HomeQodobbo lagaga wada-hadlay Kulan Madaxweynaha Somaliland la yeeshay Wefti ka socda Dalka...

Qodobbo lagaga wada-hadlay Kulan Madaxweynaha Somaliland la yeeshay Wefti ka socda Dalka Sweden

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socda dalka Sweden oo uu hoggaamiyo xoghayaha Golaha Deegaanka magaalada Stockholm ee caasimadda Sweden oo ay wehelinayaan xubno ka tirsan jaaliyadda waddankaas, kuwaas oo dalka ku sugnaa todobaadkii u dambeeyey.

DSC_0112Warbaahintu goob-joog kama ahayn kulanka, haseyeeshee markii uu soo dhammaaday waxa si wada-jir ah shir-jaraa’id u qabtay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis iyo xoghayaha dawladda hoose ee Stockhlom Mr Lars Radh.

Wasiir Maxamed Biixi waxa uu sheegay in madaxweynuhu kala hadlay sidii ay horumarka ka jira Somaliland u gaadhsiin lahaayeen baarlamaanka dalka Sweden isla markaana kor loogu qaadi iskaashiga iyo xidhiidhka dhexeeya shacbiga labada waddan.

Xoghayaha Dawladda Hoose ee Stockholm Mr Lars Radh oo isaguna saxaafadda la hadlay, ayaa yidhi, Waxaanu fursad u helnay inaanu la kulanno madaxweynaha Somaliland. waxaanu ka wada-hadalnay sidii aanu u sii xoojin lahayn wada-xaajoodkayaga, una samayn lahayn xidhiidh iyo iskaashi inta ka badan oo u dhexeeya shacabka Sweden iyo Somaliland. Guud ahaanna waxay tani gun-dhig u tahay horumarinta dalalkeenna iyo in waxyaabo badan ay is waydaarsadaan shirkadaha ka jira dalka Sweden iyo bulshada aanu hoggaaminno. Waxaanu rejaynayaa inanaanu kulamo iyo wada-xaajoodyo la qaaddano inta aanu ku sugannahay halkan (Somaliland), waxaanan hubaa inaynu sugayno maalmo wanaagsan oo innaga horreeya.”

Kulanka madaxweynuhu la qaatay weftiga reer Sweden waxa goob-joog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland Md Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirka Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka Arrimaha Gudaha Md Cali Maxamed Warancade, Wasiirka Madaxtooyada Md Xirsi Cali Xaaji Xasan, Maayarka Caasimada Hargeysa Md Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha MsCali Axmed Cali, Xoghayaha Dawlada Hoose ee Hargeysa Mowliid Waris Cabdilaahi.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories