HomeQodobbada lagaga hadlay Shir hor-dhac u ah Shirka Maalgashiga ee ay Somaliland...

Qodobbada lagaga hadlay Shir hor-dhac u ah Shirka Maalgashiga ee ay Somaliland iyo Ingiriisku wada-qabanayaan oo lagu soo gebo-gabeeyey London

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Guddoomiyaha Sanduuqa Dhaqaalaha horumarinta Afrika ee Midawga Yurub oo muujiyey doorka fursadaha Maalgashi iyo xasilloonida Somaliland ka jira

London (SLpost)- Shir hordhac u ah Shirka Ganacsiga iyo Maalgashiga Somaliland ee 14-ka bisha October ee sannadkan 2014-ka lagu qabanayo magaalada London ee waddanka Ingiriiska, ayaa Arbacadii shalay lagu soo gebo-gabeeyey isla London, kaasoo ay ka qaybgaleen Madax kala duwan iyo Maalgashadayaal caalami ah oo ka warramay sida ay u danaynayaan inay Somaliland Mashaariic Maal-gelineed ka hirgeliyaan.

AFRICONOMIEShirkan oo ay qaban-qaabisay dawladda Ingiriisku, waxa hoggaaminaysay Rugta Ganacsiga ee Britain British (Chambers of Commerce), taasoo Shirka ku casuuntay Maalgashadayaal caalami ah, Shirkado Ganacsi, Madaxda Dhaqaalaha Yurub iyo Afrika iyo waddamo gaadhaya 18 dal oo African iyo Koonfurta Maraykanka, kuwaasoo kala ahaa Somaliland, Ghana, Nigeria, Zimbabwe, Brazil, Colombia, waxaana ka qaybgalay Masuuliyiin ka socday Waaxda horumarinta caalamiga ah ee dawladda Ingiriiska.

Shirkan ayaa magaalada London ee xarunta waddanka Ingiriiska ka socday 22-kii illaa 24-kii bishan oo shalay ahayd, waxaana Shirkan lagu casuumay oo ka qayb-galay Guddoomiyaha Sanduuqa Dhaqaalaha horumarinta Afrika Xuseen Al-Ishaaqi, kaasoo ka warramay muhiimadda uu leeyahay Maalgashi laga hirgeliyo dalalka Afrika oo uu sheegay inay khayraad badan leeyihiin, waxaanu dalalka uu sida gaarka ah uga hadlay ku soo daray Somaliland oo uu xusay inay khayraad dihin u leehay oo u baahan Maalgashi iyo in dhaqaale loo huro. Waxaanu soo jeediyey inaan la dayicin fursadaha maalgashiga u baahan ee ka jira dalka Somaliland oo uu ku tilmaamay waddan xasilloon oo nabadgelyo ka jirto.

2014-09-24 10.52.04Waxa shirkaas ka qaybgalay Eng. Cabdinaasir Garaad Abshir Saalax oo xubin ka ah Ururka Qurbo-joogga Somaliland ee Qaaradda Yurub, oo sheegay inuu isaguna ka warramay muhiimadda khayraadka Dabeeciga ah ee Somaliland ku duugan iyo khayraaddada kala duwan ee Somaliland yahay mid badan, isla markaana u baahan maalgashi caalami ah, isagoo xusay in haddii Maalgashi muuqda oo ballaadhan lagu sameeyo in ay Somaliland-na ka faa’iidi doonto, Maalgashadayaashuna ka faa’iidi doonaan.

2014-09-24 11.08.23Shirkan, ayaa hor-dhac u ahaa Shir ballaadhan oo ay dawladaha Somaliland iyo Ingiriisku ku wada qaban doonaan 14-ka bisha dambe ee October magaalada London ee waddanka Britain, sida uu sheegay Wasiirka arrimaha dibedda iyo Xidhiidhka caalamiga ah ee Somaliland Dr. Maxamed Biixi Yoonis.

Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland oo toddobaadkan shir Jaraa’id oo uu ku qabtay xarunta Wasaaraddaas ee magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in Shirkaas ay ka qaybgeli doonaan Ganacsato badan oo reer Somaliland ah iyo Ganacsadayaal iyo Shirkado waawayn oo heer caalami ah, kaasoo si weyn looga hadli doono sidii Somaliland Maal-gelin caalami ah looga samayn lahaa khayraadka ku duugan iyo inay shirkado Ganacsi oo caalami ah ugu soo xidhi lahaayeen Ganacsigooda dalka Somaliland.

Africonomie-LondonWasiir Maxamed Biixi Yoonis, waxa uu sheegay in Shirkaas oo magaalada London ka qabsoomi doona 14-ka bisha October ee innagu soo fool-leh uu yahay shir muhiimad ballaadhan u leh Somaliland iyo horumarkeeda, isla markaana ay ku rejo weyn yihiin in Somaliland shirkaas ka faa’iidi doonto maalgashi ballaadhan oo caalami ah, waxaanu intaas ku daray oo uu ugu baaqay Ganacsatada reer Somaliland inay si weyn uga qaybgalaan Shirkaas oo Masuuliyiin dawladda ka tirsan oo uu ka mid yahay isaga, Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga Somaliland iyo Madax kaleba ay ka qabygeli doonaan.

Shirkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyey ee noociisa ah ee ay Somaliland dawladda Ingiriiska la qabanayso ee lagaga hadlayo horumarka, Ganacsiga iyo Maalgashiga Somaliland, sida uu sheegay Wasiirka arrimaha dibedda iyo xidhiidhka caalamiga ah ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis.

@Himilo

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories