HomeQISO DHABA OO LA-MAGAC “BAXDAY ADIGAA I NACSIISAY HAWEEN-BA

QISO DHABA OO LA-MAGAC “BAXDAY ADIGAA I NACSIISAY HAWEEN-BA

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

25 ayaa uu marayaa oo ma badna , da’ diisu mana yara marka loo eego yaraanta caadigaa,waxa uu dhameeyay jaamacada , mudo aan sii fogayn.

Hadda se waa uu shaqeeyaa oo saxaafada oo uu kusoo takhasuusay ayaa uu kuhawl galaa qoyskiisu waa 6 qof saddex wiil oo uu isagu ugu wayn yahay iyo Sadex  gabdhood iyo hooyadood aabahood mudo aan sii fogayn ayuu geeriyooday.

blank

Magaciisu waa muuse waana wiil  Dherer lagu tiriyo oo aan gaabnayn midab kiisu waa maariin oo macasa waana haldoor dhalintu kusoo hirato oo agtiisa ,iyo la kulan kiisaba

Muuse maaha wiilasha gabdhaha la haasaawa ama usheekeeya kaliyaata waxa uu xidhiid ka dhaxeeya inta ay shaqada wadaagaan.

waxana uu maanka ku hayaa Inaanu gabadh la haasaawin qalbigiisana siinin . Maadaama aanu aamin sanayn jacayl kaba laftiisa ,iyada oo ay uraacdo Kalsooni darada uu ka qabo dumar kaba dhamaantii maadaama uu arko dhalinyara ay saaxiibada yihiin oo dhamaantood, la dhibaataysan jacaylka iyaga oo cabasha ka muujiyana isla markaana ilmada ka qubanayso dhaaftay dhabanka qoysayna marada ay xidhan yihiin Iyaga oo sheegay inay gabdhuhu jecel yihiin had’ba kii jeebkiisu buuxo ee ladan . Iyaga oo daaqada kasaaraya wixii jacayl aad soo korinayseen oo dhan.

Haddaba arintaasi oo kureebtay Kalsooni daro badan ayaa u sababtay inaanu gabadh soomaaliyeed oo dhan aaminin

Walow uu jiro qadar ,jacaylkuna waxaas ka’ indho laayahay. marka uu kugu dhacayana aanu kula tashanayn.

Haddaba arintaa oo halkaa maraysa ayay gabadh facebook iska barteen iyada oo aan jirin dareen jacayl oo dhankiisa ka’imaanaya oo uu la wadaagi karo gabadh soomaaliyeed

Haddana waxa jiitay oo ka xoog batay qaayaha iyo wanaaga ay leedahay gabadhan iyo sidda ay u’asturan tahay ee ay uqarisay jidhkeeda . middab keedana ugu kalsoon tahay ee aanay badalin

Iyada oo lahayd midab maariin dhalaal xiga, waxa ayna ahayd gabdhaha lagu tiriyo   loo yaqaan .” dheer” magaceeda ayaabad ka garataaye waa maryam oo waxay kula sugan tahay hargaisa .maryam waxa ay dhigataa jaamaca oo ay sanadkii labaad maraysaa

Haddaba xidhiidh ku waa cusub yahay haddana waxad moodaa in muddo badan la wada socday taasna waxa usabab ah qaabka wacan ee durba laysku fahmay

Muuse oo ay soo jiidatay maryam , waxa lagu heshiiyay in la wada qayb sado nolosha oo wax kasta lay’sla wadaago waxana la kala qortay numberada gacanta si halkaana looga wada xidhiidho .

Maryam oo aad u farxsan iyo muuse oo aad moodo inaanu ahayn kii ku fikirayay inaanu gabadh la hadal ayaa sidii kuwada socday,Waxayna maraysaa sheekadoodu tii layla iyo qays oo kaleh dareenka jacaylkuna waa uusoo badanayaa oo maalinba maalinka kasii danbaysa way isku soo dhawaanayaan .

Daqiiqad kasta waa lays ogyahay oo waa lawada xidhiidhaa .Walow ay jiraan wakhtiyo ay kala maqan yihiin oo hawlaha aduun lagu kala mashquul sanyahay .

Haddana way isasoo raadiyaan oo makala maqnaan karaan Iyada oo ay udheer tahay kulano badan oo laysla qaato

Waxadse moodaa in dareenka jacaylku uuku badan yahay maryam maadaama uu muuse kabaqayo in waayo maryam oo ay kalsoonidu kuyar tahay

Haddaba waxa uu u kuur galay Muuse siduu gabadhan aad ugu kalsoonaan lahaa waxana uu isway diiyay isla markii, maxaan ii kordhin kara kalsoonida aan kuqabo maryam?

Iyada oo ay su’aashan maskax diisa kuwareegayso ayaa uu usoo bandhigay lamaanihiisii kaleh ee maryam.

Maryam oo kashaafinaysa kalsooni darada yar ee haysta ayaa ugu bishaaraysay inay samay nayso oo ay raali katahay wax kasta oo kalsoonidiisa ukordhinaysa

Isla markiiba waxa laysku afgartay in mar labaad la kala qorto facebook yada biin kooda,waana laysku waafaqay .Waxay isku wareejiyeen biinankii, sidii ayaana loo wada socon jiray oo uu naftiisa ugu dhiibay uguna kalsoonaaday

Nasiib daro se maryam waa ay khiyaantay muuse oo naftiisa uhuray kuna kalsoonaaday

Isla markaana waxay lasoo baxday dabeecado aanay hore ulahaan jirin waxad moodaa mid kaleh maryamba odhan maysid haatan inay tahay tani

Balan daro badan iyo been farabadan oo dhankeeda ka imaanaysay mudooyinkii udanbaysay waxa taas udheeraa inay badashay ciwaanka biinkii lagu galayay ee laysla ogaa iyada oo aan waxba ogaysiin

waydiin farabadan oo timiday kadib markii ay badashay dabeecadii ay hore ulahayd ee ay inamo badan haasaawe kaleh labilowday iyaga oo ahaa kuwa isaga lashaqeeya badan koodu inamadaasi

Waxana uu ugu danbayntii ogaaday inay khaayintay maryam muuse dhaawac fara badan oo uga yimiday dhanka maryam walbahaar iyo waalalow uu ku sugan yahay iyo waliba qalbi jab udheer ayaa haysta maanta muuse .

Waxase in laga xumaado ah isaga oo ay adagtahay sida uu gabadh kaleh ku aamini doono Isla markaana saamayn badan ku-yeelan doonta

Xidhiidh kii waxa uu kusoo gaba gaboobay oo lagusoo gunaanaday in amaanka layskugu nabad geliyo walow ay maryam doonayso inuu sidaa kulasii socdo haddana suura gal way noqon wayday dhankiisa

Waxana uu joojiyay dhamaanba haasaawe danbe oo lasameeyo maalinkii laga bilaabo

Dhamaad

 

W/Q:Umalkhayr jaamac

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories