HomeQormaynta Qalinka: Madaxweyne Soo Ka Dalkii Fagmay!

Qormaynta Qalinka: Madaxweyne Soo Ka Dalkii Fagmay!

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

blankMuddooyinkii ugu danbeeyey waxa lagu hawllanaa qorsheyaal siyaasadeed iyo kuwo diblamaasiyadeed oo lagu hagardaamaynayo dabarrada iyo dawladnimada lagu midaysan yahay ee Somaliland. Iyada oo ay barbar socdaan damacyo ku dhex dhuumanaya shaadh qabiil, qas abuurid, qulqulatooyin iyo jallaafooyin lagu suul-daarayo tubta toosan ee ay Somaliland cagta saartay. Waxaana laga dhex arkayaa nacayb iyo cadaawad loo hayo xasillooniyada iyo dawladnimada hana-qaaday ee ay Jamhuuriyadda Somaliland taabbogelisay.

Waxa kale oo dagaal la gula jiraa magaca Somaliland sidii loo nacsiin lahaa cid kasta oo niyad u haysa. Waxa laga xun yahay xasillooniyada iyo nabadda lagu naalloonayo, horumarka iyo haykalka nololeed ee hirgalay.

Inkasta oo qaddiyada Somaliland aan sinnaba gorgortan looga geli karin, haddana waxaan meesha ka madhnayn cadaadisto miisaankoodu culus yahay oo lagu wiiqayo mawqifka adag ee ay Somaliland gabboodsanayno. Iyada oo laga dheregsan yahay sidii ay Somaliland ku dhalatay, dhibtii loo soo maray iyo halaagii loo soo mutay inay noqoto qaran madax bannnaan oo iskii u taagan.

Waqtiyadan ugu danbeeyey waxa dhegaha dadka ku soo noq-noqonaya magaca “Mahiga” oo ah ninka qaramada midoobay u xilsaartay arrimaha qasan ee Somaliya iyo kuxa xasilloon ee Somaliland. Sida muuqata waa khabiir ku xeel-dheer xaaladda qaybi oo xukun. Waa nin diblamaasiyaddiisu qoto dheer tahay, si fiicanna u yaqaan qancinta dadka. Markii ay qaramada midoobay u soo magacawday inuu noqdo ergayga Somaliland iyo Somaliya, waxa uu markiiba hal-abuuray qorshe uu kula fal galo qaddiyadaha iyo xaaladaha kala duwan ee ka jira labada dhinac. Wuxuu dhexda u xidhay sidii uu Somaliya ismaamul goboleedo uga abuuri lahaa, isla markaana uu Somaliland u furfuri lahaa. Maaha nin daneeya go’aanka madax-bannaanida Somaliland ee waxa isaga ka go’an inuu mar uun miis isugu keeno labada daraf ee aan isku shaqaba ahayn.

Waxa hadda Somaliland ka dhex hulaaqmaya afkaaro uu isagu ku lug leeyahay, walow aanay dadku sidaa u fahamsanayn. Marar kala duwan ayuu madaxweynaha Somaliland iyo laamaha dawlada kulamo la yeeshay. Maxay ka wada hadleen? Ma madaxbannaanida Somaliland? Ma in aqoonsi la helo? Ma in fikirkiisa lagu raaco? Ma in heshiis qarsoodi ah la wada galo? Ma in shacabka indho-sarcaad loo dhigo? Maxaa laga wada hadlay? Hadda dulucdeeno maaha inayu su’lahaas jawaabahooda isku mashquulinno, ee su’aasha meesha ku jirtaa waxay tahay; muxuu Somaliland u ogol yahay?

Mar keliya dadka sharraxaad cad lagama siin mawqifka dhabta ah ee Mahiga ka aaminsa yahay Somaliland. Waxa dadka looga sheekeeyaa guud-marro ku saabsan arrimo in-badan dhegaha dadka ku soo noqnoqda.

Haddii aan u imaado Somaliland iyo xaaladda ay hadda ku sugan ta yahay, waa mid aan cidna ka qarsoonayn; hasayeeshee waxaan in yar ka iftiiminayaa arrimaha aloosan ee hadda taagan.

Intii ay xukuumada madaxweyne Silaanyo jirtay waxa isbedel ku yimi hannaankii iyo wejigii ay ku soconaysay siyaasadda arrimaha dibada ee Somaliland. Waxa soo if-baxay goldaloolooyin horseed u noqday in looga soo duso dayrkii adkaa lagu wareejiyey qaddiyada Somaliland. Waxa abuurmay kooxo ku shaqaysta inay ka soo jeedaan deegannada JSL, kuwaas oo u xadhko-xidhay inay jahawa wareeriyaan dadweynaha reer Somaliland.

Xukuumadda madaxwene Silaanyo waxa ay la kowsatay hal-xidhaaleyaal jawaabahoodii illaa hadda la raadinayo. Mar kasta waxa ka hor imanaya xaalad hor leh oo cid aan la arkayni dabada ka riixayso. Waxa ku kacay kooxo ku qadhaabsada magaca qabaa’ilka oo dantoodii ka dhex arkiwaayay xumuukada, kuwaas oo markiiba abaabulay shirar beeleedyo xukuumadda lagaga soo horjeedo. Waxuu madaxweynihii ku mashquulay sidii uu maalinba beel cabanaysa u qancin lahaa iyo arrimo la mid ah.

Waxa muuqata in dalkii fagmayo oo dhinacyada xaalado laga abuurayo si loo waxyeeleeyo magaca Somaliland. Waxaana ugu dambaysay shirka ka socda Taleex oo si caddaan ah uga soo horjeeda qarannimada Somaliland, iyada oo lagu shirayo meel ka tirsan dhulka Jamhuuriyadda Somaliland. Ma odhan karno xukuumaddu way ka seexatay amma way daawanaysaa, hasayeeshee waxa jira turaanturooyin badan oo ka sokeeya sidii wax looga qaban lahaa. Waa mid ka tirsan hal-xilxidhaalayaasha horyaalla xukuumadda Silaanyo amma ha ka shirto amma yaanay ka shirin.

Waxaan ku soo afmeerayaa, Madaxweyne Silaanyo waa ruug-caddaa siyaasadeed oo inta badan waqtiyadiisii ku soo qaatay marxaldo hogaamineed oo kala duwan. Waxa uu marayaa heerarkii ugu danbeeyeey ee hogaamintiisa, isaga oo madax u ah jamhuuriyad curdin ah dhex dabbaalanaysa moojado caqabado ah. Kuna taalla meel barltilmaameed u ah cadawyo u micillisanaya curdin-dhadhalinteeda, baabiinteeda, khalkhal-gelinteeda iyo kala-diristeeda. Waxa hor yaalla go’aanno aan jixin-jix iyo ka gabbasho lahayn oo dawo u ah jiritaanka Somaliland. Waxay taariikhdu qori doontaa tallaabo kasta oo uu uga tago dalkiisa iyo dadkiisa.

Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse [C/Heersare].

cabdiheersare01@hotmail.com  

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories