Home“Qofka ubadkiisa hagaajiya, amaanadii wuu ka soo baxay, kii kalena khiyaamo ayuu...

“Qofka ubadkiisa hagaajiya, amaanadii wuu ka soo baxay, kii kalena khiyaamo ayuu sameeyey loo qabsan doono” – Sheekh Maxamed Sh Cumar Dirir

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Carruurtu way ku lumaan hadii qaab askarinnimo loola dhaqmo, marka la tarbiyadaynayo.

 

Hargeysa (SLpost)- Sheekh Maxamed Sh Cumar Dirir, ayaa sheegay in qofka ubadkiisa hagaajiya, ka soo baxay amaanadii, kii kalena khiyaamo sameeyey la weydiin doono aakhiro, isla markaana hoosta ka xariiqay in awlaadu tahay mustaqbalka dalka, dadka iyo diinta, isla markaa mudan yihiin in loo dedaalo daryeelkooda.

 

blank

 

Khudbadii Jimcaha maanta (Shalay) oo cinwaankeedu ahaa Tarbiyada Ubadka ayaa sheegay in dadka Soomaalida lagu tilmaamo dadyowga ugu dhalmada badan Ubadka, dhinaca kalena ugu dedaalka yar tarbiyadooda.

 

Sheekh Maxamed oo faahfaahin ka bixinayey in ubadku amaano la inoo dhiibay yahay ayaa ku bilaabay,

 

“Ilaahay waxuu amaanay kuwa ilaaliyey amaanadooda. Amaanada haddaynu u naqaanay lacag la uruuriyo way ka balaadhan tahay, ta koowaad waa ta diinta, ta labaadna, waa ta dadka. Qofka ubadkiisa hagaajiya, amaanadii wuu ka soo baxay, kii kalena khiyaamo ayuu sameeyey loo qabsan doono.

 

Gudashada amaanada Ubadka Ilaahay quraanka ayuu inoogu sheegay ugu horeyn inaynu naar ka badbaadino, ayuu yidhi,

 

“Kuwa Iimaanka laga helow, nafahiina & ehelkiina naar ka badbaadiya. Waxaad kaga badbaadinayso naartana, waa inaad cibaadada Ilaahay iyo salaada fartid.

 

Sheekh Maxamed oo ka hadlayey dariiqyada loo marro tarbiyada ubadka, ayaa yidhi, “Waalidka iyo qof kastoo wax rabaynaya waxaa looga baahan yahay inay ku dayasho wanaagsan noqdo. Ubadku inta ay dhegta wax ka qaataan, inta ay isha ka qaataan ayaa ka muhiimsan. Qofka wax tarbiyadaynaya waxa waajib ku ah ilaalinta waxuu rabaynayo. Waalidku waa inuu wacdi u jeediyo ubadkiisa, sidii Luqmaan Alxakiim Ilaahay Quraanka inoogu sheegay. ‘Inankaygoow salaada oog, waxa wanaagan dadka far, waxa xun u diid, sabirka ogow’.

 

Dariiqyada loo tarbiyadeedyo ubadka waxa ka mid ah inaad ku beerto qalbigiisa cidduu iska ilaalinayo ee uu ka xishoonayo Ilaahay SW, waxuu noqonaya mid hawshaa wagaansa sii wata, waxa ugu dambeeya waxuu noqon karaa ciqaabta oo marxalado maraysa

 

“Waxa ugu dambeeya hadday wax anfacayso ee tarbiyada ubadku waa ciqaabta, oo marxalado maraysa.

 

Sheekh Maxamed oo ka hadlayey arrimaha ubadka loo baahan yahay in laga ilaaliyo ee dariiqa toosan ka leexiya, ayaa yidhi,

 

“Hadaanu waalidku aqoon u lahayn cilmiga tarbiyada ubadka, oo keliya in la dhalo, la dhergiyo, la sii daayo u haysto, caruurta adigaa dayacay waalidoow.

 

Waxa ka mid ah arrimaha ubadka dariiqa ka leexiya khilaafka labada waalid dhexmara, waxa ka mid ah furiinka, waalidkuna waa inuu ogaadaa, dhibaatada koowaad cidda ay ka soo gaadhayso waa ubadka, cuqdad ayey qaadayaan.

 

Ilmaha yar ee agoonka noqda waa siyaalaha ubadku u leexdaan, waxa looga baahan yahay in dadka agjooga iyo xukuumadu meel ku xarayso oo xanaanayso, hadii kale kuweena ayey xumaynayaan.

 

Waxa ka mid ah firaaqada, ilmahii yaraa waxba ma qabto, cuntada ayuu cunaa, tamatiina wuu leeyahay, markaa dhinaca kheyrka uma badnayso, waxa loo baahan yahay in wakhtigiisa la buuxiyo, si aanu fursad ugu helin wakhti uu dadka xunxun ku raaco.

 

Isticmaalka baraha bulshada ayuu sheegay Sheekh Maxamed inay qeyb ka tahay dariiqyada ugu waaweyn ee lumiya ubadka, loona baahan yahay in si weyn looga wacyigeliyo,

 

“Waa inaad u sheegto inuu waxaa ka faa’iidi karo, waxaana iska ilaaliyo, mushkiladaa ayuu leeyahay, casharadaa si joogto ah u siiso. Wxa ka mid ah dariiqyada caruurtu ku lumaan in qaab askarinimo loola dhaqmo, marka la tarbiyadaynayo, oo xidhiidhka idiinka dhexeeya noqdo huruuf iyo hanjabaad, waxuu keenaa inuu ubadkii fidhado, taa caksigeed in waalidkii noqdo mid macaan oo la muudasado way lumisaa ubadka. Gaadhi u iibi, mobile u iibi, wax walba sii way lumisaa, xaga kale ayuu noloshii uga dhacayaa.

 

Ilmaha yar hadii muuqiisa keliya la eego, maka shilis yahay caruurta kale, maka qurux badan yahay, balse akhlaaqdiisa iyo asluubkiisa aanay dhisin wuu lumaa ubadkaasi. Ubadka hadii loo kala eexdo ama la kala jeclaysto waa dariiqyada keena inay leexdan, sida inta abdan wiilasha aynu ka jeclaano hablaha, taasina nebiga CSW wuu ka digay, xadiis macnahiisu ahaa “Ilaaahay ka baqa, oo ubadkiina u cadaalad sameeya.”

 

Mushkiladaha ubadka leexiya waxa ka mid ah marka hooyadu guriga ka maqan tahay, tacsi ayey ku maqan tahay, aroosyada ayey martaa, guryaha oo dhan ayey martaa, lama diidana xidhiidhka, laakiin xad ayuu leeyahay, cidda u horeysa ee hooyada bulshada u qaabilsan tahay ee lagu hallaynayo waa ehelkeeda iyo ubadkeeda, haani gun ayey ka tollantaa, hadaad ubadkaaga iyo ehelkaaga ku filaanweydo oo ambadaan kuwa aad ku dhexwareegayso maxay tarayaan.

 

Habaarka waalidka ee ubadku waa asbaabaha keena inay xumaadaan, nebigu CSW wuu ka digay, “ha habaarina naftiina, ubadkiina, maalkiina, si aydaan u waafaqin saacad ajiib ah oo ducada iyo habaarka la aqbalo,” markaa intii habaar lagaa aqbali lahaa u ducee, duco halagaa aqbalee, ducada waalidkana waa la aqbalaa.

 

Ficilada xunxun hadaad ubadka hortooda ku samaysid waa siyaabaha ay u leexdaan, waalidkii oo hortooda sigaarkii, ama jaadkii ku cunayaa, sheekadii xaaraanta, filimaantii xumaa, wuu qaawan yahay, dabadeed waxuu doonayaa in ubadkiisuna xaafid xijaaban noqdo, isaguna dhan walba wuu u ridayaa. Ilmahii hadaad ka waaniso, adiguba waad samaysaa aabe, hooyo maxaad anniga iigu diidi, weeye jawaabta ku haysata waalid, markaa waxii macaasi iyo dunuub ah gurigaa, laga fogeeyaa, ehelkaa laga fogeeyaa, dalkaa laga fogeyaa waana laga feejignaadaa. Waxaynu isku baraarujinayna aaayaheenii aduun iyo aakhiraba ubadkaa ayuu ku xidhan yahay oo inna bedelayee, waa inaynu xoogeena iyo xoolaheena ku maalgelino tarbiyadooda, qofwalba intuu msuulka ka yahay, dadka shaarica daadsana la isugu tago oo meel lagu xareeyo, iyo waxii lagu tari karo, si aanay kuweena u xumayn, intaynu taa fudaydsanayno waxa laga yaabaa inuu marwalba innaga soo horbaxo wax aynaan ku farxin.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories