HomeQISO RUN AH OO KADHACDAY MAGALADA HARGEYSA

QISO RUN AH OO KADHACDAY MAGALADA HARGEYSA

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Goor sheegtu waxay tilmaamaysaa kudhawaad3:40pm waa casar ay milicdu aad ukulushahay daruuro hogolo ah oo teel teel ah ayaa cirka ka muuqda waxaanu kasoo baxnay salaada casar dadka wajiyadoodu aad ayay udhalaalayaan intii soo tukatay waana laga dhex garan karaa dadka inta aan soo tukan waysada ay soo qaateen oo wajigooda nuur kadhigtay awgeed waxaan fadhiistay maqaaxi caan ah oo kutaala BAAR HARGEYSA oo ay dadka dhalinyar iyo waayeelba casarkii kushaaheeyaan warar kana ku kala helaan meel iga durugsan waxaa fadhiya nin aanu is waji naqaan laakiin magaciisa aanan aqoon oo kamida dadka aanu maalin walba halkan ku kulano hase yeesheesheeko wali aanay nadhex marin sababtoo ah hore ayaa loo yidhi reer magaalku way is muuq yaqaanaan ee isma magac yaqaanaan.

Inkudhow shandaqiiqo hadaan fadhiyay waxaan maqlay buuq iyo sawaxan meel aan iga fogayn kabaxaya, waxaan uholaday inaan kawar helo buuqa waxa keenay, waxaan arkay nin sita birta ay qaataan dadka laguha wax kaqaba ama curyaanka ah ee ay kuboodaan oo si adag ula hadlaya mid kamida laba nin oo saaran gaadhi VX landcruiser ah. Nin ku lug ayuu naafo kayahay birta uu sitaa way qaloocsan tahay wuxuu kudoodayaa in raga gaadhiga wataa ay kudhufteen isaga oo wadada maraya birtiina ay ka qaloocsantay, wuxuu sidoo kale gacanta kusitaa Mobile nooca lasalaaxo ah ee loo yaqaano SCREEN TOUGH oo murayadiisu jajabtay waxaanu sheegay in mobile kana gaadhigu ka jiidhay,odaygu wuxuu sheegay inuu ahaa qurbo joog inbadan oo uu kunoolaa dalka Australia sidoo kale inuu aad ula yaaban yahay dhaqanka iyo habsami usocod la,aanta dadka gaadhiyada kudhex wata magaalada hargeysa. Dadka goobta joogay oodhaniyo aniguba si adag ayaan ula hadalnayragii gaadhiga watayoowaxaanu ku amarnay in ay odayga birtana utoosiyaan mobile cusubna hadda u iibiyaan.arintii way nala qaateen ninkii curyaanka ahaan gaadhigii ayuu raacay.

Waa maalin kale iyo anoo shaqo maalmeedkayga kujira ayaa waxaan arkaydad ku xoonsan meel udhow meesha baska laga raaco waan kuweecday waxaan arkay ninkii maalintii hore laftiisii ee curyaanka ahaa oo ay is haystaan nin kale oo gaadhi wata VX landcruiser ah wuxuu kudodayaa inuu birtii ka qaloociyay mobil kiina uu jabiyay muraayadiisii, amakaag iyo fajac ayaan qaaday waxaan xasuustay inuu maalinkii horena sidaa uhadlayaywaliba wuxuu kaga daray dhiiranaanta iyo dagaalka uu ku hayo ninka gaadhidga wata ee dadkuna ugu hiiliniyaan ninka curyaanka iska dhigaya ee tuuga ah, sidii maalinkii hore oo kale ayaa lagu amray ninkii gaadhiga watay inuu lacagta mobile kana bixiyo bir cusub oo uu kuboodana u iibsho odayga,juuq maan odhan afkan maan kala furin oo waan iska dhaqaaqay sababtoo ah waxaan ogahay hadaan idhaa ninkani waa tuug waxani waa caadadiisa in aan cidi iga dhagaysan doonin ee la ii malayn doono inaan hiil u ahay ninka gaadhiga wata.

Balo waxay ka joogtaa marka maalin maalmaha kamida isla ninkii curyaanka iska dhigayay anoo lasocda gaadhiga xafiiska ee VX landcruiser ka ah waliba saaran shidhka hore uu iskaayo hor dhigay ninkii laftiisii ee uu nala dagaalamay anigana bakooradii qaloocsanayd ee uu watay daanka igaga gujiyay markaan ku idhi tuug baa tahay oo waa taan ku arkayay maalintii aad goobtaa joogtay iyo maalintii kale ee aad goobtaa joogtayba , bakooradii qaloocsanayd ee uu daanka igaga gujiyay anoo saaran shidka hore waxay iga jabin gaadhay muraayada indhaha ee aan qaato, inyar kadib waxaa nagu soo xoomay dad badan, wuxuu bilaabay shaqadiisii iyo inuu dadka nala maragsado tolaaaaaaaaay iiqabta raga waxaabu lasoobaxay mobile kii jabnaa ee screen touch ka ahaa oo muraayadu kajaban

 tahay wuxuu dadkii usheegay inaanu ka jiidhnay oo gaadhigu sidaa ugalay.

Dadkii meesha joogay waxay nagu amreen inaan odayga xaqiisa siino oo birtana u iibino mobilkana u hagaajino waanu ka ogolaanay arintii hase yeeshee wuxuu diiday inuunaraaco ileen anaa garanaya inuu tuug yahaye wuxu dadkii ka codsaday in lacagta hadda loo shubo oo sarifle meesha udhawaa loogu shubo waxaanu bixinay lacagtii bakorada iyo tii mobile kaba ileen hargesya oodhan ayaa nagarab taagan oo car dhaqaaq nagu leh oo ninkan uhiilinaysee qisadan waxaan kabartayin wixii aad qarisaaba uu kuqarsado hadiimaalintii labaad ee uu ninka kale suuqa ku maagay aan odhan lahaa waar waa tuug ninkani oo dadka usheegi lahaa anigana igumay dhacdeen. Ninkani wali wuu joogaa magaalada hargeysa waanu kushaqaystaa xirfadaas qofkii arkow iska jir wuxuu sitaa bakoorada bir ah oo qaloocan iyo mobile muraayadiisu jaban tahay.

W/Q Ahmed A/rahmaan Ahmed(ORIGINAL)

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories