HomeQodobbo ka soo Baxay Shir dalka Itoobiya ugu qabsoomay Guddiga Dib-u-habaynta Shaqaale-weynaha...

Qodobbo ka soo Baxay Shir dalka Itoobiya ugu qabsoomay Guddiga Dib-u-habaynta Shaqaale-weynaha Somaliland iyo Hay’adaha Caalamiga ah ee Dhinaca Horumarka

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Somalilandpost NewsAddis Ababa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland oo taageero ka helaysa hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Ingiriiska (DFID) iyo hay’adda Horumarinta Qaramada Midoobay ee UNDP, ayaa dejinaysa Qorshe dibu habayn ballaadhan lagu samaynayo tayada iyo tirada Shaqaalaha Dawladda.

Kulan ballaadhan oo muddo saddex maalmood ah ka socday magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya isla markaana ay ka qayb-galeen wefti ballaadhan oo ka socday Somaliland iyo hay’adaha DFID iyo UNDP, ayaa laga soo saaray lix qodob oo gundhig u noqonaya isbeddel ballaadhan oo lagu sameeyo tayada iyo tirada shaqaale weynaha Somaliland si loo dhimo baaxadda shaqo la’aanta ee dalka ka jirta.

Shirkan ayaa la sheegay inay qaban-qaabadiisa ay iska lahayd Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee dalka Ingiriiska (DFID), waxaana ujeeddadiisa lagu sheegay dib u habaynta Shaqaalaha Dawladda.

War-murtiyeed gaba-gabadii shirkaas laga soo saaray, ayaa lagu sheegay sidan: “Wefti ka kooban Wasiirka orshaynta, Wasiirka Cadaaladda iyo Garsoorka, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha bulshada, Wasiiru-dawlaha waxbarashada iyo tacliinta sare, Wasiir ku-xigeenka wasaaradda caafimaadka, Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha, Agaasimaha Guud ee Wasaarada Waxbarashada iyoTacliinta Sare, Agaasimaha Madaxtooyada JSL, Guddoomiye ku-xigeenka hay’adda Maamul Wanaagga  ahna ku simaha Guddoomiyaha Guud.

MaxadkaTababarka Shaqaalaha, agaasimeyaasha waaxaha Qorshaynta ee wasaaradaha Maaliyadda, Ganacsiga, iyo madaxa barnaamijka dib u habaynta maaliyadda dawladda ayaa shir ku yeeshay magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Ethiopia.

Shirkaas oo ay kala soo qaybgaleen madax ka socota hay’adda horrumarinta ee Ingriiska (DFID), Bangiga Aduunka, Midowga Yurub, hay’adda Barnaamijyada horumarinta ee Qaramada Midoobey (UNDP), khubaro ka socda Machadka Caalamiga ah ee Maamulka Dawladda Ingriiska, iyo la-taliyaha Wasiirka Qorshaynta oo iyagu lahaa haggidda shirka.

Waxana Shirkan Abaabulkiisa lahaa hay’adda Horumarinta ee Ingriiska (DFID), ujeedadiisuna waxay ahayd sidii loo dardargelin lahaa dib u habaynta shaqaalaha dawladda.

Shirka oo socdey saddex maalmood 10-12 ka bishan waxaa dood badan laga galay sidii loo dardargelin lahaa tayeynta shaqaalaha hay’adaha dawladda, waxaana laysla qaatay qodobadan:-

  1. In guddidii madaxweynuhu hore ugu magacaabay dib u habaynta shaqaalaha dawladda loo sameeyo xoghayn fulisa hawl maalmeedka guddida.
  2. In la sameeyo guddi guud oo xidhiidhisa barnaamijyada dib u habayneed ee ka socda qaybaha kala duwan ee hay’adaha dawladda.
  3. In la fuliyo xeerka shaqaalaha dawladda god-daloolooyinka uu leeyahayna dib u eegis lagu sameeyo. Dib u habayntaa oo hay’adda shaqaaluhu soo curin-doonto.
  4. In muddada lagu jiro dib u eegista xeerkana, xeer madaxweyne lagu sii daboolo god-doloolooyinkiisa.
  5. In tababar loo sameeyo shaqaalaha dawladda, madax iyo minjaba, arrinkaas oo loo xilsaaray maxadkaTababarka Shaqaalaha dawlada.
  6. In la sameeyo Guddi ku meelgaadh ah oo loo xilsaaray meelmarinta go’aamadii ka soo baxay shirkan.”

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories