HomeQof ka Wanaagsan Midkii Hore - W/Q: Cabdifataax Mohamed

Qof ka Wanaagsan Midkii Hore – W/Q: Cabdifataax Mohamed

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Markasta oo Noocyada iyo Tiradu ay sii bataan  Waxaad ku Mashquuleysaa kuna dawakhdaa Helida iyo Doorashada Midka kugu Haboon.Tirada Muuqaalada,Wejiyada iyo Dadyowga kala duwan ee aad Arkeysaa marna Waxa ay soo Dhaweyn doonaan in aad hesho Qofkii adiga kuugu Jirey oo ah Lammanihii aad Nolosha la wadaagi Laheyd,Marna waxa ay ka Qaadayaan Qanaacadii iyo Go,aankii sida aad u dhex Mushaaxeyso.

Fikirka Maskaxda,go,aanka iyo Xulashada ama kala doorashada qof kale maaha mid si sahlan Dhamaan Maskaxdeenu meel isugu wada waafiqi karto.Farxaduna maaha in aad heshay Qofkii aad Rabtey waase in Maanta laga bilaabo aad ku noolaato nolol wanaagsan oo ku Niyadsan Qofkii Calafka ilaahey kaga Dhigey,Haddii Midkeen marka uu Doorto kuna Qanco Qof wixii Markaa ka danbeeya uu ka murugooda kana qoomamoodu Doorashadaasi ka dhacdey wuxuu ku Jiri doonaa Werwer markasta ku sababi kara go,aano khaldan oo cusub,niyad jab iyo isku buuq hoose oo uu Qarsanaayo.

Haddii ay Jiraan Dad badan oo Guursadey isla markaasina xaas ah haddan aan ku Qanacsaneyn Nolosha ay wada bilaabeen,ha is weydiiyaan inta Qof weli Keli ah ee ku dhex Mashquulsan Caalamka Dhalinyarnimada iyo Kelinimada oo weli ku dawakhsan Helida iyo Doorashada Qofkii kale,Ha ogaadaan in kuwa guursadey ay ku dhiiradeen helida Qof kale iyo Doorasho ay beryo badan ka Meereysan Jireen.Xulashada iyo Doorashada Cuntooyinka,Iibsashada alaabaha kala duwan,Socdaalada iyo Dukaameysigu waa Xornimo ay tahay in aad in badan wax iska weydiiso ,hase ahaate Xulashada iyo doorashada Shakhsi ku Cajabiyaa maaha mid u fudud sida Alaab dukaan laga iibsanaayo.Mar waxaad Xulaneysaa Shey aad muddo yar gudaheed ku Isticmaali doonto,Marna wax aad Doorashada ku dooneysaa Qof iyo Lammaane saameyn ku yeesha inta ka Hadhey Noloshaada oo dhan.

Markasta oo Wiilka ama Gabadhu ay Sheekada iyo Caalamka haasawaha Badsadaan waxa ka Dhaawacma ugu danbeynta Xulashada iyo Doorashada Midkii lagu Qanci lahaa.Dabeecado,Wejiyo,Muuqaalo,iyo Xasuuso badan oo kala duwan Ayey la noolyihiin.Qaacidada ah Markasta sii Raadi qof ka wanaagsan midkii hore ama kan ku dhaamaana Waa Xanuun iyo Cudur kale oo go,aan daro ku keena Tiro badan oo Dhalinyarta ah.Sheekooyin badan ayaa qofka ka burbura ku keena Niyad jab uu ku dhiiran waayo aakhirka in uu reerba sameeyo.

Inaad la sheekeysaneyso Qof aanad ku Qanacsaneyn oo aad rabto in aad hore uga sii socotaa waa arin heysata Dadyow badan oo ku wada Jira caalamka jaceylka iyo Raadinta qofkii Nolosha la wadaagi lahaa.Haddii aad Markasta ka fekireyso Waxa la jooga wakhtigii aad qofkan ka wareegi laheyd,Weligeed waa la joogi doonaa in aad kolba qof mid kale uga sii wareegto,Qof ka wanaagsan Midkii horena ma dhamaan doono.Marka aad Guursato ee aad Meher ku Dhaqaaqdo ka waran haddii qof ka wanaagsan midkii hore kugu soo baxo Maxaad yeeli,Miyaad u dhaqaaqi Xagiisa Mise waxaad tahay xaas degan oo isku kaaftoomey.

Casrigan Xulashada iyo Doorashada inta badan waxa u madax banaan Dhalinyarta guur doonka ah,halka wakhtiyadii hore ay badneyd in Waalidku u soo xulaan Ubadkooda Qofka ay la doonayaan,Xornimadani ay Dhalinyartu wakhtigan ku raaxeysanayaan ayaana haddana kuwo badan dhaxalsiisey in ay Helaan qof aaney u Qalmin oo ay jeclaan lahaayeen in mid kale uga sii fiicnaa.Dhaliisha Lammaanihii nolosha oo kugu xumaadeyna ma noqon doonto mid ay dusha u ritaan cid kale oo wey isku kiin eegi uun.

Qof kastaaba Qof wanaagsan Ayuu Raadinayaa,Mid Qurux badan,Mid lacag leh,Mid u Qalma,Mid diin leh Qofba Maskaxdiisa Sifooyin uu wax ku xulanaayo Ayaa ka dhex guuxaaya.Qofkee ugu wanaagsan dadka,Hel oo soo Raadi adiga oo wakhti kasta ku soo luminaaya,Qofkii ugu wanaagsanaa Bulshada ma soo Heleysaa Ragg ama dumarba.Anigu waxaan Rumeysanahay in Qofba wuxuun ka dhiman yihiin.Midka ku Qanciyey ee aad ka heshay Waxyaabo badan oo ku Anfacaaya ayaa ay tahay in aad ku Gaabsato.

Wakhtibaa iman doonta Qofku inta uu Dawakho dadku ay ka caawiyaan Qofkii uu rabey loona soo xulo.raadinta Mid ka wanaagsan midkii hore wuu Dhamaan doonaa,Waxana kugu soo socota wakhtigii aad salka dhigi laheyd Eegmada badana aad iska joojin laheyd,Xasuusihii horena aad ilaawi laheyd Lammaanaha kaa Maqana aad degdeg u dooran laheyd.Qof ka Wanaagsan Jaceylkii hore Weli sii Raadi……………………..

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories