HomeQorshaha Qatar ee doorashada Soomaaliya: Lacagaha dalka la gelinayo iyo sida loo...

Qorshaha Qatar ee doorashada Soomaaliya: Lacagaha dalka la gelinayo iyo sida loo qarinayo

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

blankMuqdisho (SLpost)– Xogo aanu ka helnay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in madaxa hay’adda sirdoonka Soomaaliya, Fahad Yaasiin, bilaabay qorshihii ay Qatar doorashada ugu shubi lahayd kooxda ay rabto ee haatan ba talada dalka haysa, in kasta oo iyaga dhexdooda khilaaf ka taaganyahay.

Fahad Yaasiin oo ka hor intii aan sida istiraatijiga ah loogu soo darsan xukuumadda Farmaajo ee aanu agaasimaha ka noqon madaxtooyada haatanna looga dhigay madaxa hay’adda NISA ka tirsanaan jiray sirdoonka Qatar ayaa siyaasiyiinta Soomaaliya ee madaxa bannaan iyo dadka ka faalooda arimaha Soomaaliya labaduba ku sheegaan in uu yahay ninka talada dalka gacanta ku haya.

Xogtu waxay sheegtay in Fahad durba bilaabay qorshihii uu lacagta Qatar ugu talo gashay in lagu laaluusho xildhibaannada kaga soo qaadi lahaa Dooxa isaga oo adeegsanaya diyaarada Qatar Airways. Si qorshihiisaa uu wakiilka uga yahay sirdoonka Qatar u meel maro waxa uu isku dayey in uu meesha ka saaro wakiilkii shirkadda diyaaradaha Qatar Airways oo uu marka horeba u arkayey in aanu xaq u lahayn inuu shaqadaa helo maadaama oo uu yahay qof ka soo jeeda Somaliland. Qofkaasi waa agaasimaha shirkadda Horn Travel and Cargo Agency oo tartan xalaal ah la gashay shirkado badan oo wadanka laga leeyahay kuna guulaystay tartankii maadaama oo uu buuxiyey shuruudihii shirkaddu doonaysay.

Si hadaba qorshaha ninka Qatar ay Soomaaliya ku soo dhex darsatay u fulo, Horn Travel and Cargo Agency waxay ku guulaysatay tartan xalaal ah waxaanay suurto gelisay in shirkadda diyaaradaha ee Qatar Airways duulimaadyo ka bilowdo magaalo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho. Laakiin arintaasi muu jeclaysan Fahad Yaasiin oo u arka dadka reer woqooyiga ah in aanay xaq u lahayn in ay dalka wax ku yeeshaan ama kaba shaqaystaan. Waxaanu u adeegsadaa awoodda xafiiskiisa oo waxaa haatan ba xabisyada ugu jira dhalin yaro door ah oo gobolladaa ka soo jeeda.

Sarkaal sare oo ka tirsan NISA hase yeeshee codsaday in aan magaciisa la shaacin ayaa sheegay in hab dhaqanka noocaas ahi caadada Fahad yahay ee aanu ceebtii ahayn. Waxaanu intaa ku daray in uu Fahad awoodda u adeegsado inuu ku helo dhaqaale kuna fuliyo awaamiirta Dooxa laga soo siiyo. Waxaanu yidhi waxa uu adeegsadaa wax kasta oo uu ku helayo waxa uu doonayo oo ay ka mid yihiin xadhig sharci darro ah, hanjabaad  iyo caga juglayn iyo xataa dilal khaarajin ah.  Hase yeeshee mulkiilaha Horn Travel and Cargo Agency markii uu u debci waayey hadadaadii Fahad iyo caga juglayntii uu ku xidhxidhay qaar ka mid ah shaqaalaha shirkadda, ayaa Fahad oo arrintaa ka cadhaysani amar ku bixiyey in la khaarajiyo laba goor ayuu ka badbaaday rasaas lagu furay baabuurkiisa oo la doonayey in lagu khaarajiyo.

Si qorshihoodu u hir galo, waxa ay madaxa NISA iyo safaaradda Qatar ee Muqdisho shaqadii amaanka iyo baadhitaanka shirkadda Qatar Airways ku wareejiyeen shaqaale ajaanib ah, waana shirkadda keli ah ee caalami ah ee aanay shaqaale Soomaali ahi u shaqayn kuwa madaarkana laga ilaaliyo in ay hawlaheeda ogaadaan.Tallaabadaas ayaa ujeedka laga leeyhay tahay in laga ilaaliyo idhaha laamaha kale ee dawladda lacagaha kaashka ah ee Dooxa laga keenayo ee la soo saarayo diyaaradda Qatar leedahay.  Waxaana sidoo kale qoraal nabad sugidda ka soo baxay oo ay tasdiiqisay safaaradda Qatar ee Muqdisho lagaga qaaday shaqadii shirkaddii Horn Travel and Cargo Agency.  Waxana qaybtii iibka tigidhada haatan lagu wareejiyey shirkad uu leeyahay nin ay xidid yihiin Fahad Yaasiin oo aan qudhiisa loo ogolayn in uu fara geliyo hawlaha diyaaradda ee madaarka weyn ee Aadan Cadde International Airport maadaama aan la doonayn in dad Soomaali ahi hawlaha halkaa ka socda ay ogaadaan.

Tan iyo markii xukuumadda Farmaajo la safatay dalalka Qatar iyo Turkiga, waxa ay labadaa dal gacanta ku dhigeen milatariga iyo nabad sugidda Soomaaliya iyaga oo doonaya in ay helaan goob ay kala dagaallamaan dalalka Carbeed ee diiddan taageerada ay labadan dal siiyaan ururrada Islaamiga ah gaar ahaan kuwooda Islaamiyiinta siyaasiga ah sheegta iyo weliba taakulada maaliyadeed iyo ta mukhaabaraad ee ay siiyaan kuwa xag jirka ah ee hubaysan.

 

Somalilandpost.net

Xafiiska Muqdisho

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories