HomeQoys Muslim ah oo lagu eedeeyey inay dileen saddex hablood oo ay...

Qoys Muslim ah oo lagu eedeeyey inay dileen saddex hablood oo ay dhaleen oo lagu xukumay Xabsi-daa’in

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Ontario, 30 January, 2012 (SLpost)- Maxkamad ku taala magaalada Ontario ee dalka Canada ayaa xabsi daa’in ku xukuntay Aabo dhalashiisu ka soo jeeddo dalka Afghanistan, xaaskiisa iyo wiil uu dhalay ka dib markii lagu helay inay ka dambeeyeen dilka saddex hablood oo uu dhalay iyo xaaskiisa minweynta ah oo aan carruur u lahayn.

blankXeer-beegtiga maxkamadda ayaa ka hor intii aan xukunka la ridin sheegay in saddex qof ee dacwaddan loo haysto ay sheegeen inay beri ka yihiin dilka saddexda hablood oo la kala odhan jiray Zainab 19 jir, Sahar 17jir, Geeti 13 jir iyo Rona Amir 52 jir oo ahayd xaaska Minweynta aabaha qoyska oo aan carruur u lahayn.

Maydadka afarta qof ayaa sannadkii 2009 laga helay baabuur ku qallibmay meel Biriish ah oo ay ku nasteen wakhti uu qoysku ka soo laabtay dalxiis.
In kasta oo ay qoysku sheegeen inaanay dambiilayaal ahayn, haddana Xaakimka Maxkamadda kiiskan ku qaadayey ayaa dilka gabdhaha ku sababeeyey inay qoyskani ku tallaabsadeen dilka iyaga oo u bogi waayey dhaqan-dooris ku dhacay gabdhahooda oo ay beddeleen qaabkii lebbiska, kuna talaabsadeen inay la saaxiibaan wiilal aaanay isku dhaqan ahayn.

blankQoyskan ayaa dalka Afghanistan ka tagay sannadkii 1992kii iyaga oo ka hor intii aanay dalka Canada degin sannadkii 2007 hore ugu soo noolaa dalalka Pakistan, Australia iyo Imaaraadka Carabta. Laba sanno ka hor intii aanay tagin dalka Kanada ayuu aabaha qoyska oo ah nin maal-qabeen ah waxa uu guursaday xaaskiisa Minyarta ah ka dib markii ay carruur u yeelan wayday xiiskiisa hore.

Sida ay maxkamaddu sheegtay, inanta ugu weynayd hablaha, waxa laga mamnuucay inay dugsiga tagto ka dib markii ay la saaxiibtay wiil asalkiisu ka soo jeedo dalka Pakistan balse ku koray Kanada isla markaasna ay gurigooda ka baxsaday taasina ay aabaheed ka cadhaysiisay.

Intii lagu gudo jiray dhegaysiga dawcadda, waxa la dhegaysiiyey codad uu Shafia kaga hadlayo dhaqanka hablihiisa iyo xaqiiqda inay wakhtiyada dambe u baxaan shukaansi iyaga oo isla markaasna meel kaga dhacaya sharafta qoyska.

SOMALILANDPOST NEWS

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories