HomeQodobbada Ugu Waaweyn Ee Diiwaanka U Galay Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi 120-kii...

Qodobbada Ugu Waaweyn Ee Diiwaanka U Galay Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi 120-kii Maalmood Ee U Horreeyey

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Xukuumadda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi oo shaqadeeda bilowday 13-kii December 2017, ayaa shaacisay waxqabadka u qabsoomay muddadii 120ka maalmood ee u horreeyey xilkeeda oo ku beegnayd 12-kii April 2018.

DAAWO: Muuqaalka Barnaamijka laga diyaariyey Wax-qabadyada 120-ka maalmood ee Xukuumadda Madaxweyne Muuse BiixiWaxqabadka xukuumadda ee 120ka maalmood oo lagu soo bandhigay Majalad (Magazine) la yidhaa HILAADSHE iyo barmaamij muuqaal ah oo laga baahiyey telefishannada, ayaa ka kooban dhinacyada siyaasadda, horumarka dhaqaalaha, kaabayaasha dhaqaalaha, adeegyada bulshada iyo amniga, kuwaas oo waxqabad muhiim ah laga sameeyey.

Haddaba, marka la soo ururiyo waxqabadka xukuumaddu ku samaysay muddada afarta bilood ah ee ay jirtay, isla markaana laga soo qaado qodobada ugu muhiimsan ee barmaamijka la shaaciyey ku jira waxa ka mid ah;

  1. Safarradii Madaxweynaha Somaliland ku tagay dalalka sida Imaaraadka, Itoobiya iyo Jabuuti waxa ka dhashay inuu kor u kaco meeqaamka diblumaasiyadda Somaliland, iyadoo dawladda Isu-tagga Imaaraadka Carabtu aqoonsatay Baasaboorka Somaliland.
  2. Waxa la dardargeliyey fulinta heshiisyadii Somaliland la gashay Imaaraadka ee ku saabsanaa ballaadhinta iyo casriyeynta Dekedda Berbera iyo mashaariicda kale ee wehelinaysay.
  3. Waxa la toosiyey nidaamka maamulka iyo haykalka dawladnimo, iyadoo wax ka beddel lagu sameeyey hannaanka shaqo ee masuuliyiinta iyo shaqaalahaba.
  4. Buugaagta ardaydu wax ka barato ee fasallada Hoose/dhexe ee dugsiyada Dawladda ayaa bilaash laga dhigay, iyadoo xukuumaddu dusha u ridatay kharashka ku baxa oo ah lacag dhan 1.2 bilyan Shillinka Somaliland.
  5. Waxa la bilaabay hirgelinta barmaamijka shaqo Qaran oo lagu hawlgelinayo dhallinyarada reer Somaliland ee waxbaratay, kaas oo loo sameeyey xisaab-socod (Account) u gaar ah loogu shubo lacag dhan hal bilyan oo shillinka Somaliland bil kasta laga soo bilaabo January 2018, si sannadka dhammaadkiisa loo helo lacag 12 bilyan SL.SH oo lagu bilaabo barmaamijkan shaqo. Waxa kaloo la sameeyey Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada Somaliland oo Madaxweyne Muuse Biixi uu ku shubay kaalmadii u horreysay oo dhamayd laba bilyan oo shillinka Somaliland oo u dhiganta $200,000,000.
  6. Odoraska Miisaaniyad-sannadeedka Qaranka Somaliland ee sannadka 2018-ka oo dhawaan ay ansixiyeen Golaha Wakiilladdu, cadadkeeduna dhanyahay; hal tiriliyan, lix boqol iyo sideetan iyo toddoba bilyan oo Shilinka Soomaliland ah (1687,0000,000,000), una dhiganta Laba boqol iyo Kow iyo Sideetan Malyuun oo Dollar (281,000,000 US), ayaa boqolkiiba 34% ka mid ah ay xukuumaddu u qoondaysay dhinaca horumarinta, waxaanna mushaharka loogu kordhiyey macallimiinta dawladda iyo ciidammada kala duwan ee Qaranka.
  7. Muddadii 120ka maalmood ahayd waxa xukuumaddu dib-u-hawlgelisay 42 goobood oo kuwa caafimaadka ah oo ku kala yaala dhammaan gobollada dalka.
  8. Xukuumaddu waxay bilowday kobcinta wax-soo-saarka dalka, gaar ahaan dhanka beeraha oo ay masuuliyad iska saartay inay u qodo dhulka dadka danyarta ah in ka badan 16 kun oo saacadood, iyadoo xukuumaddu lafteeduna qodonaysa dhul-beereed gaar u ah.
  9. Waxyaabaha kale ee waxqabadka xukuumaddu baahisay ku jira waxa ka mid ah ku dhaw 50 ceel biyood oo isugu jira riigag la qoday iyo ceelasha gaagaaban oo ku shaqaynaya tamarta caddeeda laga dhaliyo, ayaa Wasaaradda Khayraadka Biyuhu muddadaa kooban ku hirgelisay, qaarkoodna la wareegtay, iyadoo kaashanaysa dawladaha taageera Somaliland iyo qaar ka mid ah hay’adaha ku sugan dalka ee ka shaqeeya arrimaha biyaha.
  10. Waxa la dhammaystiray diiwaangelinta dhammaan shaqaalaha dawladda ee guud ahaan gobollada iyo degmooyinka Jamhuuriyadda Somaliland, taas oo qayb ka ah barmaamijka tayeynta iyo tira-koobka shaqaalaha iyo shaqada dawladda, iyadoo sidoo kalena ay jirtay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland digreeto ku amray in haweenka kooto laga siiyo nidaamka shaqaalaynta dawladda.
  11. Waxa markii u horreysay la diiwaangeliyey tirada shaqaalaha ajnebiga ah ee ka shaqaysta gudaha Somaliland, si loo qiimeeyo shaqooyinka muwaadiniintu qaban karaan ee ay hayaan ajaanibku.
  12. Si loo xafido khayraadka dalka xukuumaddu waxay kala noqotay ruqsadihii ay haysteen kalluumaysatadii Shisheeye ee ku sugnaa badda Somaliland, tallaabaddaas oo ay si ballaadhan u soo dhaweeyeen Kalluumaysatada waddaniga ahi, taas oo faa’iido weyna ay ka heleen, isla markaana laga dareemay suuqyada magaalooyinka waaweyn xaddiga Kalluunka ee soo galaya. Waxa kaloo la daweeyey xoolo nool oo tiradoodu gaadhayso 53,752 neef oo isugu jira Geel, Adhi iyo Lo’.
  13. Waxa xukuumaddu saxeexday heshiis cusub oo shirkado caalami ahi sahamin shidaal ay kaga samaynayaan deegaamo ka tirsan Gobolka Saaxil.
  14. Xukuumaddu waxay xil weyn iska saartay hagaajinta amniga gudaha iyo sugidda xuduudaha dalka, iyadoo ciidanka Qaranka Somaliland oo gacan ka helaya shacab-weynaha Gobolka Sool ay ku durkeen xuduudka dhanka bari, iyagoo fadhiisimo cusub ka samaystay deegaamada Tuko-raq iyo Boocame.

Intani waa qaar ka mid ah qodobada ugu waaweyn ee ka dhex muuqda waxqabadka xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ee afarta bilood ee u horreeyey xukunkeeda, hase ahaatee waxa jira mashaariic iyo waxqabadyo kale oo badan oo aan halkan lagu soo koobi karin oo ay hirgeliyeen wasaaradaha iyo hay’adaha kala duwan ee xukuumaddu muddadaasi.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories