HomeQofkii u horreeyey ee Maraykanka Gudihiisa lagaa helay Cudurka Ebola oo maanta...

Qofkii u horreeyey ee Maraykanka Gudihiisa lagaa helay Cudurka Ebola oo maanta geeriyooday

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Dallas (SLpost)- Nin u dhashay waddanka Liberia oo noqday Qofkii ugu horreeyey ee Maraykanka gudihisa laga helo Cudurka Ebola, ayaa maanta subaxnimadii hore ku geeriyooday cusbitaal ku yaala magaalada Dallas, gobolka Texas ee Maraykanka.

Ninka xannuunka u dhintay oo lagu magacaabi jiray Thomas Eric Duncan oo muddo todobaad ah ku jiray cusbitaalka magaalada Dallas oo xaaladdiisa caafimaad lagu karantiimeyey, ayaa dalka Maraykanka socdaal ku tagay dabayaaqada bishii hore, isaga oo ka tagay waddanka uu u dhashay ee Liberia oo ka mid saddex waddan oo ku taala Galbeedka Qaaradda Afrika oo cudurkani si baahsan ugu fiday isla markaana sababay dhimashada kumanaan qof.

Ebola“Annaga oo si weyn uga murugaysan, waxaanu idinku war-gelinaynaa dhimashada Thomas Eric Duncan oo saaka (shalay subax) geeriyooday,” sidaas waxa saxaafadda u sheegay afhayeen u hadlay cusbitaalka uu ninkani ku geeriyooday.

Mr Duncan ayaa cudurkani soo ritay ka dib markii uu gaadhay gobolka Texas bishii hore 20-keedii si uu qoyskiisa oo halkaas deggen u booqdo, taas oo sii kordhisay cabsi laga qabay in cudurka Ebola oo xun u saameeyey saddexda waddan ee Sierra Leone, Liberia iyo Guinea ee Galbeedka qaaradda Afrika, uu ku fido dunida inteeda kale. Waxa ilaa wakhtigan baadhitaanno lagu wadaa 48 qof oo ninka cudurkan u dhintay uu xidhiidh la sameeyey.

Cudurka Khatarta ah ee Ebola waxa ilaa immika saddexdaas waddan ugu dhintay in ka badan 3,400 qof ilaa wakhtigii fidintaankiisu dillaacay bishii March ee sannakan, tiradaas oo kala-badh ah dadka uu cudurkani asiibay, sida ay shaacisay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Caafimaadka ee WHO. In kasta oo dhowr qof oo Maraykanka u dhashay oo cudurkani ku haleelay Galbeedka Afrika loo duuliyey waddankooda si looga daaweeyo, Duncan waxa uu noqday oqfkii ugu horeeyey ee astaamaha cudurku ku soo if-baxaan isaga oo ku sugan gudaha dalka Maraykanka.

Waxa kale oo cudurkan laga helay Kalkaaliso caafimaad oo u dhalatay dalka Spain oo daawayn jirtay baadari u dhashay mid ka mid ah dalalka waddamada Galbeedka Afrika ee cudurkani faraha baas ku hayo, waxaana xaaladdeeda caafimaad lagula tacaalayaa cusbitaal ku yaala magaalada Madrid ee caasimadda dalka Spain.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories