HomeQorshe Dhaxal-wareejinaya Haamaha Shidaalka Berbera Oo Madaxtooyadu Qaraar Ku Gaadhay Iyo Magaca...

Qorshe Dhaxal-wareejinaya Haamaha Shidaalka Berbera Oo Madaxtooyadu Qaraar Ku Gaadhay Iyo Magaca Shirkad Imaaraati Ah Oo Loo Gacan-gelinayo

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa  (SL.Post) Warar dheeraad ah, ayaa kasoo baxaya xidhiidhada daaha la saaray ee u dhexeeya Madaxtooyada Somaliland iyo  dawladda Imaaraadka Carabta, kuwaas oo ku saabsan is-fahan ku dhinaca wareejinta haamaha keydka shidaalka Berbera oo labada dhinac isla gaadheen. Wararku waxa ay intaas ku darayaan in madaxtooyadu go’aansatay inay haamaha keydka shidaalka Berbera ku wareejiso shirkadda ADNOC(Abu Dhabi Nationl Oil Company) oo ah shirkada ugu weyn dhinaca shidaalka ee dalka isu-tagga imaaraadka Carabta oo ay dawladda dalkaasi iskeed u leedahay. Is-afgaradkan oo aan weli xogtiisu dibadda usoo wada bixin, ayaa la sheegayaa inay madaxtooyadu dabada ka riixayso, waxana arrintaas si weyn uga biyo diiday oo cadho ka muujiyey shirkadaha ay xukuumaddu sanadkii hore ku wareejisay maamulka haamaha keydka Berbera ee magacooda loo yaqaanno Berbera Oil Group, kuwaas oo aaminsan inay madaxtooyadu ka daba timi heshiiskii ay labada dhinac hore u wada galeen.

index

Shirkadaha haatan gacanta ku haya maamulka haamaha keydka shidaalka Berbera, ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey shirar hoose oo ku saabsan xidhiidhka madaxtooyada iyo shirkadda ADNOC ku lahaa goobo qarsoodi ah oo ku yaalla magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera, waxana isla-garteen inay meel adag iska taagaan isku day kasta oo ay madaxtooyadu ku doonayso inay gacan-togaalayso heshiiskii iyaga sanadkii hore loogu wareejiyey haamaha iyo maamulkadaba.

 

Xogaha ku saabsan guuxa iyo sawaxanka ay shirkaduhu kaga soo horjeedaan isku-dayga ay madaxtooyadu ku doonayso inay markale shirkado shisheeye ku wareejiso haamaha shidaalka Berbera, ayaa sheegaya in madaxda kooxda Berbera Oil Group sidoo kale kulamo la qaateen waxgaradka iyo odayaasha miisaanka ku leh magaalada Berbera, isla-markaana ka codsadeen inay u dyaar garoobaan difaacidda heshiiskii ay hore xukuumadda ula galeen, kana hor tagaan wareejinta cusub ee la doonayo in haamaha mar kale lagu celiyo gacan shisheeye.

 

Madaxtooyada, ayaa la sheegayaa inay si mug leh ugu qanacday inay shirkadda ADNOC ku wareejiso keydka haamaha Berbera, waxana la filayaa in bilaha soo socda arrintan ay labada dhinac gunaanadaan.

 

Sida wararku sheegayaan waxa madaxtooyada si weyn usoo jiitay dhaqaale buuran ay shirkadda ADNOC usoo bandhigtay in loogu beddelo keydka shidaalka Berbera, waxana ay shirkaddani badka soo dhigtay inay Berbera ka dhigi doonto xarun ay shidaalka usoo doontaan inta badan dalalka geeska Afrika, isla-markaana ay carsiyeyn ku samayn doonto agabka shidaalka lagu keydiyo oo ah qaar aad u gaboobay.

 

Walaaca shirkadaha haatan maamula haamaha shidaalka Berbera, ayaa ah mid laga dareemayo magaalada Berbera, waxana ay haatan mashquul ku yihiin sidii sidii u diyaarsan lahaayeen is-taraatiijiyaddii ay kaga hortegi lahaayeen rabitaanka madaxtooyada ee la xidhiidha wareejinta haamaha shidaalka lagu keydiyo.

 

Heshiiskii ay hore xukuumaddu ugu wareejisay keydka haamaha shidaalka Berbera, ayaa dhigayey inay lacag dhan Lix milyan oo dollar iska bixiyaan, isla-markaana hagaajiyaan inta badan agabka shidaalka lagu keydiyo, balse waxa ay bixiyeen Saddex milyan oo dolllar oo ilaa haatan gashay gacanta xukuumadda.

 

Somalilandpost.net

Source HUBAAL

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories