HomeQISO DHAB AH: Suldaankii Suuliga Ka Baadhay Wasiirka! - W/Q: Kamaal Sh...

QISO DHAB AH: Suldaankii Suuliga Ka Baadhay Wasiirka! – W/Q: Kamaal Sh Ismail Adem

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

UntitledMurti ayaa tidhaahda Aadame la aragyaa dhib la aragyaa. Waa qiso cajiib ah oo ku dhacday Nin Suldaan ka mid ah salaadiinta Somaliland , waxay ahayd maalin ka mid ah maalmaha illaahay uumay, waa maalin Isniin ah bishuna ay ahayd November /2014. Waxaa xafiis ka mid ah xafiisyada dawlada soo galay nin cadhaysan oo aad moodqayso in dadka oo dhan uu u cadhaysan yahay waxaa juq yidhi oo uu galay suuli kamid ah suuliyada ku yaala xafiiska uu yimid waxaa uu xafiiska ka baadhayaa wasiir la balansaanaa oo uu waayay maalmo badan oo uu kusoo noqnoqday. Haddaba bal ayno sheekada oho ka nidhaahno:-

Xafiisyada dawladu iskuma jiraane xafiisku wuxuu ahaa xafiis wasiir oo waliba kuwa sida fiican ay xukuumada Axmed Siilaanyo ay u qalabaysay kuna yaala goob aad u quruxbadan, waxaa maalintaa isniinta ah soo fuulay dabaqa uu wasiirku xafiiska ku leeyahay nin weyn oo suldaan ah oo raadinaya wasiir ka mid ah wasiirada Somaliland oo uu dhawr maalmood waayay, ninkan suldaanka ahi aad ayuu u kacsan yahay oo bahal cadho la yidhaahdo ayaa xunbo afkiisa ka keentay waa jiq oo hadalka ayaa dirqi uga soo baxaya…. Waxaa cadhada ugu wacnayd xoghaynta wasiirka ayaa ku tidhi wasiirkii ma joogo waa dhawr cisho oo isku xig xiga, dabadeed wuxuu is yidhi ogaan ayaa lagaaga qarinayaa wasiirka, waxaa uu maalintaa uu dabaqa uu soo fuulay oo uu go’aan uu kusoo gaadhay in aanu wasiirka cidnaba maanta weydiin maadaama laga qarinayo oo la leeyahay ma joogo wasiirkii, waxaa markii ugu horaysay oo daf yidhi oo uu galay suuli ku yaala dabaqa oo ahaa xafiis kale suuligii!!! mee wasiirkii ayuu ayuu yidhi?markuu albaabkii suuliga uu furay! Yaab suldaanku waxaa uu u haystay in uu wasiirkii uu qolkan ku gabanayo ama uu shir kula jiro cid kale, isagoo naxsan ayuu soo laabtay oo uu yidhi anagiibaa suuliyada weydiinayna wasiir aan joogin.

Intaa kadib waxaa uu ku noqday xoghayntii wasiirka oo uu ku yidhi adeer dhawr maalmood oo hore ayaan kuu imid oo aad igu tidhi ma joogo wasiirku maanad caadi ahayn wuu ila balansanaa wasiirku ee oradoo magacayga qor oo u tag wasiir oo ku dheh suldaan hebel ayaa ku raba, dhagaha ayuu ka cunay xoghayntii oo uu cananatay odaygii suldaanka ahaa “waxani maxay ahaayeen dadkii uu la balamay ayay ka qarinayaan” waa hadalo uu ku dhawaaqayay markii uu ku jiray xafiiska xoghaynta.

Waxaa uu intaa sii raaciyay haddana adeer raali ahaw adigu ee isagaan mid ahayn halkan ayaa fadhiisanayaa qor magacay oo u gal una sheeg in aan joogo! kkkkkkkkkk cajiib u gal suldaankii wasiirka kana soo qaaday shaxaadkiisii iyo hawshii uu u socday.

Qisadan waxay ina tusaysaa in salaadiintii khaati laga taagan yahay oo ay dhibeen cdi kasta ooxil ka haysa dawlada , taa ku darsoo xafiiska kasta oo dawli ah waxaa ugu tagaysaa nin cumaamad huwan oo sheeganaya cinwaano kala duwan oo kala ah caqil, chief caaqil, suldaan, garaad iyo boqor waana isku wada cumad, garana maysid waxay dadka iyo dalka ay u qabtaan.

 

W/Q:- Kamaal Sh Ismail adem

Tell: 063 4406191

E-mail:- shihaab25@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories