuf Jaamac

7.      Iyo Xamda Yuusuf Jaamac oo iyadu u geeriyootey xanuunkaasi

Aabo Yuusuf Jaamac Cismaan oo Wariye Mustafe Janaale ku booqday aqal ka mid ah Magaalada Hargeysa oo uu ku hayo Caruurtaasi, isaga oo wakhtigaasi wel-wel baddani ka muuqday “Waxa iigu daran ee imika aan u baahanay waxa weeyaan in Caruurtan Naafada ah ee aan dhalay in dadweynuhu iga caawiyaan sidii aan dhakhtar dibadeed ugu diri lahaa si loogu soo daweeyo, Xanuunkan haleelay Caruurtayda kumay dhalan, balse markii ay da’adoodu ahayd 14-jir ayuu xanuunkani haleelay, kaasi oo marka hore ka soo bilaabmay laf-dhabarta oo dibada u soo baxda, kadibna muruqyada lugaha ayaa isku soo yaaca sidaas ayaanu bilaa awood ku noqda.”Ayuu yidhi.

Mr. Yuusuf Jaamac Cismaan waxa uu ugu baaqay guud ahaan umadda Soomaaliyeed, gaar ahaan umadda Somaliland inay u soo dhisaan hoy aan ku xanaaneeyo Caruurta Naafada ah ee aan dhalay, ILAAHAY dartii: “Waxa imika iigu daran waxa weeyaan uma-hayo wax aan siiyo, waayo anigii ayaa naafo dhutinaysa ah, uma hayo aqal aan ku xanaaneeyo inta uu ILAAHAY faraj ii furayo, aqalkan aan imika ku hayaa waa igu kiro oo lacagtiisina ma hayo. Markaa waxaan ka codsan lahaa dawlada Somaliland, qurba-jooga reer Somaliland ee ku nool dibada, Ganacsatada iyo cidkasta oo wax igu soo tari karta ay I soo caawiyaan. Waxaanan u baahanahay in la ii dhiso aqal aan dejiyo oo la iiga soo caawiyo.”Ayuu yidhi Aabo Yuusuf.

Hadaba, Dar ILAAHAY u soo caawiya Walaalihiinan Naafada oo u baahan gargaar bini’aadanimo iyo Caawimo ah si degdega, si ILAAHAY idinkana idinku naxariisto.

Waxa hore loo yidhi

“Ma Og-tahay Cuuryaan-kaba

Cago looma waayine,

Caynkaa waxa loo yidhi

Kuwa Cararayee laddan

Inay Ku Cimro qaataan.”

Sidaa daradeed, haddii aad tahay qof damqanaya, oo ay inuun naxariisi ku hadhay dar ILAAHAY Walaalahaaga Naafada ah u soo caawi, adiga oo ku soo hagaajinayaa ciwaanadan hoos ku qoran:

Account: 16793 Dahabshiil.

Mobile: 4145445

Mustafe-Jannaale

Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland

Email: janaale94@gmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories