Home"Qofka dadka ku ceebaynaya xanta isha iyo afka ciqaabkiisu waa halaag. Nebiga...

“Qofka dadka ku ceebaynaya xanta isha iyo afka ciqaabkiisu waa halaag. Nebiga NNKH Ilaahay waxuu uga digay inuu ka tallo qaato qof dadka ceebeeya,…” – Khudbaddii Jimcaha ee maanta iyo Sheekh Dirir

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

“Nebi Maxamed NNKH waxuu yidhi, “Dadka waxa naarta ku ridda, weliba madaxmadax, waxii carabkiisu geystay, una qoolan yahay”

Hargeysa (SLpost)- Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir ayaa shaaca ka qaaday in islaamnimada tayadeedu tahay in qofku iska ilaaliyo waxii aan macno lhayn ku hadalkeeda.

Sheekh Dirir Oo Si Adag uga Hadlay Dhaqanka Ku Cusub Hargeysa Ee Fashion-ka Ragga & DumarkaKhudbadii Jimcaha maanta oo sheikh Dirir kaga hadlay halista hadalka xun ayaaa ku bilaabay,

“Walaalayaal kelmadeena maantu waxay ku saabsan tahay carabka oo waxii xun laga ilaaliyo, ama waxii qofka aan faa’iido u lahayn diintiisa iyo duunyadiisa.

Sheekh Maxamed oo ka hadlayey muhiimada hadalka ayaa sheegay inuu ka mid yahay nimcooyinka Ilaahay, waxaanu yidhi,

“Carabku waxuu ka mid yahay nimcooyinka Ilaahay bixiyo, waxaana dareemi kara, qofka hadalku dirqi ku yahay, ama dhegoolaha, laabtiisa waxa ku jira aan sheegi karin, dadka ayaa nimcada hadalka dareemi kara.  Ilahayna SW quraanka wuu inoogu manno-sheegtay, “Qofka banni’aadamka miyaanan siinin laba indhood, carab,( uu ku cabiro waxuu doonayo qofku,).

Carabka oo nimcooyinka Ilaahay SW inna siiyey ah, waxa lagama maarmaan in in waxii wanaagan loo isticmaalo, waxii shar ahna laga ilaaliyo ayuu sheegay Sheekh Maxamed, isagoo yidhi,

“Carabka oo nimcooyinka Ilaahay inna siiyey ah waa muhiim in kheyrka loo isticmaalo, waxii shar ahna laga ilaaliyo. Khayrka u weyn carabka ayuu ka yimaada oo ah Ashahaadada iyo islaamnimada, sharka u weyna isaga ayuu ka yimaada kelmada kufriga iyo gaalnimada.”

Ilaahay quraanka wwaxuu inooga digay dembiyada ka yimaada carabka ayuu sheegay Sheekh Maxamed, NNKH isagoo yidhi,

“Ilaahay SW waxuu quraanka inoogu sheegay, “Qofku waxuu ku dhawaaqayo shar iyo khayr malaa’ig ayaa diyaar u ah, qoraalkeeda, maalina waa la soo hordhigi doonaa. Ilaahay SW aayad kale waxuu ku yidhi “Qofka dadka ku ceebaynaya xanta isha iyo afka ciqaabkiisu waa halaag. Nebiga NNKH Ilaahay waxuu uga digay inuu ka tallo qaato qof dadka ceebeeya, xantiisuna badan tahay.

Ummada islaamka  Ilaahay SW aadaab wanaagsan ayuu Qur’aanka dhexdiisa ku faray, oo ka mid tahay inay carabkooda toosiyaan, oo wax wanaagsan ku hadlaan, ayuu sheegay Sheekh Maxamed.

Sheekh Maxamed ayaa sheegay in Nebi Maxamed NNKH wax badan ummada islaamka uga digay halista Carabka, waxaanu yidhi,

“Nebi Maxamed NNKH waxuu yidhi, “Dadka waxa naarta ku ridda, weliba madaxmadax, waxii carabkiisu geystay, una qoolan yahay. Sidoo kale xadiis ayuu nebigu NNKH ku sheegay macnahiisu yahay, “Qofku waxuu ku hadlaa erey, aanu garanayn dhibkiisa, sababtiisana waxuu naarta ugu sii dhaadhacayaa todobaatan sannadood masaafad la socdo.”

Sheekh Maxamed ayaa sheegay in nebi Maxamed NNKH uu kaadhkii Jannada ula diyaar yahay qofkii afkiisa ilaaliya, waxaanu yidhi,

“Nebi Maxamed NNKH waxuu xadiis inoogu sheegay, “Qofkii ii ballanqaada inuu ilaaliyo carabkiisa, iyo xubinka taranka, waxaan u ballanqaadaya inuu janada gallo.”

Nin caqli badan ayaa nebiga NNKH inoo weydiiyey waa maxa waxa ugu weyn ee aad ugu cabsi badan tahay, aan iska ilaaliyee, intaan aduunka joogo? Nebigu NNKH waxuu u tilmaamay carabka, kuna yidhi iskaa ilaali.

Qofka islaamnimadiisa tayadeeda waxa ka mid ah inuu ka tago waxii bilaa macni ah ayuu sheegay nebigu NNKH, mar kale nebigu NNKH waxuu xaadiis inoogu sheegay, “Qofkii rumaysan Ilaahay iyo maalinta qiyaamaha, kheyr haku hadlo ama ha iska aamuso.

WARIYE MOHAMOUD WALAALEEYE

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories