Home"Qofka Somaliland ee qaadanaya quudhsiga ah in Xamar laga magacaabo waxay qiimo...

“Qofka Somaliland ee qaadanaya quudhsiga ah in Xamar laga magacaabo waxay qiimo rid ku tahay nafahooda”

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Hargeysa (SLpost)- Golaha Wasiirrada Somaliland, ayaa ka digay in muwaadiniinta u dhalatay JSL ee ka qayb-qaadanaya doorashada baarlamaanka ee la qorsheeyey inay ka qaybsoonta magaalada Muqdisho ee Soomaaliya.

Fadhigii maanta ee Golaha Wasiirrada Somaliland oo Habka Maqalka iyo Muuqaalka u qabsoomay maanta, ayaa lagaga dooday dhowr arrimood oo doorashada baarlamaanka Soomaaliya ka mid tahay. Fadhiga golaha oo uu shir-guddoominayey madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa laga soo saaray war-murtiyeed ku saabsan arrimaha doorashada baarlamaanka Soomaaliya.

blankWar-murtiyeedka ayaa lagu yidhi, “Arrinka ka soo yeedhay Muqdisho ee ah baarlamaan Somaliland metelaya ayaa laga dooranayaa Xamar waa meelka dhac iyo gef loola badheedhayo qaranka Somaliland.

Horeba Soomaaliya way u waday colaadaha ka dhanka ah Qarannimada Somaliland, balse tan maantu way ka daran tahay, qofka Somaliland ee qaadanaya quudhsiga ah in Xamar laga magacaabo waxay qiimo rid ku tahay nafahooda.”

“Sidaa daraadeed muwaadiniinta Somaliland ee isku daya inay ka qayb-galaan metelaada been abuurka ah ee Xamar lagu hayo, waxay jebiyeen go’aankii labada golle, kana horyimaadeen xeerarka iyo shuruucda dalka u dejisan, waxaanay mudan doonaan ciqaabta sharci ee ku habboon.” Sidaas ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay madaxtooyada Somaliland.

Dhinaca kale, Golahaa ayaa dood dheer iyo falanqayn ka yeeshay waxka bedelka iyo kaabista xeerka gaadiidka iyo waddo marista oo horyaalay golaha, waxaana qodob-qodob looga dooday xeerkaas oo ahmiyad weyn u leh qaranka.

Sidoo kale waxa goluhu dood ka yeeshay dhibaatooyinka iyo shilalka ay dadka iyo dalka ku hayaan gaadiidka aan waafaqsanayn haadka iyo waddo marista iyo gaadiidka yaryar ee ku soo badanaya wadanka isla markaana cidhiidhiga ku haya isu-socodka, iyadoo goluhu fadhiyada danbe ka soo saari doono go’aamo lagu xadidayo gaadiidkaas la iskuna waafajinayo haadka baabuurta iyo waddooyinka.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories