Home“Qofka diinta waxa seejiya waa shaydaan iyo Gaal is-xambaar ah, labadaba Qur’aanku...

“Qofka diinta waxa seejiya waa shaydaan iyo Gaal is-xambaar ah, labadaba Qur’aanku si ballaadhan ayuu inooga warramay oo inooga digay…” Sheekh Maxamed Sh. Cumar Dirir.

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir ayaa cadeeyey inay muhiim tahay in qof kasta oo islaam ah ku dedaalo siduu Diinta Islaamka ugu sugnaan lahaa, taasoo u suurtagelinaysa raali-ahaanshaha Ilaahay iyo abaalmarinta jannadiisa.

hgfKhudbadii Jimcaha maanta oo Sheekh Dirir kaga hadlay muhiimada mowduuca khudabaca eek u sugnaanshaha diinta islaamka ayaa ku bilaabay: “waxa ugu wanaagsan ee nolosha aynu haysano waa Diinta Islaamka, qofku haduu waayo, darxumo inay u dhamaatay wax la hubo weeye, noloshuna micno uma lahaanayso. Wax aad u qiimo badan markaad hesho waxa wanaagsan inaad ku dedaasho waxii kuu ilaalin lahaa.

Sheekh Dirir oo ka hadlayey arrimaha qofka u saamaxaya inuu diinta islaamka ku sugnaado ayaa sheegay inuu ugu horeeyo ku sugnaanshaha kitaabka Alle, waxaanu yidhi,

“Waxa ugu horeeya ee kuu saamaxaya inaad diinta islaamka ku sugnaato waa Quraanka, hadday tahay barashadiisa, xifdintiisa iyo ku dhaqankiisa. Ilaahay markuu bani’aadamka abuuray waxuu soo raaciyey kitaabka, waa xadhig qofkii qabsada dabaylaha iyo duufaanada uu kaga badbaadayo. Quraanku inuu yahay shayga ugu weyn ee qofka diinta ku suga Ilaahay baa cadeeyey. Qofka diinta waxa seejiya waa shaydaan iyo gaal is-xambaar ah, labadaba quraanku si balaadhan ayuu inooga waramayo oo inooga digay.

Sheekh Dirir ayaa sheegay in nin ku hadlayey afka Aqalka cad ee Maraykanka dhowaan uu sheegay inay wadamada carabta qaateen mowqif, waxaanu yidhi,

“Waxa layaab leh in nin ku hadlayey afka Aqalka cad ee Maraykanku dhowaan sheegay inay Carabta isla garteen in masaajidada iyo khudbadahooda la shaandheeyo. si muslim dhexdhexaad ah u hadli karaan.

Sheekh Dirir oo ka hadlayey arrinka labaad ee qofka diinta ku sugi kara ayaa sheegay inuu yahay inuu qofku Ilaahay rumeeyo, imaankiisana ka dhabeeyo, waxaanu yidhi,

“Arrinka labaad ee qofka ku sugaya diintiisa waa inuu Ilaahay rumeeyo, iimankiisana ka dhabeeyo oo camal wanaagsan sameeyo. Sida Ilaahay aayad micnaheedu yahay inoogu sheegay, “dadka muuminiinta ah Ilaahay wuu sugayaa aduunyada oo fitnada iyo fasaadku waxba ka qaaday, qabrigana ku sugayo, oo su’aalaha si wanaagsan uga jawaabi doono.

Arrinka kale qofka ku sugaya diintiisa waxa ka mid ah inuu daraaseeyo qisooyinka badan ee kitaabka ku sugan, ayuu sheegay Sheekh Dirir, waxaanu yidhi,

“Arrin kaloo sugaya qofka diintiisa waa inuu daraaseeyo qisooyinka badan ee kitaabka ku sugan, oo aad u soo noqnoqda, sirta ku jirtana tahay sida Ilaahay inoo sheegay in qalbiga Nebiga NNKH iyo qofka islaamka ahba lagu sugayo, diintiina ku sugmayo, isla markaana qofku aanu simbiriirixanayn.

Sheekh Maxamed ayaa sheegay in baryada Ilaahay ka mid tahay waxyaalaha qofka ku suga diintiisa, waxaanu yidhi,

“Baryada Ilaahay waxay ka mid tahay waxyaalaha qofka ku suga diintiisa, marwalba waa inaynu Ilaahay barino, sida muuminiintaba Ilaahay uga waramay siday u baryi jireen “Ilaahow qalbigayaga ku sug diinta, intaad na hanuunisay ka dib’ Nebi Maxamed NNKH ducadan ayuu badin jiray, “Ilaaha qalbiyada rogrogow, Diinta ku sug qalbigayga.’ Caa’isha RC markii ay weydiisay Nebiga NNKH ducadan aad ayaad u badisa, waxuu ugu jawaabay “Qalbigu laba farood ee Ilaahay ayuu ku dhexjira, hadba siduu doonu u rogaa. Markaa ducada waa inaynu aad u badinaa, weliba xilliyada Nebigu NNKH tilmaamay in ducada la aqbalo, xilliga eedaanka, wakhtiga dambe habeenkii.

Arrin kaloo inoo sahlaya inaan diinta islaamka ku sugnaano ayuu sheegay Sheekh Maxamed inuu yahay xuska Ilaahay, waxaanu yidhi, “Xuska Ilaahay waxuu ka mid yahay arrimaha diinta islaamka innagu sugaya, sababtoo ah qofku waxuu jecelyahay ayuu ku celceliyaa. Markaa qofkii doonaya inuu sugnaanshiiya helo waa inuu xuska Ilaaahay afkiisa ku batto. Sida Ilaahay inoo sheegay ‘Qalbiga werwersan xuska Ilaahay ayuu ku degaa’ Nebi Maxamed NNKH waxuu xadiis ku sheegay micnahiisu yahay “Qofka Ilaahay xusaya iyo qofka aan xusayn waxay kala yihiin sidii qof nool iyo mid dhintay. Markaa qofku hadaanu Ilaahay xusayn waa meyd, habba noolaadee.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories