HomeQof isa soo miidaamiyey oo maanta isku qarxiyey badhtamaha Dimishiq kaas oo...

Qof isa soo miidaamiyey oo maanta isku qarxiyey badhtamaha Dimishiq kaas oo galaaftay nolosha 26 qof iyo dhaawac daraasin kale

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Dimishiq, 07 January, 2012 (SLpost)- Qof naftiisa soo biimeeyey ayaa isku qarxiyey badhtamaha magaalada Dimishiq kaas oo galaaftay nolosha 26 qof iyo dhaawaca 63 kale, sida uu sheegay wasiirka arrimaha Gudaha oo ku tilmaamay mid la mid ah weerarradii Argaxgixiso ee laba todobaad ka hor gil-gilay magaladaas.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Ibrahim al-Shaar oo u warramaya telefishanka dawladda ayaa sheegay in 26 qof ay ku dhinteen qaraxan ka dhacay degmada Maidan ee magaalada Dimishiq, kuwaas oo ay ku jiraan 15 oo aan wejiyadooda la aqoonsan Karin waxyeellada qaraxa awgeed.

“Waxaanu kaga jawaabi doonaa gacan bir ah oo wax ka qabanaysa qof kasta oo isku daya inuu waxyeelleeya nabad-gelyada dalka iyo muwaadiniin,”ayuu yidhi Shaar, isaga oo sheegay inay ku dhaawacmeen 63 qof oo kale.

blankQaar ka mid ah mucaaradka ayaa sheegay inay dawladdu ka dambayso weerarradan si ay indhaha caalamka u tusto inay la dagaalamayso kooxo argagixiso ah.

Dhanka kale, Raysalwasaaraha dalka Qadar, Sheekh Hamad bin Jassim al-Thani, ayaa sheegtay in Suuriya aanay wali u hoggaansamin go’aankii Jaamacadda Carabta ee lagu joojinayey iska-hor imaadka dalka gilgilay isla markaana aanay kormeerayaasha Jaamacadda Carabtu wakhtigooda ku luminayn inay sii joogaan.

Guddi ka tirsan Jaamacadda Carabta ayaa lagu wadaa inay kulmaan maalinta berri ah si ay u naaqishaan warbixinnada ay soo diyaariyeen Kormeerayaasha Jaamacadda Carabta kuwaas oo dusha kala socda hannaanka ay xukuumaddu ku qaabishay codsigii uga yimi Jaamacadda Carabta si loo joojiyo iska hor imaadyada dalkaas ka bilaabmay 10 bilood hortood.

blankSheekh Hamad waxa uu sheegay in heshiiska ay ku jirtay sidii ciidamada dalka Suuriya ay uga bixi lahaayeen magaalooyinka kuwaas oo sida uu sheegay aan wax tallaabo laga qaadin leynta iyo xasuuqista dadka rayidka muddadii 10ka maalmood ee kormeerayaasha Carabtu dalkaas ku suganaayeen.

“Warka soo baxyaa waxa uu nagu abuurayaa dhiillo weyn,” ayuu Sh. Hamad u sheegay telefishanka Al-Jazeera.

Kulanka Jaamacadda Carabta ee lagu wadi inuu Berri qabsoomo waxa laga yaabaa in lagu go’aansado haddii la sii wadayo hawl-galka iyo in Suuriya loo gudbiyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay taas oo u gacan-haadinaysa dariiq kallifaya in laga qaado tallaabo caalami ah, in kasta oo dalal badan oo Carab ahi aanay ogolayn.

Bishii December 23 ugu yaraan 44 qof ayaa lagu dilay wax ay dawladda Suuriya ku sheegtay inay ahaayeen labada weerar oo is-miidaamin ah taas oo lagu bartilmaameedsaday dhismayaal dawladdu leedahay oo ku yaala caasimadda Suuriya, kaas oo dhacay maalin ka hor wakhtigii ay korjoogayaasha Jaamacadda Carabtu hawl-galkooda ku yimaaddeen dalka Suuriya.

Dalalka Carabta badidooda ayaa ka warwarsan deggenaansho-la’aanta dalka Suuriya, kaas oo Jaamacadda Carabtu aanay ilaa hadda xal u helin inay la fuliyo qorshihii nabadda ee ugu horreyey. Dalka Suuriya ayaa kaalin muhiim ah ka ciyaara siyaasadda gobolka, iyaga oo waliba gacan-saar la leh dalka Iiraan iyo Kooxda Shiicada ee Hezbollah eek a jira dalka Lubnaan.

Ururka Xisbullah oo siyaasin iyo milatari ahaan xoog ku leh dalka Lubnaan isla markaana dagaal la galay dawladda Yuhuudda sannadkii 2006, ayaa qaraxyada ku eedeeyey dalka Marayakanka.

“Tani waa talaabo labaad oo qorshaha ugu jira ciidamada Maraykanka iyo kuwa caawiso ee gobolka ka jira ay ku rabaan inay ku faro-galiyaan Suuriya taageeradeeda ay siiso xoogagga iska caabinta ee ka horjeeda Cadowga Yuhuudda iyo reer Galbeedka,” ayey Xisbillah ku sheegtay website-keega.

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories