Home“Qolyaha Doonaya In UDUB Habaasku Liqo. UDUB intaa Way Ka Weyn Tahay...

“Qolyaha Doonaya In UDUB Habaasku Liqo. UDUB intaa Way Ka Weyn Tahay Oo Iminkaba Wadahadallo Way socdaan. Wax La Yidhaa Laba Garab Ma Jiraan,” Axmed Yuusuf Yaasin

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, 06 February, 2012 (SLpost)-Ku-simaha Guddoomiyaha UDUB ahna guddoomiye kuxigeenka Xisbiga Md. Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa sheegay inay wada hadalo socdaan ku waajahan khilaafkii ka dhex jiray Xisbiga UDUB,isla markaana wixii khilaaf dhexdooda ah ay xalinayaan oo ay islaab-xaadhanayaan.

Madaxweyne Kuxigeenkii hore Somaliland Md.Axmed Yuusuf Yaasin waxa uu sheegay in sababtii u waynayd ee ay ugu guuldarraysteen doorashadii Madaxtooyada ee u dambaysay ay ahayd xisbigooda oo ku dhex milmay xukuumaddii talada haysay, si taasi aanay u soo noqona la kala saaray hoggaanka xisbiga iyo murrashaxiinta u tartamaya Madaxweynaha iyo ku-xigeenka dalka. Waxa kale oo uu ka hadlay arrimo kale oo badan.

blankSidaa waxa uu Md. Axmed Yuusuf Yaasin ku sheegay shirjaraa’id oo uu saaka ku qabtey Huteelka KAAH ee bariga Magaalada Hargeysa, ayaa ka warramay qorshaha safarkooda oo uu ku tilmaamay dhismaha xisbiga uu masuulka ka yahay.

Madaxweyne Kuxigeenkii hore ee Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasin oo ka hadlayey safarkiisa uu ku marayo gobolada Bari, isaga oo arrinta ka hadlayana waxa uu yidhi “Muddo dheer baanu ku soo jirnay qabyo-tirka xisbiga UDUB, markii laga dhammaaday dhismihii gudaha xisbiga iyo shuruucdii oo dhan ayaa waxa hadhay gobolladii iyo degmooyinkii dalka, waxaannuna maanta u baxanaynaa gobollada bari, kuwa galbeedna waanu ku dambaynaynaa si loo qabyo-tiro xisbiga,” ayuu yidhi

Md. Axmed Yuusuf Yaasin waxa uu sheegay in sababtii u waynayd ee ay ugu guuldarraysteen doorashadii Madaxtooyada ee u dambaysay ay ahayd xisbigooda oo ku dhex milmay xukuumaddii talada haysay, si taasi aanay u soo noqona la kala saaray hoggaanka xisbiga iyo murrashaxiinta u tartamaya Madaxweynaha iyo ku-xigeenka dalka. “Waxaannu doonayaa caddeeyo laba shay oo dadku isku khaldayaan oo ay u arkayaan xisbi kala qaybsan, horta xisbigu wuu dhisan yahay oo wuxuu leeyahay guddoomiyihiisii, guddoomiye-ku-xigeenkiisii, guddigii fulinta iyo golihii dhexeba wuu leeyahay.Ayuu yidhi.

“Haddaba, khilaafka soo baxay waxa weeye, markii xisbiga lagaga adkaaday doorashadii u dambaysay ee la lafa-guray xisbigu muxuu u dhacay? Waxa la yidhi xisbigu wuxuu ku milmay xukuumaddii jirtay, si taa looga badbaado waa in la kala saaro xisbiga iyo Madaxtooyada,waana halka uu ka yimi arrinta murrashaxa xisbigu. Ta labaad si aanay bahweynta UDUB u qaadan in raggii hore uun meesha fadhiyayaan ayaa keentay in aannu annagu noqonno mus-dambeed, xisbiguna uu yeesho murrashax cusub oo hannan kara doorashooyinka dambe, taasaa keentay in murrashax loo baahdo. Markaa murrashax iyo xisbi waa kala gaar, maanta annagu kama socono murrashax ee waxa ka hadhay muddo saddex sanno ah wakhtiga uu isagu tartamyo ee bandhigayo ololihiisa. Laakiin maanta bahweynta UDUB waxa ku waajib ah in ay xisbigii dhisto si uu ula tartamo 17-ka urur ee taagan. Waxaannuna bahweynta UDUB ugu baaqaynaa in ay fadhiga ka kacaan oo ha la dhiso si uu doorashada golayaasha degaanka ugu soo baxo oo ka mid noqdo saddexda xisbi qaran. Murrashax mar buu ahaa markiina waatii la kala saaray, wakhtina wuu leeyahay ee maanta meesha marimaayo ee waa xisbigii oo qaybo-tiraya gobollada iyo degmooyinka,” ayuu yidhi Ku-simaha Guddoomiyaha UDUB.

Waxa kale oo Md. Axmed Yuusuf ka hadlay khilaaf ka dhex jira xisbigooda, waxaannu yidhi, “Wixii khilaaf ah waanu xallinaynaa, arrimahayagu ma fogaa haddii ay isleeyihii qolyaha doonaya in UDUB habaasku liqo, waxaan filayaa in UDUB intaa ka wayn tahay oo aannu islaab xaadhayno oo iminkaba wadahadallo way socdaan.Wax la yidhaa laba garab ma jiraan, waayo xisbigu uu dhisan yahay oo guddoomiye wuu leeyahay, ku-xigeen iyo golayaalba wuu leeyahay, laakiin waa cadho ka kacday murrashax. Waa xubno naga mid ah oo ma diidanin ee waanu soo dhawaynaynaa, xisbiga oo qabyo ah oo aan ka dhisnayn gobollada iyo degmooyinka in la sii fadhiyaa waa dambi, cidii nala dhisayna waxaannu leenahay kaalaya xisbiga wada dhisnee.”

Wasiirkii hore ee Wasaarada Waxbarashada Somaliland Md.Xasan Xaaji Cabdilaahi (Xasan Gadhweyne) oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu soo dhaweeyey go’aanka ay Xukuumaddu kaga qeybgaleyso Shirka London loogu qabanayo Kooxaha Soomaaliya.

SOMALILANDPOST NEWS

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories