HomeQorshaha Farmaajo: Waxyeelo waxtar dhasha - Qalinkii Muuse Jaambiir

Qorshaha Farmaajo: Waxyeelo waxtar dhasha – Qalinkii Muuse Jaambiir

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Soddon sano ka hor, 17.July.1989 waxa xeebta Jasiira ee magalada Muqdisho ka dhacay xasuuq fool xun. Waxa taliskii Maxamed Siyaad Barre sabab la’aan ku dillay 47 qof oo ka mid ahaa boqolaal qof oo guryahay deganaayeen lagala baxay saq dhexe oo habeenimo. Dadkaa la laayay iyo kuwa kale oo la xidhay dhamaantood waxa loo beegsaday isir ahaan iyo haybtooda ee ma jirin denbi kale oo ay galeen.

blank
Muse Jaambiir

1984 ilaa 1989 waxa ka dhacay goboladdii woqooyi ee Jamhuuriyaddii Soomaaliya dil wadareedyo lala beegsaday shacbigii ku noollaa, mar dagaal ka socday iyo mar aan qorriga dawlada mooyee qorri kale oollinba. Marka dad shicib ah oo aan waxba galabsan dawladdii xukumaysay intay guryaha kala soo baxdo layso na waa dhagar dadnimada laga galo ta ugu xun. Ficilkii gurracnaa iyo gaboodfalkii dadnimada laga galay ee rajiimkaasi kula kacay umaddii soomaaliyeed ee uu u talinayay marba heer iyo meel bay taagnayd.

 

Laakiin xasuuqii Jasiira wuxuu kaga sii duwanaa kuwaa, halka uu ka dhacay, sidduu u dhacay iyo daawadayaasha. Wuxuu ka dhacay caasimadii dalka oo madaxdii ugu saraysay ilaa Madaxweynihii joogo. Sidda xoolaha xerada kuugu jira looga shidhaysto ee inta ka shilis la soo qabato loo gawraco, si la mid ah ayaa qabashada iyo mindidu isugu xigeen. Falalka qaar muran baa la gelin karraa marka aan goobjoog la hayn, balse xasuuqii Jasiira ilaahay wuxuu ka reebay markhaaati ka badbaaday, isla markaana waxa isha ku hayay shisheeye iyo sokeeye ba dadkii caasimada ku sugnaa. Sidaa darteed, fadeexadaa iyo kuwii kale ee la midka ahaa ma aha dhacdooyin qiil loo helayo ee waxay ahaayeen jariimaddo loo badheedhay oo dawaladdi gaysatay. Wixii maalintaa dhacay, kuwii ka horeeyay wixii dhacay iyo kuwii ka dambeeyay wixii dhacay, dhamaantood waxay qayb ka ahaayeen cadaalad darradii sababtay in soomaalidii lixdankii midowday dib u kala xayato, soddon sano oo haatan laga joogo burburkii taliskaa na gaar la kala ahaado.

 

Soddon sano kadib maalintii xasuuqaasi dhacay, Arbacadii todobaadkii hore oo ay 17July ku beegnayd waxa aawanaa xusuustii tiiraanyadaa. Magaalada Muqdisho 30 sano ka hor kursigii uu ku fadhiyay Maxamed Siyaad Barre oo dawladiisii xasuuqaa gaysatay, waxa maanta ku fadhiya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo. Xilligaa Hargeysa iyo Muqdisho dawladdii falkaa gaysatay ayaa gacanta ku wada haysay, laakiin maanta Farmaajo gacanta kuma hayo Hargeysa oo 29 sano dawlad gaar u taagan ah. Hase yeeshee wuxuu haystaa saxeex la aqoonsan yahay, Somalilandna waa ictiraaf raadis, balse ma taagna marxalad saxeex lagu qarin karro ama lagu khasbi karro.

 

Haatan, Muqdisho waxa joogga Farmaajo. Jid buu hayaa tilmaamaya siduu midnimada ku raadinayo. Dhaqankiisa siyaasadeed iyo tubtuu hayo ayaa balaysin u ah qorshihiisa. Tusaale muhiim ah waxa u noqon karra siyaasadiisa wixii ka soo yeedhay 17July, soddon guuradii ka soo wareegtay xasuuqii Jasiira oo ka mid ah dulmigii qabriga geeyay midnimadii hore. Siyaasiyiinta kale ee Soomaaliya ee aan xilka hayn qaarkood ayaa ka hadlay xasuuqaa iyo ficilka Madaxweyne Farmaajo ku qaabilay.

 

Cabdiraxmaan Cabdishukuur Warsame hadal kooban oo uu arrintaa kaga hadlay wuxuu u dhignaa sidan; “Maanta waxay kulmisay laba dhacdo oo taariikh madow ku leh baalka dawladnimada Soomaaliya. 17July.1989 waa habeenkii aqaladooda lagala baxay 47 qof oo ka soo jeedda Somaliland, laguna xasuuqay xeebta Jasiira. Xalay oo ahayd 17July waxa garaado dalacsiin ah lagu abaal mariyay rag shan dhalinyaro soomaaliyeed ah ku dillay xarunta xisbiga Wadajir 17July.2017”. Wuxuu intaa ku sii daray oo uu yidhi; “Dilka iyo xasuuqa magaca dawladda lagu gaystaa wuu ka dambi culus yahay, kana tiiraanyo reeb badan yahay, kana masuuliyad wayn yahay kan ay gaystaan dad aan masuuliyadi saarnayn”.

 

Kornayl Canjeex waa ninka godobtaa loo aaneeyo, balse waraysiyo hore looga qaaday wuxuu ku sheegay in aanuu fulinin xasuuqaa, waxaanuu farta ku fiiqay kuwii amarka dilkaa bixiyay iyo kuwii ficil ahaan fuliyay. Waxa kale oo uu sheegay, inuu diyaar u yahay Maxkamad uu iskaga reebo dembigaa. Dareen ahaan mar wax looga waydiiyay sidda uu u arko xasuuqaa wuxuu yidhi; “Nin kasta oo gacan ku dhiigle ah oo soomaali xasuuqay nacalad ilaahay haku rido. Yaanay ka raad gadanin, dadkaa waa layskaga daba tegi, laga hadhi maayoo, Anigaana soo jeedinaya in aan laga hadhin, sinna looga hadhin…….”

 

Hadaaqu waa carrab layli iyo dhihid horteed ee maaha hadal macno iyo faham yeesha. Laakiin ficilka siyaasadeed ee Madaxweyne Farmaajo waa mid cad oo la fahmi karro. Hadduu u arko xasuuqii Jasiira dembi xun oo dadnimada laga galay oo aan loo baahnayn inuu dib uga dhaco soomaali dhexdeed, wuu ka hadli lahaa. Sidaa awgeed, ka aamuskiisu wuxuu tusmaynayaa in aanuu u aqoonsanayn xasuuqaa dembi dhacay. Wuxuu maalintii xuska xasuuqaa magacaabay, guddi laba ka mid ahi ka soo jeedaan Somaliland, labadaa midkoodna uu ahaa maalintii xasuuqa Jasiira dhacay Taliyihii Booliska. Guddigaa oo uu ugu yeedhay dibu heshiisiinta iyo wada hadalka Soomaaliya iyo Somaliland wuxuu ku dhawaaqay waqti uu wado dagaal uu ka badheedhay oo aan qarsoodi ahayn oo dhanka siyaasada, ganacsiga iyo nolosha intab leh. Sidaa darteed, magacaabistani af ahaan mooyee ficil ahaan uma muuqato. Keliya waxay u eg tahay raad gadasho dhallaan habaabis ah oo looga gol leeyahay iska jeedinta indhaha caalamka dabada ka riixaya wadahadalka, isla markaana lagaga ordayo wada hadal dhab ah oo gole joog iyo markhaati leh oo labada dhinac ku garnaqsadaan.

 

Sax maaha in laba qof oo isku reer ah sabab la’aan laysugu xidhiidhiyo, laakiin haddii ficilkoodu is hiddaysto laysuma diiddi karro. “Addeerkaa baa dadkan qorri ku xasuuqay, Adna waxaad doonaysaa inaad saxeex ku xasuuqdo, laakiin kuu suuroobi mayso” Sidaa waxa yidhi, Wasiirka Biyaha Somaliland Saleebaan Cali koore oo dood la galay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya. Haddii aanay sidaa ahayn, oo ay dhab ka tahay walaalnimo raadiska uu sheegayaa, ma yeelleen siduu hadda wado. Kama gaws adaygeen qirista xasuuqii Jasiira oo ka mid ah foolxumooyinkii dawladii hore gaysatay ee kala kexeeyay soomaalidii wada joogtay, kana dhigay maanta mid kala joogta. Waxyeelo waxtar u eg iyo waxtar waxyeelo u egi waa laba kala duwan, balse dheehashada guud isu ekaanshuhu wuu ku hoddi karraa, haddii u kala abtirinta suuraha humaagyadu iska kaa galaan. Midda kale, waxyeelo waxtar dhasha, waxtar waxyeelo dihda iyo waxyeelo waxyeelo dhasha ayaa ah sadex kale oo abya hilaada odoroska foosha ficilka. Sidaa darteed hawlgalka Farmaajo, Somaliland wuxuu uga dhigan yahay waxyeelo waxtar dhasha.

Qalinka: Muuse Jaambiir

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories