HomeQormo Muhiim ah: Somaliland iyo Dunida Maanta

Qormo Muhiim ah: Somaliland iyo Dunida Maanta

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Marka loo fiirsado xaaladda ay dunidu ku sugan tahay maanta, lana barbardhigo ta Jamhuuriyadda Somaliland, waxa ku waajib ah qof kasta oo Somaliland u dhashay inuu Illaahay u xamdi naqo, ku shukriyo, istiqfaarkana badsado.

Waxa loo baahan yahay in nimcada diinta Islaamka iyo iimaanka uu ina siiyey, inuu Ilaahay innoogu daray nimcoyin kale oo ay ka mid yihiin inuu innaga badbaadiyey aafooyinka iyo masiibooyinka kala duwan ee dunida ku habsaday xilligan.

blankWaxa la inooga baahan yahay si nimcooyinkaasi nusqaatoodu aanay inoogu dhicin, in aan ka fogaano dhammaan falalka ay innaga xaaraantinimaysay ama ay inoo diidayso shareecadeena Islaamka.

Su’aasha inala gudboon in aan is waydiino waxay tahay, maxaa Jamhuuriyadda Somaliland oo ah dal yar, khayraadkiisa badankiisu wali dihin yihiin, dhaqaale buuran aan lahayn, la iska indho-tirayo xaqa uu u leeyahay aqoonsi uu kaga duwan yahay dalal badan oo kale oo jaho-wareer dhaqaale, siyaasadeed, bulsho uu maanta haysto?

Waxa saldhig u ah nimcooyinkan ballanqaadka aan u qaadnay EEBBE marka aynu calankeena ku suntannay kelmedda waxdaaniyadda Ilaahay ee ah Laa ilaaha Illaahu Muxamedow rasuulullaah, in aan ku dhaqmayno.

Dhinaca dhaqaalaha, waxaan arkaynaa in dalalka horumaray iyo kuwa soo korayaaba ay dhaqaale burbur ka baqayaan, Shirkadaha waawaynna ay dhaqaale kab u samaynayaan sida shirkadaha diyaaradaha caalamiga ah oo kale.

Dalalkaasi iyo shirkadahaasi waxay shaqaale-dhin ku sameeyeen boqolaal kun oo xirfadlayaal ahaa oo u shaqayn jiray. Ganacsatada yaryar ee dalalkaasi, qaar badan oo ka mid ah ayaa kacay, rejada laga qabo in ganacsigoodu uu soo noqdana aad ayay u yar tahay.

Waxa aynu maqlaynaa in dad badan oo ku nool dalalka horumaray loo qaybiyo cunto maalmeedkooda, iyagoo safaf dhaadheer u galaya- iyagoo gaadiid wata ama lugaynaya, halka qaar kalena samo-falayaal ayaa guryaha ugu geeya waxay quudan lahaayeen maalintaa. Shaqaale badan oo dunida horumartay ku nool ayaa dibad-yaal noqday markii ay kiradii guryaha ay ku nool yihiin iska bixin kari waayeen.

Xaaladda Jamhuuriyadda Somaliland markaan barbar dhigno xaaladaha dalal badan oo dhinaca dhaqaalaha ku horumaray oo sida aan sheegnay ku sugan; miyaanay innagu sii waajibin in aan Ilaahay (SWT) u mahadnaqno, istiqfaarka badino, isla markaana ka fogaano dhaqan kasta oo Ilaahay innaga fogaynaya.

Aafooyinka dabiiciga ah ee duufaano, daadad laxaad leh, dabaylo, dhul gariir iyo dab-ba leh Illaaha innaga bad baadiyey oo nimco noogu beddelay in aan u mahadnaqno. Dhibaatooyinkaa caalamka haysta waxa innaga soo gaadhay waa Ayax lala dagaalamo iyo dabaylo xoog leh oo mar innagu dhacay.

Dhinaca siyaasadda, waxa halis ku jira hab-dhaqankii dimuqraadiga ah ee dalalka horumaray qaarkood, cunsuriyaddii ayaa si xoog leh ugu soo noolaanaysa dalalkaas. Iska hor imaadkii siyaasadeed ayaa isku beddelay ama isu beddelay mid hubaysan dalalka qaarkood. Dalal badani na waxay kaabiga u saaran yihiin heer burbur ah.

Waa Illaahay mahaddii in Jamhuuriyadda Somaliland khilaafyadii aragtiyeed ee siyaasadeed ay wadahadal ku xalisay, iyagoo danta guud ee shacbiga iyo qaranka ka horumariyey ta xisbi iyo shaqsiba. Waxa qof kasta oo reer Somaliland ah looga baahan yahay inuu ku diirsado in axsaabtu xal ku-meel-gaadh ah u heleen arrintii kootada ku saabsanayd, inta xal u helidaada loo jabin lahaa qodobbo ka mid ah dastuurka.

Waxaan leeyahay Jamhuuriyadda Somaliland wakhtigan dunidu jahawareerka ku jirto, wax u kordha mooyaane wax ka dhaca ay aad u yar yihiin. Korodhkaas oo ah mid adkayn nabadgalyo, shaqo abuuris, bisayl siyaasadeed, kaabayaal dhaqaale oo ay ka mid yihiin Madaarka caalamiga ah ee Berbera oo dhammaad ku dhow inay u suurtogaleen. Waxa maanta loo baahan yahay kordhinta, wacyigalinta dhallinyarada; iyadoo diiradda la saarayo sidii looga badbaadin lahaa ku dayashada dhaqannada shisheeye ee aan wax-ku-oolka ahayn iyo sidii ay wakhtigooda firaaqada ah uga faa’iidaysan lahaayeen, waddaninimada iyo dal-jacaylkana ay u baran lahaayeen.

W/Q: Suxufi Xuseen Cali Nuur, Hargeysa, Somaliland.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories