HomeQodobbada ugu Xaasaasisan Masiirka Wada-hadallada Somaliland iyo Somalia oo la muddeeyey

Qodobbada ugu Xaasaasisan Masiirka Wada-hadallada Somaliland iyo Somalia oo la muddeeyey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Maxamed BiixiDJIBOUTI (SLpost)- Dawladaha Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa go’aamiyey isla markaana heshiis ku gaadhay in wada-hadallada soo socda ee labada waddan oo lagu qaban doono magaalada Istanbul ee dalka Turkiga Dabayaaqada Bisha February ee sannadka soo socday ay labada dhinac kaga wada-hadlaan arrimaha masiiriga ee ka dhexeeya labada waddan.

Madaxweynayaasha Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Jabuuti oo uu goob-joog ka ahaa Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, waxa ay ku go’aamiyeen isla markaana isku af-garteen in qodobbada Xaasaasiga ah ee masiirka wada-hadallada labada waddan aanay suurto-gal ahayn in dib loo sii dhigo, sidaa awgeedna lagaga wada-hadlo Shir loogu ballamay sii-amba-qaadista wada-hadallada oo loo muddeeyey bisha February ee sannadka dambe.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo ka mid ah wasiirro madaxweynaha ku wehelinaya kulanka labada madaxweyne, ayaa faahfaahin ka bixiyey waxyaabaha laga wada-hadlay oo uu sheegay inay ku jiraan fulinta qodobbo hore loogu heshiiyey wada-hadalladii hore oo aanay waxba ka suurto-galin hirgelintooda.

“Anigoo u hadlaya afka Dadka Somaliland iyo Madaxweyneyaashayada, waxaan aad iyo aad ugu mahad-naqayaasha gogosha uu noo fidiyey madaxweynaha Jabuuti, dad reer Jabuuti, waa mid aanu aad iyo aad u qaddarinayno oo qiimo leh, walaaltinimo ku jirto oo ay maanta ugu horeysay ee aanu halkan isugu nimaadno oo lanagu soo dhaweeyo labadayada waddan wada-hadalladii ka dhexeeyey.

Waxaanu ku heshiinnay inaanu arrimaha masiiriga ah ee shacbiga Somaliland iyo Shacbiga Somalia naga sugayaan oo aan laga xishoon oo aanu dhex-galno arrimaha xaasaasiga ah,” Sidaas ayuu yidhi Wasiir Biixi oo saxaafadda kula hadlay Madasha ay labada Madaxweyne heshiiska ku kala saxeexdeen oo ah Hotel Kambeksi ee magaalada Jabuuti.

“Waxa kale oo aanu isla af-garannay waxyaabihii hore ee aanu ku heshiinnay ee wada-hadalladii hore aanu ku dhammaysannay in la fuliyo ayay labada madaxweyne saxeexeen, waxaananu filaynaa in heshiisyadaas sidii ay ahaayeen loo fulin doono, in la der-der geliyo wada-hadalladii. Waxa kale oo aanu ku heshiinnay in markii loo baahdo walaalkayow Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Shacbigiisu ay na soo dhex-galaan haddii loo baahdo wada-hadalladayada inay hore u sii socdaan.

Waxa kale oo aanu ka wada-hadallay in laysku oggolaado wixii dhaqaale iyo dhisme ku lug leh ee labada dhinacba u baahan yihiin in la dhiirri-geliyo laguna soo dhaweeyo qolo-waliba wixii horumar ah ee dadka wax u kordhinaya lagu taageero,” Sidaas ayuu yidhi Md Maxamed Biixi.

Wasiirku waxa uu ka hadlay Xilliga loo muddeeyey Wada-hadallada labada waddan, “Shirku waxa uu noqon doonaa Aakhirka Bisha February, waxaananu filaynaa in arrimaha masiiriga ahi ay noqon doonaan arrimaha aanu annaga iyo walaaladay aad uga wada-hadli doono oo aan la sugi karin,” Sidaas ayuu yidhi Md Biixi.

Ugu dambayntii, waxa uu wasiirku u mahad-celiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, waxaanu yidhi, “Waxaan mar labaad si qaddarin iyo miisaan leh uga mahad-celinayaa madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo ku dedaallay inuu qadiyadda Somaliland iyo Somaliya iyo shacbiga labada waddanba isu-soo-dhawayntooda, wada-hadalkooda sidii uu isugu dhawayn lahaa uu yahay Odaygii Soomaaliyeed, madaxweynihii noogu weynaa ee gobolka ka jira.”

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories