HomeQoraal Daahfuray Oo Beeniyay In Gudoomiyaha Dawan Iyo Dhuxul Aanay Lahayn Heesti...

Qoraal Daahfuray Oo Beeniyay In Gudoomiyaha Dawan Iyo Dhuxul Aanay Lahayn Heesti Abwaan Dhako Ee Ay Sheegteen

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

blankHaddii aanay jirin xuquuq lahaansho gaar ahaaneed ee shay waxaa la arki lahaa in is qabqabsi badan yimaado.  Lahaanshaha gaar ahaaneed ee midho qof leeyahay waa mid la mida xuquuqda qofkastaa gaar ahaantii u leeyahay, laakin wali waxaa xataa jirta in dad madax sheeganayaa ay ku xadgudbaan xuquuqdii mujtamaca ay u yihiin madaxda oo ay sheegtaan midhahoodiii.

Su’aasha iswaydiinta lihi waxay tahay yaa illaalinaya xuquuqda qof? Mar hadaynu arkayno in nin madax sheeganayaa sidan ugu tumanayo xuquudii abwaan Dhako?

Ujeedadaydu ma aha inaan si sharci ah u guda-galo xuquuqaha lahaanshaha iyo sida loola taacalayo, balse waxaan jeclaystay inaan milicsado arrin aad iiga yaabisay oo igu abuurtay fikir badan.

Waxaa Iska  dhaqan iyo caado  ahaan jirtay in laba abwaan ama abwaan iyo fanaan isku qabsadaan hees uu midba dhiniciisa u sheeganayo balse tanoo kale wali maan arag in nin aan abwaan ahayn oo xataa aan sugaan dhaadhi ku sifoobinin uu jecelaysto sheegashada midho aanu lahayn curinteeda..

Waxaa fajac iyo amakaag aan ka qaaday nin sheeganaya inuu heestan leeyahay hadana isku cadaynaya inaanu abwaan ahayn oo aanu waligii bililiqaysan sugaan aanu lahayn, akhristayaal bal ila akhriya qormada uu gudoomiyaha dawan Maxamed Mire Sayid uu bilaabay qormadii kowaad wuxuu ku bulaabay erayadan

‘’Ma ihi nin gabayaa ah iyo abwaan   hal abuure ah oo rabigeen  hibo  gaar ah u siiye curinta iyo  habaynta noocyada kala duwan ee suugaanta.

Mana ihi Xaasha’e nin ay ka suurto gasho ama  ay sida dadka qaarkood  dhaqan iyo caado u  tahay  in uu  billiliqaysto, oo  iska qaato sida uu doonana u adeegsado gabayo aanu tirinin iyo suugaan aanu lahayn oo fadhato ah oo ay dadkii  lahaana weliba  joogaan.

Sidaas awgeed  ha iga filina in aan qormadaydan ku bilaabo ama ku ladho gabayo booli ah, heeso bililiqo ah, buraanburo tuuggo ah  iyo guurawyo fadhato ah oo aanan midkoodna lahayn,  dadkii tiriyeyna aanay  wax ruqsad iyo ogolaansho ah ii siinin adeegsigooda,’

Hadaba miyaanay  sida cadceeda u cadayna kuugu  filnayn in aanay lahayn  midhaha heestan abwaan Dhako ku farayarstay ee ay ka muuqato farshaxanimada suugaaneed ee Dhuxul iyo Sayid aanay waligoodna curin karayn .

Akhristayaal idinkaan idin daayay xukunka labadan nin iyo waxa laga yeelayo madaama oo aan cadayntii Busi iyo Ubax fahmona hore u haynay, maxay noqonaysaa xukunkoodu?????

Isku soo wada duubo waxaan ku soo afmeeray maqaalkaygan kooban in Maxmed Mire Sayid uu yahay nin lagu guuro oo aan ku socon tiisa balse ay muuqato inuu yahay shakhsi isku halayntiisau adagtahay oo kolba meesha wax uugu jiraan ku mamma…..

Wabilahi towfiiq

Mustafe Muxumed Cadde

mustafemx@hotmail.com

Hargeisa, Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories