HomeQodobbo Saamaynaya Qaddiyad muran ka dhalisay DALKA oo lagaga hadlayey Shirweyne markii...

Qodobbo Saamaynaya Qaddiyad muran ka dhalisay DALKA oo lagaga hadlayey Shirweyne markii u horeysay Somaliland ka qayb-gashay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Daaresalam (SLpost)- Wefdi uu hoggaaminayo Wasiirka Khaarajiga Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa ka qeyb galay shirka 4aad ee loo qabto dalalka Islaamka ee Qaradda Afrika oo Somaliland markii ugu horeysa lagu casuumay.pict4

Shirkan waxa lagaga hadlayay sidii  dalalka Qarada afrika ee Islaamka ahi ay u dhiiri gelin lahaayeen maalgelin  ku dhisan nidaamka islaamiga ah ee loo yaqaan(Islamic Finance)  iyo sidii loo fududeyn lahaa shuruucda  baananka islaamka ee dalalkaasi.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland oo war qoraal ah ka soo saartay shirkan, waxa shirkaasi ka qayb-galay in badan dalalka Islaamka ah ee qaraada Afrika oo ay Somalilandna ka mid tahay.

Wefdiga wasiirka waxaa ku weheliyay  Gudoomiyaha Hayada Qurbjooga JSL Mudane Abdi Cabdilahi Xirsi iyo Agaasimaha Siyaasadda ee Wasaaradda Khaarij-ga Somaliland Mudane Cabdiqani Axmed Xassan (Goole).

pict 5“Waxa xusid mudan dadkii  meesha joogay oo ay  soo jiidatay markii  Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland uu la wadaag  in barlamaanka Jamhuuradda  Somaliland ay ansixiyeen  Xeerka Bananka Islaamka XEER LR.55/2012  oo Maxaweynahay Jamhuuryada Somaliland uu saxeexay dhaqan gelinta xeerkaasi 2012 bishii 10/03/2012.

Gaba gabadii shirkaasi waxaa shahaado sharaf la gudoonsiiyay Wasiirka Arr.ddibedd JSL iyo xubnihii la socday ee wefdigaasi

Wefdiga uu Hogaaminaya wasiirka Sacad Cali Shire ayaa waxaa la filayaa in ay kulamo kala duwan la yeeshayan dawlada Tanzania gaar ahaan Wasiirka Arrimaha dibeda Tanzania Ambassador Augustine Mahiga. Waxa kaloo la filaya in wefdigu   kulan balaadhan la yeeshaan  jaliyadda  Somaliland ee ku dhaqan dalka Tanzania,” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka wasaaradda Arrimaha Dibadda.

pic threeMadax-Sharafeedkii  halkaasi ka hadlay waxaa ka mid ahaa

-Wasiirka Arrimaha dibedda&Isk. Caalamiga ah ee  Somaliland  Dr. Sacad Cali Shire

-Kaaliyaha xafiiska Madaxweynaha Tanzanaia H.E  Faustin  Kamuzora

-Safiirka dalka sudan u fadhi Tanzania H.E Mahgoub Ahmed

-Safiirka dalka Pakistan u fadhi Tanzania H.E Amir Khan

-Gudoomiye –ku Xigeenka Hayada  Cameysika Tanzania H.E Saqware

Dhammaan madaxdaasi  waxay hoosta  ka xariiqeen ahmiyada ay leedahay in la  dardar geliyo nidaamka maalgelinta bangiyada islaamiga ah, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland.

Somaliland ayaa muddooyinkii u dambeeyey waxa ka taagnaa hirgelinta bangiyo caalami ah oo kuwa Islaamiga ahi ku jiraan, kuwas oo dalka ka hawl-gala iyo sidoo loo abuuri lahaa shuruuc xakamaynaysa nidaamka shaqo ee baanankaas oo ka hor-imanayn diinta Islaamka.

SOMALILADPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories