HomeQodobbada lagaga hadlay Kulan Dhexmaray Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Safiirka Midowga Yurub

Qodobbada lagaga hadlay Kulan Dhexmaray Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Safiirka Midowga Yurub

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

blankHargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna guddoomiyaha guddida cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland, garyaqaan Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Amb. Nicolas Berlanga Martinez.

War kooban oo ka soo baxay xafiiska warbaahinta ee Maxkamadda Sare oo lagu faahfaahiyey arrimaha ay labada masuul kaga hadleen kulankooda, ayaa u qornaa sidan:-

“Kulanka oo ahaa mid booqasho, ayaa waxa uu ku bilaabmay is-xog waraysi guud, oo la xidhiidha is-kaashiga soo jireenka ah, ee ay wadaagaan dawladda Somaliland iyo Midowga Yurub, waxaanay iska xog waraysteen arrimo la xidhiidha xaalada dalka, gaar ahaan hay’adda garsoorka dalka iyo doorkii ay ka qaadatay geedi-socodka doorashada, waxaanu safiirku ku bogaadiyay garsoorka sida wanaagsan ee ay u maamuleen dacwadihii la xidhiidhay natiijadii hordhaca ahayd ee doorashada. Waxaanu xusay in Midowga Yurub xoojinayo iskaashiga ay la leeyihiin Jamhuuriyadda Somaliland, geesta kale safiirka Midowga Yurub Amb. Nicolas Berlanga waxa uu Somaliland u rajeeyay in ay si hufan oo daah-furan ugu dhamaato arrimaha kale ee la xidhiidha doorashadu.

Ugu danbayn Guddoomiyaha Maxkamadda Sare waxa uu safiirka uga mahad-celiyay kor-u-qaadida is-kaashiga ay waddaagaan Jamhuuriyadda Somaliland iyo Midowga Yurub, waxaanu hoosta ka xariiqay in ay muhiim tahay in la balaadhiyo wada-shaqaynta ka dhexaysa labada dhinac.

Allaa mahad leh.”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories