HomeQiso murugo leh oo ka Hadlaysa Xuquuqda Deriska (Jaarka) – W/Q: Akram...

Qiso murugo leh oo ka Hadlaysa Xuquuqda Deriska (Jaarka) – W/Q: Akram Rashiid

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

akramWalaal Xasanow Waad Daashaye Iska Yar Naso, Aroortii Salaada Subax Ayaad Kacdaa, Waxaad U Kalahdaa Arzaaqda ILAAHAY, Aqoon Iyo Cilmi Wayn Ma Lihid Balse Muruq Maal Ayaad Tahay, Waxaad Suuqaa Muga Weyn Iyo Magaaladaa Balaadhan Dhex Mushaaxdaba Hadana ALLE Kuguma Qadiyo, Oo Galabtii Waxaad Noo Timaadaa Adoo Gacmaha Ku Laalaadsanaya Waxoogaa Cunto Ah Jeebkana Ku Sida In Lacag Ah.

 

Aragtidaada Waan Ku Farxaa Waxaan Aad Uga Damqadaa Sidaad Iigu Nugushahay Ee Aad Iiga Fikirto, Sidaad Ii Daryeelaysay Ayaad Naftaadii Ilowday, Waligay Imaad Canaanan, Caruurta Aan Kuu Dhalay Anigaad Iga Jeceshahay, Waxaad Isiisay Farxad Wayn Oo Jacayl Iyo Dareenba Leh, Xasan Oo Agteeda Fadhiya Ayaa Yidhi Walaal Aamina ALLE Haku Sharfee Iska Seexo Waa Xili Dambee.

 

Saacadu Waa 2:30 Habeenimo, Aamina Waxa Hurdada Ka Toosiyey Wiilka Ugu Yar Caruurta Ay Xasan U Dhashay, Wiilka Yar Xanuunbaa Ka Oohinaya Hooyadiina Dhabta Ayey Ku Sasabaysaa, Wuu Aamusi Waayey Odeygeeda Ayey Miciinsatay, Xasanow Walaal Hurdada Ka Kac Wiilkeenii Wuu Xanuusanayaaye, Xasan Wuu Kacay Si Uu U Caawiyo, Walaal Aamina Reerahan Jaarkeena Caawimo Ma Waydiisanaa? May Xasanoow Waa Xili Dambe Waanay Hurdaan Ee Iska Daa, Ilaa Intuu Waagu Baryayey Qur’aan Ayuu Ku Akhriyayey, Kadib Wuxu U Ambobaxay Shaqadiisii Isagoo Aad Uga Xun Xaalada Uu Reerkiisu Ku Sugan Yahay.

 

Xasan, Waa Nin Danyar Ah Islamarkaa Saaxibul Ciyaal Ah, 4 Caruur Ah Iyo Hooyadood Ayuu Ka Mas’uul Yahay, Xasan Magaaladan Uu Joogo Wax Ehel Ah Kuma Laha, Shaqadiisu Waxay Tahay Xamaalnimo, Maydhista Baabuurta Iyo Wax Aan Dhaamin.

 

Hadaba Mushkilada Ugu Wayn Ee Xasan Haysataa Waa Midda Joog Iyo Jiifba U Diiday, Ee Sababtay Inuu Daqiiqad Walba Ka Warwaro Reerkiisa, Taasoo Ah In Xaaskiisa Aamini Tahay Mid Laxaad Beeshay, Kadib Marku Cudur Kaga Dhacay Lugaha, Oo Labadii Sanno Ee U Dambaysayba Fadhiga Kamay Kicin, Balse Way Gurguurataa, Aamina Cudurka Ku Dhacay Wax Waa Laga Qaban Karaa Balse Ma Awoodaan Kharash Iyo Lacagtii Dhakhaatiirta Lagu Gayn Lahaa.

 

Waa Goor Duhur Ah, Aamini Waxay U Adkaysan Wayday Xanuunka Haya Wiilkeega, Waa Kaligeed Oo Saddexdii Kale Ee Ay Dhashay Waxay Ku Maqan Yihiin Xarunta Dadka Danyarta Ah Raashinka Lagu Siiyo, Aamina Xaaladu Way Ku Adagtahay, Waxay U Baahantahay Cid Caawisa Waayo Wiilkii Yaraa Xanuunku Wuu Ku Sii Siyaadayaa, Way Gurguuratay Ilaa Ay Ka Gaadhay Guriga Ugu Dhaw Ee Ay Jaarka Yihiin, Balse Reerkaa Ay Jaarka Yihiin Markay Arkeen Curyaamadii Oo Xagooga U Soo Siqaysa Albaabka Ayey Ka Xidheen Iyagoo Isugu Hal Celinaya Tani Cudurbay Na Qaadsiin, Subxaana LAAH, Aamini Waa Daacad Oo Albaabka Ayey Ku Garaacday, Waxase Dhageheega Ku Soo Dhacay Hadalo Ka Nixiyey Oo Ah (Naa Albaabka Nooga Dhaqaaq Xanuunka Hana Qaadsiine) Marbay Hadashay Waxayna Tidhi Walaal Waa Aamina Ee Waxba Idinkama Rabee Inyar Oo Biyo Ah Isiiya Wiil Yar Ayaa Iga Xanuusanayee! Jawaabtii Dambana Waxay Noqotay (Na Dhaaf Na Dhaaf).

 

Dib Ayey Usoo Gurguuratay Waxayna Ku Soo Noqotay Gurigii Jiingada Lahaa Ee Ay Ku Jirtay, Aad Ayey U Ilmaynaysaa Wiilkii Yaraa Ayey Dhabta Ku Qabatay Intaa Way Sasabaysaa Waxayna Ku Calaacalaysaa ILAAHAYOW Waad I Aragtaa, Guriga Ay Ku Jirto Waxa Soo Ag Maray Laba Hablood Oo Sheekeysanaya Waxayna Leeyihiin:

— Saaxiib Cadceedu Kululaa?

— Inamari Guryeheenii Ayeynu Biyo Ka Cabiye

— Saaxiib Gurigan Yaa Ka Dhex Ooyaya?

— Naa Inamari Mooyaane

— Saaxiib Iska Sii Soco Waan Kaa Daba Imane.

 

Xamda Oo Ahayd Gabadha Kusoo Baydhay Gurigan Yaa Albaabka Istaagtay, Waxay Indheheedu Ku Dheceen Aamina Oo Ilmadu Ka Da’ayso, Marna Xaga Daaqada Ayey U Gurguuranaysaa Oo Waxay Eegaysaa In Cidi Usoo Socoto Marna Xaga Wiilka Yar Ayey Usoo Gurguuranaysaa Intaana Waxay Afka Ka Leedahay ILAAHOW Ii Gargaar, Oo Siday Dhulka U Siqaysay Ayey Dharkiina Ka Googo’een, Labada Jilibna Diirkii Ka Murxay.

 

Wiilka Yar Xanuun Dartii Ayuu Taahayaa, Inantii Xamda Beerkaa Dhaqaaqay Oo Waxay U Adkaysan Wayday Dhibaatada Haysata Aamina Oo Ay Jaar Yihiin, Xamdi Cod Naxariis Leh Ayey Ku Tidhi Hooyo Maxaan Kuu Qabtaa? Aamina Oo Aan Filanayn Ayaa Xaga Albaabka Soo Eegtay Waxayna Ugu Hooyo Inyar Oo Biyo Ah Ii Keen!

Xamdi Waa Gabadh 14 Jir Ah Waxay Ku Garaacday Guriga Ugu Dhaw Waa Laga Furi Waayey, Ka Ku Xiga Ayey Garaacday Waa Laga Furay Balse Markii La Ogaaday Inay Curyaamada Wax U Rabto Ayaa Lagasoo Xidhay Albaabka,

 

 (Akhriste Hadaan Ku Idhaa Meesha Waxani Ka Dhacayeen Waa Dhul Soomaaliyeed Igama Rumaysanaysid, Ee Jaarkaaga Ogow)

 

Xamdi Markay 4 Reer Oo Jaarka Ah Ku Hungowday Ayey Gurigoodii U Carartay, Waxayna Guriga Gashay Iyadoo Si Argagax Leh U Qaylinaysa, Reerkii Oo Intay Qadeeyeen Qof Waliba Meel Ku Dibiro Dhacsanayo Ayaa Soo Kacay, Waxana Ugusoo Horeeyey Xamda Aabeheed Oo Leh Aabo Maxaa Ku Helay ?

Xamda Yar Oo Murugo Darteed La Ooyaysa Ayaa Tidhi Aabo Inaguna Sidan Ayeynu U Raaxaysanaynaa Agteenana Waa Lagu Bakhtiyayaa Ee Miyeynaan Muslin Ahayn? Ugu Dambayn Odaygaas Ayaa U Gurmaday Aamina

Oo Gaajo Iyo Haraad Iskugu Darsameen Cunuhuna Engagay Oo Aan Hadli Karayn Oo Ku Ag Dhacday Wiilkii Yaraa Oo Xanuun La Ildaran Oo Sakaraad Ah.

 

Xaqii Jaarku Ka Kale Ku Lahaa Mee?

 

 

W/Q: Akram Rashiid

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories