HomeQoys U Dhashay Somaliland Oo Lagu Sumeeyay Wadanka Yemen iyo tirada Dadka...

Qoys U Dhashay Somaliland Oo Lagu Sumeeyay Wadanka Yemen iyo tirada Dadka u Geeriyooday (DHEGAYSO)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...
Yuusuf Googaar
                                 YUUSUF GOOGAAR

Sanca (SLpost)- Qoys ka kooban afar qof oo u dhashay Somaliland ayaa lagu soo waramayaa in lagu sumeeyay magaalada caasimada u ah wadanka Yemen, suntaas oo sababtay inay laba kamid ah qoyskaasi geeriyoodaan halka labadii kalena lagu dawaynayo cusbitaal ku yaala magaalada Sanca ee dalka Yemen.

Axmed Cabdi Aadan oo ah Suxufi madax-bannaan oo ku sugan magaalada Sanca ee wadanka Yemen, ayaa u xaqiijiyay shabakada wararka Englishka ah ee Somaliland Monitor iyo BBC da qaybteeda Af somaliga in halkaa ku geeriyoodeen 2 kamid ah qoyskaasi oo kala ahaa aabaha qoyska oo lagu magacaabi jiray Yusuf Diiriye Xasan kuna magic dheeraa Googaar iyo xaaskiisii, halka ay ku dhaawacmeen suntaasi laba hablood oo uu dhalay Yuusuf Googaar, kuwaas oo lagu dawaynayo cisbitaal ku yaala Sanca.

Wariye Axmed Cabdi oo ka waramaya siday wax u dhaceen ayaa sheegay in subaxnimadii Salaasada (August 8) ahayd ee lasoo dhaafay laga war helay dhibaatada ku habsatay qoyskaas, halkaas oo gurigooda ku yaala xaafada Cadamiya ee magaalada Sanca laga helay Yuusuf Diiriye Xasan Googaar iyo xaaskiisii oo mayd ah iyo dhaawaca laba halood oo uu dhalay marxuum Yuusuf Googaar.

HALKAN KA DHEGAYSO WARAYSIGA LALA YEESHAY WERIYAHA

 

 

Labada gabdhood oo lagu kala magacaabo Samasam Yuusuf Diiriye oo dadeedu tahay 19 jir iyo Amal Yuusuf Diiriye oo da’deedu tahay 18 jir ayaa lagu dawaynayaa cisbitaalka Mustashfa Dowli Al xadiis oo ku yaala magaalada Sanca.

Waxa kale oo wariye Axmed Cabdi oo u warayay Shabakad Somaliland Monitor sheegay inay marxuumka geeriyooday ee Yuusuf Googaar uu ahaa mid caan ka ah wadanka Yemen islamarkaana wax badan u qabtay somalida ku nool wadankaasi, isla markaana la soo shaqayn jiray hayado caalami ah oo ka shaqeeya samafalka bani’aadamka sida Hayada qaxoontiga aduunka ee  UNHCR.

Axmed waxa kale oo uu sheegay inaan wali war rasmi ahi ka soo bixin baadhitaanka lagu hayo sababta keentay in la sumeeyo qoyskaa, laakiin ay jiraan tuhuno lala xidhiidhinayo inay falkaasi ka dambeeyeen, sida hayada lagu magacaabo IDF oo marxuumka is dacwaynayeen, islamarkaana laba nin oo aan haybadooda la aqoonsani ay u dhaceen guriga marxuumka kana qaateen laptop marxuumku lahaa.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories