HomeQolfoof Aadame U Eke Ah Oo La Helay Iyo Dhaqanka Uu Noolahaasi...

Qolfoof Aadame U Eke Ah Oo La Helay Iyo Dhaqanka Uu Noolahaasi La Wadaagayey Aadamaha Maanta Jira

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

ohannesburg (SLpost)- Waxaa dhowaan dalka Koonfur Afrika laga helay qolfoof aadame u eke ah oo loo malaynayo inuu ahaa noole dunidan soo maray oo lahaa muuqaalka iyo dabeecadda aadamaha ee ah in maydka la’ aaso. Isla markaana noqon kara aadame qaab-dhismeedkiisu ka duwanaa kan hadda nool.

 

Godadka caanka ku ah hadhaadiga taariikhiga ah ee Swartkrans iyo Sterkfontein oo ku yaalla Woqooyiga galbeed ee magaalada Johannesburg xarunta dalka Koonfur Afrika ayaa laga helay qolfoofkan ay cilmibadhayaashu ku tilmaameen nooc cusub oo Aadamihii hore ka mid ah, waxa aanay ku magaaabeen Homo Naledi, ereyga hore waa Ingiriisi halka ereyga labaadna uu yahay afka Sotho ee lagaga hadlo dalka Koonfur Afrika, waxa aanu labadan erey macnahoodu isku noqonayaa Xiddiggii soo baxayey.

Xeeldheerayaasha cilmiga hidde-raaca aadamaha oo qolfoofkan baadhaya ayaa sheegay in jinsigan aadamaha ahi uu sida Aadamaha hadda oo kale maydkiisa aasan jiray, taas oo wax ka beddelaysa aaminsanaantii hore u jirtay ee ahayd in aasidda maydku ay ku koobnayd aadamaha oo aanay cidkale oo ka horreysay la wadaagin.

Qolfoofkan cusub ee ay cilmibaadhayaashu heleen ayaa ay sheegeen in uu leeyahay muuqaal isugu jira mid aad ugu eeg aadame iyo mid ka duwan.

Daka Koonfur Afrika ayaa laga helay tirada ugu badan ee qolfoofka aadamaha iyo noolaha kale ee aadame u ekaha ah, kan hadda la helayna waxa uu ka kooban yaha y15 ruux oo isugu jira da’ yar iyo waayeel, waana hadhaadi qiyaas ahaan ka kooban illaa 1500 oo wasladood.

Xigasho Geeska Afrika

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories