Home“Waxaan Leeyahay Qoladaas (Madasha) Sida Aydaan Sharci U Ahayn Ayaanu Hadakiinuna Sharci...

“Waxaan Leeyahay Qoladaas (Madasha) Sida Aydaan Sharci U Ahayn Ayaanu Hadakiinuna Sharci U Ahayn” Madaxtooyada

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, (SLP)- Madaxtooyada Somaliland ayaa jawaab ka bixisay hadallo ay xubnaha madasha wada-tashigu kaga hadleen marka muddo xilleedka xukuumadda Kulmiye dhamaado sannadkaan guddihiisa oo ku began 26-ka bisha June.dhuxul

Xubnahan madasha wada-tashiga oo shalay warbaahinta kula hadlay Hargeysa ayaa shacabka ugu baaqay in wixii ka dambeeya 26-ka June ay dawlad dhistaan.

Af-hayeenka madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta madaxtooyada maanta galinkii hore ayaa hadalkaa xubnaha madasha kasoo yeedhay mid aan sharci ahayn, isla markaana bulshada ugu baaqay inaanay dheg u dhigin.

Sidoo kale Mr. Dhuxul ayaa jawaab ka bixiyay hadal uu guddoomiyaha madasha wada-tashigu Xasan Guure ku naqdiyay xildhibaanada golaha guurtida. “Runtii waxaynu joognaa dal nabad ah, madax-banaan, dadkiisu ay u tashadeen oo heerkan lagu soo gaadhsiiyay iskaashi iyo wada-tashi aynu kaga midho-dhalinay inuu halkan soo gaadho dalku.” ayuu yidhi Mr. Dhuxul.

“Nimankaas lagu magacaabo madasha oo marka hore aan sharciyad ku dhisnayn ayaa xalay intay isu oo warbaahinta soo fadhiisteen waxay yidhaahdeen 26-ka June ummaddu ha isku timaado oo dawlad ha dhisato, shacabka Somaliland muddo dheer bay tacab soo galiyeen dhismaha dawladnimada, dawladii shalay jirtaybaa maantana jiraysa 26-ka June-na jiri doonta. Dawlad intay ummaddi isku timaado ay dhisaysaa ma jirtee shacabka Somaliland cid bay igmadeen oo talada dalkan ay u dhiibteen, ciddaasaa ka masuul noqonaysa oo ay taladeeda ku ogyihiin.”

Af-hayeen Dhuxul oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas ku daray. “Waxa la yaab leh nimankaa hadlayay waxa ku jiray qaar badan oo dalkan tacab badani kasoo galay, haddana u muuqda maanta erayada kasoo baxayaa ay u muuqdaan in cadawga Somaliland uu salaan kasoo dhigan karo, waxaan leeyahay waar cadawga Somaliland salaam ha u noqonina, markaad idinku hadashaan ayay kuwa kale oo meelo kale ku xareysanna ay hanqalka lasoo kacaan oo ay wax inaga sheegaan. Ciddii tacab kasoo galay dalkan  waa inay lexejeclo ka gashaa oo uu qiimo u yeeshaa. 26-ka June ka dib dawladdani way jiraysaa, horena way u soo jirtay, wixii loo soo tabcay ee dawladnimadan ummada dhayal kuma lumayaan.”

Af-hayeenka madaxtooyada Somaliland oo jawaab ka bixinaya hadalkii Xasan Guure ayaa waxa uu yidhi. “Nin ka mid qoladaas oo lagu sheego guddoomiyaha ururkaas aan sharciga ahayn ayaa wuxuu yidhi xildhibaannada golaha guurtida qaar baan lagu aaminin biilasha xaasaskooda, waxaanu leenahay arrintaas waa qadaf, shacabka Somaliland kama mudna in erayo noocaas golaha guurtida lagu yidhaahdo, nabaday soo dhiseen, dawladnimaday soo dhiseen. Golaha guurtida sida aad sheegtay qaar ka mid ah biilasha xaasaskooda laguma aamini la’a, balse qaran dhan baa lagu aaminay. Sida aydaan sharci u ahayn idinku ayaa waxa aad ku hadashaana aanu sharci u ahayn, sidaa darteed hadalladaas uu cadawgu salaan kasoo dhigan karo, waxaanu leenahay shacabka Somaliland ha u dheg-taagina, nimankaas cidna may igman, cidna xil kama sugayso, dawladda ayaa ka masuul ah ummadan, dawladda ayay dadku doorteen, dawlad la wadaagayo iyo cid meelo kale ka imanaysaa ma jirtee Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayuu shacabku igmaday isagaa haynaya ilaa inta dawlad sharci oo dadku soo doorteed ay bedelayso.”

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories