Home‘Qori-maayo Reer Dheddig, Ogolaan-na Maayo Sida Ay Xukuumaddu Jeceshahay’ - FAALLO by...

‘Qori-maayo Reer Dheddig, Ogolaan-na Maayo Sida Ay Xukuumaddu Jeceshahay’ – FAALLO by Wariye Mustafe-Janaale

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

jannaaleXukuumaddu ha iska deyso war-wareega oo ha ogolaato inay ka jawaabto su’aalaha umaddu jawaabtooda tabayso,

Somaliland aad ayaa looga cawdaa Saxaafadda, waxa si weyn loogu dhaliila aqoon la’aan marar baddan ayaad is odhanaysa wax-baa ka jiraa, sababo badan awgood.

Tusaale ahaan marka aad aragto todoba cisho oo isku xigta aad aragto Wargeys Warkiisa kowaad ee uu iibinayaa yahay hal war oo duraya reer far waaweyna ku qorey ciwaan ah “ISAAQA DHEDDIG”

Inta aanan dhexgelin sababta qormadan, aan marka hore sharax kooban aan ka bixiyo WAR-ka, iyo sababta ka dhigta war ee uu kaga duwanaado wacaasha iyo sheekooyinka soo noqnoqda. Warka waxa loo eega marka laga hadlayo cilmiyan wax la yidhaaahdo qiimaaha warka oo leh shuruudo baddan oo ay tahay in baddan oo ka mida in la helo, kuwaas oo ay ka mid yihiin

  1. Inuu warku yahay mid Cusub (Wakhtiga)
  2. Inuu Yahay war saameeya dadka aad u sheegayso (Dhawaansho)
  3. Xadiga tirada dadka uu saameynayo (Saameyn)
  4. Inay warka ku jiraan dad ama hay’ad Caana (Layaqaano)
  5. Inuu Yahay War la yaab leh, wax aan caadi ahayn (Ugub)
  6. Khilaafaadyo ama iska horimaadyo (Colaad)
  7. Dhaqaale ama lacag, sixirbarar (Hanti) iyo qaar kale oo baddan. Sidoo kale waxa jira su’aalo ay tahay in warka ama war-bixintu ka jawaabto oo lagama maarmaan u ah daabacaada xogeed.

Marka ay sidaa tahay maalin kasta warka kowaad kama dhii kartid sheeko taxane ah, sidoo kale wixii niyadaadu doonayso ama fikirkaagu yahay dadka ugama warami kartid oo xiiso malaha, waana la arkaa marar baddan Wargeysyo ama shabakado arrimaaha reeban maalin walba daabaca, sidaas oo ay tahay lama odhan karo way ka siman yihiin dhamaan warbaahintu, kuwo baddan oo xirfad ku shaqeeya way jiraan waana arrin na looga baahan yahay ka saxaafadd ahaan inaanu ku baraarugsanaano,oo kordhisano aqoonta saxaafadda maalin kasta is-bedelaysa.

Intaa haddii aan saxaafadda ku dhaafo, xukuumadda ayaa iyana aad yaabaysa sida ay uga gudubto doorkeeda inta baddan, taas oo aad moodo inay kalifayso in nin waliba iska mala awaasho waxa uu doonayo, sababta oo ah dawladu waxay go’aansatay inaanay warbaahinta war siinine ay EMAIL ku soo dirto warsaxaafadeedyo cidda ka baddan oo hadaad u fiirsado mid ka midi lahayn qiimo wareed oo lagu xusho. Tusaale ahaan waxyaabaha la soo qorayo waxa ka mida Wasiir hebel oo xafiisyada wasaaradiisa Kormeeray, waxaad is-weydiinaysa miyaanay shaqadiisa ahayn, maxaa macno ah ee ku jiraa aan ahayn ha lagaa sheego, Guri makhsin kaliya oo xadhiga laga jarayo dhowr jeer oo kala duwan, Madaxweyne Kuxigeen xadhiga ka jaray meel baaburta loogu talogalay in la dhigo oo oo dhowr jeer oo hore wasaarada Duulistu ku faantay, iyo qaar kale oo baddan.

Gebogebadii Xukuumaddu ha iska deyso war-wareega oo ha ogolaato inay ka jawaabto su’aalaha umaddu jawaabtooda tabayso, Weriyayaashana shaqadooda ha u helaan galangal oo yaanay iska hor taagin. Warbaahintuna dhaliisheeda ha qaadato oo ha kordhiso dedaalka.

Mustafe-Janaale

Hargeysa/Somaliland

Email:janaale94@gmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories