HomeQorshaha Xukuumadda Somaliland ee Xilli-roobaadka Gu'ga oo Curtay iyo Wasiirka Horumarinta Beeraha...

Qorshaha Xukuumadda Somaliland ee Xilli-roobaadka Gu’ga oo Curtay iyo Wasiirka Horumarinta Beeraha oo ka hadlay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha ee Somaliland Md Axmed Muumin Seed, ayaa bulshada beeralayda ah ugu baaqay inay ka faa’idaystaan roobabka Gu’ga oo maanta ka curtay deegaamo ka mid ah Somaliland.

blankWasiirka Beeraha oo maanta saxaafadda kula hadlay xafiiskiisa, waxa uu ugu baaqay Beeralayda dalka inay u diyaar-garoobaan sidii ay sannadkan kor ugu qaadi lahaayeen wax-soo-saarka dalagga la quuto oo ay sii laba jibbaaraan wax-soo-saarka Sannadkii hore ee 2019 oo ahaa markii u horeysay dalka ee laga diiwaangeliyey wax-saarkii ugu tirada badnaa dalagga ka soo go’ay Beeraha dalka.

Waxa uu wasiirku sheegay in, sida ay warbixinta Saadaasha hawada ku hayaan, sannadkan la filayo roobab ka badan kuwii sannadkii hore ka da’ay dalka, sidaas awgeed beeralayda booga baahan yahay inay sii kordhiyaan wax-soo-saarka dalagga.

Wasiir Axmed Muumin Seed waxa kale oo uu ka hadlay saamaynta uu dalagga wax-soosaar-ka dalka ku yeelan karo Koron-korta uu ka tagay Ayax sannadkii hore ku habsaday deegaamada Galbeedka iyo xeebaha ee dalka iyo guud ahaan mandaqadda Geeska Afrika.

Wasiirku waxa uu sheegay in Somaliland noqotay dalka ugu horreeya mandaqadda Geeska Afrika ee dhinaca diyaar-garowga ka dhanka ah saamaynta ka dhalan karta Eesha uu ka tagay Ayaxa oo saamayn ku yeeshay wax-soo-saarka Beeralayda sannadkii hore.

Wasiirka Horumarinta Beeraha Somaliland, ayaa dabayaaqada Sannadkii hore shaaciyey Qorshe wasaaraddiisu u dejisay la-dagaalanka iyo cidhib-tirka Ayaxa, kaas oo ah nidaam cusub oo lagula dagaalamayo Ayaxa oo aan hore looga adeegsan dalka.

Hadalka Wasiirka iyo Faahfaahinta Warkan, guji HALKAN

 

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories